Qoys dhan oo ayagoo nool lagu gubay guri ay ka daganaayeen koonfurta magaalada Gaalkacyo.

Gaalkacyo (SomaliSwiss) 14, March 2007 Guri lagubay

Xasuuq aan horey loo arag ayaa ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug kadib markii nolosha lagu gubay qoys ka kooban 4 qof oo ku dhaqnaa koonfurta magaalada Gaalkacyo taasoo ah arxan darro ku cusub dalka Soomaaliya oo muujinaysa heerka ay gaartay colaada ay hurinayaan dad wax ma garato ah oo shisheeye kalkaal ah.

Ayeeyo, Hooyo uur leh iyo gabar iyo wiil ay dhashay ayaa la xaqiijiyay in xalay nolol lagu gubay qoyskaasi oo ku dhaqnaa xaafada cagaaran ee koonfurta magaalada Gaalkacyo kadib markii gaas lagu bil bilay gurigooda kadibna dab lagu qabtay taasoo keentay in dadkaasi ay ku basbeelaan dabkaasi.

Goob jooge ka mid ah dadka soo barakacay ee ku dhaqan koonfurta magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay in todabaadkii laga soo gudbay la gubay 485 guri oo ay ku dhaqnaayeen dad ka soo barakacay koonfurta Soomaaliya, isagoo tilmaamay xasuuqii arxan darrada ahaa ee lagu la kacay qoyskaasi uu muujinayo cadaawada loo qabo sida uu sheegay dadka ka soo jeeda koonfurta Soomaaliya, isagoo dalbaday in lagu saacido sidii ay dib ugu laaban lahaayeen dhulkooda.

Boqolaal ka tirsan dadka ku dhaqan magaalada Gaalkacyo ayaa gaaray goobta xasuuqa uu ka dhacay ayadoo wajiyadooda laga dareemayay caro iyo murugo ay ka qaadeen xasuuqa ka dhacay magaaladooda ayagoo sheegay in ay si weyn uga xun yihiin xasuuq wadareedka loo gaystay qoyskan.

Waa markii ugu horreysay oo la maqlo qoys dhan oo nolosha lagu gubo,ayadoo falkaasi ay ka argagaxeyso qof kasto oo muslim ah tacadiga lagu kala kacay qoyskaasi INAA LILLAAHI WA INAA LILLAAHI RAAJICUUN.

SomaliSwiss  Maryan  

Email  Riix  Halkaan 


Hanjabaadii lagu haayay Saxaafada Muqdisho oo loogu badalay Dil

Muqdisho (SomaliSwiss) 14, March 2007Wariyeyaal

Saxaafadaha Muqdisho ugu waaweeyn ayaa maalmahamba afka loo qabtay ayadoo loogu hanjabay hadii ay sii daayaan wararka xaqiiqda taabanaya in xarig iska daaye latoogan doono.

Hanjabaad dheer kadib ayaa waxaa si iska cad jir dil loogula dhaqaaqay wariyeyaasha kahowl gala magaalada Muqdisho gaar ahaan kuwa Shabelle & Horn Afrik kuwaasoo loogeystay jirdil aad uxoogan oo illaa iyo hada lafiifa jugtii loo geystay.

Waxaa ka soo dareysa xaaladda Caafimaad ee wariyeyaasha shabelle ee ciidamada dowladda Ethiopia ay jirdil ugu geysteen maalin nimadii isniinta wasaaraddii hore ee G/dhigga Somalia.

Max’ed Ibraahim Raage iyo Max’ed Ibraahim Ruush oo isniintii la soo dhaafay ay xadgudubyo iyo jirdil ay u geysteen ciidamada Ethiopia ayaan soo shaqo tagin waxii ka dambeeyay isla maalintaasi, ka dib markii xanuun daran uu soo wajahay.

Shabkadda Warbaahinta shabelle oo maanta ku booqtay guryahooda wariyeyaashaan ayaa waxa ay sheegeen in xaaladooda caafimaad ay aad u liidato. 

Halkan ka akhriso Shabelle

SomaliSwiss  Omar  

Email  Riix  Halkaan 


Urur cusub oo looga dhawaaqay Magaalada Zurich ee wadanka Switzerland

Swiss-Zurich (SomaliSwiss) 14, March 2007Shirka Zurich

Ururka Difaaca Diinta Dalka & Dadka Soomaaliyeed 

Shirar badan oo ay isugu yimaadeen Aqoonyahanno Culimaa’udiin & wax garad kunool Wadankan Switzerland gaar ahaan Magaalada Zurich taariikhda markey aheyd 10. March 2007.

Shirarkaas kala duwanaa ee ay isugu yimaadeen shacabka kudhaqan Magaalada Zurich  ayaa ugu dammbeytii kasoo saaray Qodobo kala duduwan.

Kuwaasoo ku aadanaa gaar ahaan dhibka maanta kataagan wadanka Somaliya khaasatan Shacabka Soomaaliyeed ee kudhaqan Magaala Madaxda Muqdisho.

Shirkan ayaa ugu horeyn go’aan ku gaaray in ay doortaan Guddi gudigaasoo lagu kala magacaabay  

  •       Gudoomiyaha: Hassan Sheikh Naagi

  •   G/kuxigeenka:  C/qaadir Cilmi Diriye (Qadi)

  •      Xoghayaha:       Dr, Cabdulaahi Maxamed                    

Kadib wadahadal dheer kadib ayaa waxay isla gaareen gudigii ladoortay & shacbi weynihii kasoo qeyb galay shirkaas qudobana kasoo saaray qodobadaasoo kala ahaa 

  • in Ciidamada Itoobiya wadanka ka baxaan kadibna ay Soomaalida wada hadasho

  • in shirka lagu qabto wadanka meel kabaxsan, si loo helo cadaalad  

  • in ay shirka ka qaybgalaan Midowga Maxaakamadaha Soomaaliyeed

  • in aysan imaan wadanka Ciidan shisheeye  oo kasocda AU

  

Iyagoo faahfaahin kabixiyay sababta ayaa sheegay inay shacabka Soomaaliyeed ogaadeen  xalka kaliya ee Soomaaliya mideenkara in uu yahay in ay Soomaalida dhexdeeda wada hadasho.

Taasoo ay kusoo qaateen waagii ay katalinayeen Midowgii Maxkamadaha aan cidna soo dhex gelin Soomaalida hadana Heshiiyay wadankiina nabad kusoo celiyay ayagoo si aad ah u ciribtiray Hogaamiye kooxeedyadii iyo burcadii sanadooyinka badan xooga kuheystay wadanka Soomaaliya.

Waxa ay si aad ah u tilmaameen Ciidamada Ethiopia ee wadanka kusoo duulay iyo dhibaatada ay ugeysteen shacabka Soomaaliyeed welina kuhayaan dhibaato ayagoo codsaday in ay si deg deg ah uga baxaan Wadanka Soomaaliya.

Shirka ZurichShirka ZurichShirka ZurichShirka Zurich

SomaliSwiss  Omar  

Email  Riix  Halkaan


 

%d bloggers like this: