Posted on March 12, 2007 by SomaliSwiss
Kismaayo (SomaliSwiss) 12, March 2007  Kulan balaadran oo ay kasoo qayb galeen waxgaradka Aqoonyahanada & Odayaasha beesha siciid harti (dhulba-hante) ee gobolada Jubooyinka dega ayaa maanta ka dhacay hotel ILYAAS ee magaalada Kismaayo ee xarun goboleedka jubada hoose.
Iyadoo lagaga wada hadalay sidii loola jaan qaadi lahaa xaalada siyaasadeed ee dalku maanta marayo iyo weliba sidii looga hor tegi lahaa mad-madowga siyaasadeed ee durba soo kala dhex galay beelaha juba-land
kulankan oo ay kasoo qayb galeen isimada ,wax garadka iyo aqoon yahanada ayaa waxaa hadalo isugu jiray fariin uu kawaday madaxweynaha dowlada kmg ah iyo arimo kale kasoo jeediyey nabadoon xaaji cabndi yare oo kamida nabadoonada beeshaas siiciid harti.
Nabadoonka ayaa kaga xog waramay wada hadal ay yeesheen madax weynaha dowlada kmg ah Cabdulaahi yuusuf axmed iyo waxyaalihii ay isla soo qaadeen isagoo meteyay oday beeleed.
nabadoonka ayaa wuxuu yidhi waxaan idiinka wadaa madax-weynaha salaan diiran intaas kadibna waxaan isla soo qaadanay anigoo ku hadalaya magacayga iyo magaca Beesha Siciid harti (dhul-bahante ) ee waamo dega waxyaalo badan oo badanaaba ka turjumayey gobolada jubada hoose waxaanuna ka gudbiyay guuxa beelaha waamo gaar ahaan beesha aan kasoo jeedo sida awood qaybsiga gobolada jubada hoose iyo dhibaatada ka taagan.
Wuxuuna madaxweynuhu iisheegay inaysan xiligan jirin wax jago ah oo uu hayaa aysan jirin balse looga baahan yahay inay dowladu waa dowlada dib u heshiisiineed ee ay ciidamada kaqayb qaataan islamrkaana xooga saaran sidii ciidan looga keeni lahaa beesha.
sidoo kale nabadoonka oo hadalkiisii sii wata ayaa sheegay ”’ in dadka beesha Siciid harti ee ku dhaqan gobolada jubooyinka ka codsanayaa in aysan dowlada mucaaradin oo ay taageeraan waa siduu hadalka u dhigaye waxaana la idiinka baahan yahay ciidan ka mid noqda ciidamada Dowlada kmg ah ”’
Hadalka nabadoon xaaji cabdi yare oo dhaliyey buuq iyo bulaan kadib ayaa waxaa baaq wada jira soo saaray waxgaradka ,aqoon -yahanada iyo isimada beesha siciid harti ee jubooyinka waxuuna u qornaa sidan;
- ku; madaxweynaha ,hadii aad tidhi wax idiin-mahayo anana waxba kuuma hayno.
- ku: madaxweynaha ,hadii aad tidhi yaan la i -mucaaradin waanu ku mucaaradnay.
- ku madaxweynaha :hadii aad tidhi waxaan rabaa ciidan ciidan kuuma mahayno.
waxaanu kasoo hor-jeednaa maamulka dowlada Embhagati anagoo tix raacayna xiliga kala guurka oo macnihiisu yahay inaan dalka soomaaliyeed loo loogin cadow shisheeye islamrkaana siyaasad sireed umada xoriyadeeda ,iyo karaamadeeda kursi loo siisan .
Anagoo eegayna taariikhda umada siciid harti islamrkaana ka duulayna xiligii gumaystaha dalka soomaaliya qabsaday dadkii xoriyada u dirirka ahaa islamrkaana xaqa iyo diinta islaamka waxii kasoo hor jeesta ka dagaalamaya waxaanu baaqayaga ku xusaynaa inaan u dul-qaadan doonin in diintayada dalkayaga iyo sharafta umada soomaaliyeed aan la siisan wax- yar.
Ugu dambayntiina waxaanu baaqan ugu sheegaynaa dowlada Embaghati inaan u sheegayno inaysan mar-naba masiirka umadayada la siisan doonin bidhiq wax deeqa.
SomaliSwiss  Mohamed Â
Email Riix Halkaan
|
Like this:
Like Loading...
Filed under: SomaliSwiss | Comments Off on BEESHA DHUL BAHANTE, waxaan kasoo horjeednaa Dowlada C/llaahi Yusuf & Geedi
Posted on March 12, 2007 by SomaliSwiss
Swiss-Bern (SomaliSwiss) 12, March 2007 Â
Banaanbaxyo kala dudwan oo looga oo horjeeda Gumeysiga wadanka Somalia Qabsaday ee Ethiopia oo kakala dhacay Wadamada Mareykanka & Canada. Mudaaharaadyadan ayaa waxaa isugu soo baxay dadweyne aad ufara badan oo Somali ah kuwaasoo kuhor sameeyay Safaaradaha Ethiopia & Mareykanka.
Waxaa kalkaas isugu soo baxay dadweyne aad ufara badan kuwaasoo kacareysnaa Gumeysiga Cusub ee Wadanka Somalia Qabsaday Maalin walbana xasuuq ugeysta Shacabka Somaliyeed ee kunool wadanka Somalia.
Waxba yaan hadalka kugu badinine daawo awirada & Video ga laga soo duubay Dadweynihii Mudaaharaadayay
Halkan Kadaawo Video Laga Soo duubay
Sawirada Kadaawa Halkan Ayagoo farabada
SomaliSwiss  . Omar Mah.Â
Email Riix Halkaan
|
Like this:
Like Loading...
Filed under: SomaliSwiss | Comments Off on Banaan baxyo kala kadhacay wadama kala duwan oo looga soo horjeeday Gumeytaha Ethiopia
Posted on March 12, 2007 by SomaliSwiss
Muqdisho (SomaliSwiss) 12, March 2007Â
Dagaal aad uxoogan oo la isku adeegsaday Madaafiic iyo rasaas xoogan ayaa ka dhacay agagaarka wasaaradii Hore ee Gaashaan dhigga ee Magaalada Muqdisho fiidnimadii Xalay.
Dagaalkaan oo socday ugu yaraan 50 daqiiqadood ayaa waxa uu u dhexeeyay Ciidamada Muqaawamada wax iska caabinta iyo Ciidamada Ethiopia ee fariisinka u ah wasaaradii hore ee Gaashaan dhigga iyadoo wali aan laga helin wax war ah oo ku saabsan qasaarada uu geystay dalaalkaas. Wararka qaar ayaa sheegayanaga in dagaalku ahaa mid aad u xoogan oo lagu qaaday Ciidamo Itoobiyaan ah oo ka yimid magalada Kismaayo soona galay caaway Muqdisho.
Ciidamadan oo ahaa kuwii  shalay lagu weeraray jabxoog lehna uu kaga soo gaaray weerarkaas oo kadhacay No 60 laba gaarina looga soo gubay Ciidan fara badanna ay uga soo dhinteen ayaa hadana rabay iney dagaan xarunta Wasaradii hore ee Gaashandhiga oo horay ay u deganaayeen Ciidama kale oo Ethiopian ah .
Wararka ayaa sheegaya in magaalada oo dhan laga maqlay dhawaaqa madaafiicda iyo hubka culculus ee ay isku adeygsadeen labada dhinac.
Ilaa iyo hadda lama garanayo khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi waxana la xaqiijiyay in dagaalku uu istaagay isagoo socday muddo 50 daqiiqadood ah.
SomaliSwiss  Omar Â
Email Riix Halkaan
|
Like this:
Like Loading...
Filed under: SomaliSwiss | Comments Off on Weerar xoogan oo xalay lagu qaaday Ciidamada Ethiopia ee degenaa wasaarada Gaashaan dhigga
You must be logged in to post a comment.