Weeraro hoobiyayaal aad u fara badan oo lagu weeraray Madaxtooyada ee Villa Somalia

Muqdisho (SomaliSwiss) 13, March 2007Cirtoogte

Qaraxyo waaweyn oo Hoobiya yaal ah ayaa waxaa lagu weeraray Madaxtooyada Soomaaliya halkaasoo uu maanta soo gaaray C/llaahi Yusuf isagoo kasoo guuray Magaalada Baydhabo oo ay Dowladiisa daba dhilifka daganeyd.

Madaafiicda ayaa waxay ahaayeen kuwo aad u fara badan waxayna intooda badan ku dhacayeen Madaxtooyada, inkastoo aan la garanayn qasaaraha dhabta ah ee ay geysteen.

Dadka ku dhow Madaxtooyada ayaa waxay sheegeen in rasaasta aadka u xoog badan ay maqlayaan waxaana dadkaasi ku sugnaa Agagaarka Madaxtooyada ay sheegayaan in madaafiicda dhacaysa ay yihiin kuwo aad u xoog badan.

Weerara bada oo kala duduwan ayaa maanta lala beegsaday meela badan ee ay dagan yihiin Dowlad kusheega maanta usoo guurtay Nuqdisho iyo Ciidamada Ethiopian-ka.

SomaliSwiss  Omar  

Email  Riix  Halkaan

%d bloggers like this: