Muqdisho (SomaliSwiss) 07, March 2007![]()
Cajaladan oo la soo gaarsiiyay Mid ka mid ah Idaacadaha Magaalada Muqdisho ka tirsan ayuu Macallin Aadan Ceyrow ku sheegay inuu nool yahay, isla markaana uu wali bad qabo. wuxuuna intaasi raaciyay. “Anigu wan bad qabaa, waqtigii alle ii qore ayaana dhimanayaa, miyeysan Mareykanka iyo Ethiopianka ogeyn markaan ku jiray uurka hooyadeey in la qoray xilliga aan dunida ka tagayo” ayuu yiri Macalin Aadan Ceyrow. Wuxuuna ugu baaqay shacabka soomaaliyeed iney dalkooda iyo diintooda ka difaacaan cadowga ayna la dagaalamaan ciidamada Ethiopian-ka ilaa dalka ay isaga baxayaan ayuu yiri. Waa markii ugu horeysay oo cajal maqal ah uu soo duubo Illaahey ha xifdiyee Sheikh Aadan Xaashi Ceyroow tan iyo intii ay talada hayeen Maxkamadaha Islaamiga iyo intii ka dambeysayba oo ay ka baxeen Magaalada Muqdisho. Hadalkan uu soo hadlay Wadaadkan ayaa aad u dhiiri geliyay Ciidamada Mujaahidiinta Muqaawamada kawada Mahgaalada Muqdisho oo hadana kawada kacsoon Cusub oo ay dagaalkooda kubalaarinayaan si ay ula diriraan Cadowga Ethiopia. Halkaan kadhageysta walaalayaal Codkii Macalin Aadan Ceyroow Inshaa Allaah usoo duceeya walaalayaan Mujaahidiinta SomaliSwiss Omar |
Filed under: SomaliSwiss |
You must be logged in to post a comment.