Swiss-Zurich (SomaliSwiss) 11, March 2007 ![]()
Dadka reer Kenya ayaa 15kii Janaayo 2007 waxay ku soo waaberiisteen Jaraa’idka oo qoray cinwaanno farwaaweyn lagu qoray oo dadka loogu bishaaraynayo in dagaalkii ka dhacay Soomaaliya, gaar ahaan Raas-Kambooni, uu ka badbaadey Riigga Batroolka ka baaraya Badweynta Hindiya meel u dhow aagga magaalada Lamu ee dalka Kenya. Waxaa wararku sheegeen in riiggaasi uu shidaalka ka baarayo ceelka loogu magac daray “Block L-5” oo ku yaal meel 135 km Waqooyi-Bari (N-E) ka xigta magaalada Lamu. Waxaana la ogyahay in magaalada Lamu ay Raas-kambooni u jirto 97 km. [Eeg Khariidadda dhanka midig ee boggan]. Arrintaasi waxay dadweynaha Soomaaliyeed kusoo baraarujisey in ay wax ka ogaadaan ceelka ay Kenya ka hadlayso meesha uu kaga yaal Badweynta Hindiya. Su’aalihii ay daweynuhu is weydiiyeen waxaa ka mid ahaa: “Ceelka ay Kenya Batroolka ka baareyso xaggee kaga yaal Badweynta Hindiya, maadaama Kenya iyo Soomaaliya ay deris ka yihiin xagga Badda,” “Fogaan intee leeg ayuu ceelkaasi u jiraa magaalada Raas-Kambooni ee Soomaaliya”, iyo su’aalo kale oo la xiriira meesha uu ceelkaasi ku yaal oo shaki geliyey shacabka Soomaaliyeed. Haddaba si aan wax uga ogaano ceelka loogu magac daray “Block L-5” ee ay Kenya shidaalka ka qodeyso, waxaan cilmi baaris kooban ku samaynay wararkii ilaa hadda ay warbaahintu ka qoreen ceelkaas iyo xogta ay ilaa hadda soo bandhigtay Wasaaradda Tamarta ee dalka Kenya. Waxa kale oo aan cilmi baarista la kaashan doonaa khariidadda adduunka. Qoraalka waxaan u kala qaybin doonaa dhawr qaybood oo kala ah:
Halkaan ka Akhriso Qoraalka oo dhameystiran SomaliSwiss  Yusufyare Â
|
Filed under: SomaliSwiss |
You must be logged in to post a comment.