Kenya iney badda Somaliya Shidaal kaqodato yaa ufasaxay??

Swiss-Zurich (SomaliSwiss) 11, March 2007 Dhulka Somaliya

Dadka reer Kenya ayaa 15kii Janaayo 2007 waxay ku soo waaberiisteen Jaraa’idka oo qoray cinwaanno farwaaweyn lagu qoray oo dadka loogu bishaaraynayo in dagaalkii ka dhacay Soomaaliya, gaar ahaan Raas-Kambooni, uu ka badbaadey Riigga Batroolka ka baaraya Badweynta Hindiya meel u dhow aagga magaalada Lamu ee dalka Kenya.

Waxaa wararku sheegeen in riiggaasi uu shidaalka ka baarayo ceelka loogu magac daray “Block L-5” oo ku yaal meel 135 km Waqooyi-Bari (N-E) ka xigta magaalada Lamu. Waxaana la ogyahay in magaalada Lamu ay Raas-kambooni u jirto 97 km. [Eeg Khariidadda dhanka midig ee boggan].

 Riiga Baara Shidaalka

Arrintaasi waxay dadweynaha Soomaaliyeed kusoo baraarujisey in ay wax ka ogaadaan ceelka ay Kenya ka hadlayso meesha uu kaga yaal Badweynta Hindiya. Su’aalihii ay daweynuhu is weydiiyeen waxaa ka mid ahaa: “Ceelka ay Kenya Batroolka ka baareyso xaggee kaga yaal Badweynta Hindiya, maadaama Kenya iyo Soomaaliya ay deris ka yihiin xagga Badda,” “Fogaan intee leeg ayuu ceelkaasi u jiraa magaalada Raas-Kambooni ee Soomaaliya”, iyo su’aalo kale oo la xiriira meesha uu ceelkaasi ku yaal oo shaki geliyey shacabka Soomaaliyeed.

 Markab Jaban

Haddaba si aan wax uga ogaano ceelka loogu magac daray “Block L-5” ee ay Kenya shidaalka ka qodeyso, waxaan cilmi baaris kooban ku samaynay wararkii ilaa hadda ay warbaahintu ka qoreen ceelkaas iyo xogta ay ilaa hadda soo bandhigtay Wasaaradda Tamarta ee dalka Kenya.

Waxa kale oo aan cilmi baarista la kaashan doonaa khariidadda adduunka.

Qoraalka waxaan u kala qaybin doonaa dhawr qaybood oo kala ah:

  •  Xogta ilaa hadda laga ogyahay Ceelka Block L-5
  • Warbaahintu Maxay Ka Qoreen Ceelka Block L-5
  • Xeerarka Badaha Adduunka: Si aan u ogaano inta badda ee dalalka xeebta leh ay leeyihiin
  • Loolka iyo Dhigaha Adduunka: Si aan u ogaano meesha uu khariidadda kaga yaal ceelka Block L-5
  • Xeerka Fogaanta Dhinacyada Saddex xagalka: Si aan u ogaano fogaanta u dhexaysa Lamu iyo Raas Kambooni
  • Gababada Qoraalka

Halkaan  ka  Akhriso  Qoraalka  oo  dhameystiran 

SomaliSwiss  Yusufyare  

Email  Riix  Halkaan

Muqaawamada shacabka oo soo saaray bayaan ay ku war gelinayaan Shacabka Soomaaliyeed

Muqdisho (SomaliSwiss) 11, March 2007 Muqaawamada

Ku: Unugyada Muqaawamada sharafta leh
Ku: Shacabka Soomaaliyeed

Ujeeddo: La dagaalanka Maleeshiyaadka Cadowga iyo in la fashiliyo isku-deyga u danbeeya ee Calooshood u shaqeystayaasha loo soo tababarey xasuuqa Shacabka.

Muqdisho,11,March-07 ( Qaadisiya.com) Mahad balaaran Allaah ayey u sugnaatey , nabadgalyo & naxariisna nabigeenii Muxammad dushiisa ha ahaato iyo intii dhab u rumeysey risaaladiisii, kuna taagan dariiqaas.

Waxaan dhammaan halkaan salaam qiimo badan uga soo gudbineynaa shacabka Soomaaliyeed ee geesiga ah iyo muqaawamada sharafta leh ee naftooda u huraya ka xoreynta cadowga dalka ku soo duuley ee uu horkacayo gumeystaha madow ee Tigreega iyo shaqaalaha calooshood u shaqeystayaasha ah ee hoos boodaya.

Dhaqdhaqaaqa wax iska-caabinta wuxuu aaminsan yahey in cadowgii ka daaley khasaaraha ka soo gaaraya halganka hubeysan ee muqaawamada shacabku kala hor timid, sidaas awgeed uu tababar u fidiyey maleeshiyaad uu ka soo uruuriyey gobolada Puntland iyo gobolo kale kuwaasoo uu ugu talagaley iney noqdaan wakiilo fuliya awaamiirtiisa lagu xasuuqayo shacabka Soomaaliyeed.

Hadaba waxaan yaqiinsannahey in shacabka Soomaaliyeed ee fashilyey hagar-daamooyinkii cadowga tigreega, kuna qasbey ineysan talaabo horey uga qaadin xarumaha dhowrka ee ay degan yihiin, waxaan aaminsanahey inay awood u leeyihiin iney gaashaanka u daruuraan maleeshiyaadka calooshood u shaqeystayaasha ee uu cadwogu meelaha fogfog uga keeney si ay qorshayaashiisa gurracan u fuliyaan.

 muqaawamaduna waxey ballan qaadeysaa ayagoo ka amabqaadaya iftihii culumaa’udiinka Soomaaliyeed ee ku xeeldheer diinta Islaamka iney la dagaalami doonaan maleeshiyaadkaas tabarta daran oo aysan waxba ka duwaneyn ciidanka Tigreega ee dalka qabsadey, haddii Allaah idmona in meydkooda la wari doono waddooyinka Muqdisho haddii aaney ka waantoobin oo ay isku soo mutuxaan fulinta awaamirta cadowga iyo calooshood u shaqeystayaashiisa niyadda xun.

Waxaan ugu yeereynaa maleeshiyaadkaas iney ku soo biiraan safafka muqaawamada hubkoodana la soo goostaan, sidaas ayaa uga sharaf badan iney noqdaan adeegayaasha darajada labaad ee u adeega cadowga tigreega, haddii ay wadadaas ku dhintaana waxey dhaxlayaan khasaare adduun iyo mid aakhiro.

Waxaaan mar kale shacabka ugu baaqeynaa iney isku diyaariyaan halgan sharafeedka lagula jiro cadwoga tigreega iyo adeegayaashiisa calooshood u shaqeystayaasha, kuwaasoo aan wax moral ah heyn, isku deygooda u danbeeyana uu yahey maleeshiyaadka aan tabarta laheyn ee ay soo dhoobeen magaalada Muqdisho, waana in muqaawamada la garab siiyaa marka uu qarxo dagaalka lagu sifeynayo isbaheysiga labada cadow, waana in loo diidaa iney ka hawlgalaan xaafadaha Muqdishu.

Ugu dabeyn diyaargarowga Muqaawamadau wuxuu marayaa meeshiisii u sareysey, cadadka muqaawamaduna maalin kasta kor ayuu u socdaa, waana kun jibaarmey xag tiro iyo xag tayaba, wuxuuna u diyaarsan yahey markaan inuu dagaal saf ballaaran ah ku qaado meel kasta oo uu cadowgu joogo, kaasoo socon doona ilaa askariga u danbeeya laga dilo ama dalka laga saaro. Waxaan sidoo kale ugu yeereynaa ciidamada Ugaandha iney isaga baxaan dalka inta aysan ka xirmin waddooyinkii ay ku carari lahaayeen, lamina cafin doono askari kasta oo digniinaha muqaawamada ka dib la qabto.

Gabagabadii waxey muqaawmaadu ku niyadsan tahey in cadowga laga guuleysan doono insha Allaah, cididii ka qeybqaadatana ay sharaftaas heli doonto.
الله أكبر والعزة للإسلام والعاقبة للمتقين

Xaarith Abaa-saadiq
Isku duwaha Muqaawamada Shacabka

Muqdisho
21 safar 1428H—— 11/03/2007

SomaliSwiss  Omar  

Email  Riix  Halkaan

Afar ruux oo si kala gooni ah loogu dilay Muqdisho

Muqdisho (SomaliSwiss) 11, March 2007 Dil

Mid kamid ahaa Madaxda shirkada duulimaadka Jubba Airways ayaa xalay lagu dilay xaafada Ex-Control Balcad ee magaalada Muqdisho.

Ninkaan oo ahaa madaxii amniga shirkada duulimaadka Jubba Airways ayaa lagu magacaabay Salaad Cabdulle Awoowe.

Lama garanayo cida dhabta ah ee kadambeeysa dilka ninkan oo ay soo beegsadeen damley baastoolado ku hubeysnaa ayadoo lagu arkay korkiisa lix xabadood.

Sidoo kale isgoyska SOS waxaa tuuga ay ku xabadeysay baabuur ay saarnaayeen dad rayid ah baabuurkaasoo uu kudhintay isagana nin rayid ah.

Waxaa kaloo agagaarkaasi lagu dilay laba nin labadan Marxuum ayaa lagu kala magacyadoodalagu sheegay Max’ed Colaad iyo Cali Siyaad.

Dalalkan lageysanayo ayaa isugu jira kuwa qorsheysan oo lala beegsado rag layaqaano ayadoo kuwa kalana ay yihiin kuwa kudhaca rag tuugeysanaya.

SomaliSwiss  Omar  

Email  Riix  Halkaan

%d bloggers like this: