Ciidamada Uganda oo diiday iney qarsadaan Dhibta soo gaartay sida kuwa Ethiopia oo dhimasho & dhaawac aan sheegan

Muqdisho (SomaliSwiss) 08, March 2007askarta yuganda 1

War bixin uu kabixiyay Afhayeenka ciidamada nabad ilaainta ee Midowga oo hadda ku sugan Caasimada Soomaaliya ee Muqdishu Paddy Ankunda ayaa qiray in Ciidamada Uganda ee jooga Muqdishu uu khasaare ka soo gaaray weerar xalay fiidkii ay ku soo qaadeen Muqaawamada.

Captain Paddy Ankunda oo u waramayey Shabakada Warbaahinta Shabelle ayaa cadeeyey in laba askari oo ka tirsan Ciidamada Uganda ay ku dhaawacmeen weerar shalay gelinkii dambe ka dhacay isgoyska KM4 ka dib markii Ciidamada Muqaawamada oo aad u hubeysan ay weerareen kolanyo ay wateen Ciidamada Uganda oo maraysay wadada KM4 ee Muqdishsu.

Ankunda oo u dhashay wadanka Uganda waxa uu sheegay in xiligii weerarka uu dhacayey Ciidamada Uganda ay ku sii jeedeen hotelka Global iyadoo goobta dagaalka uu ka dhacay Xabadihii iyo Madaafiicdii ay argagaxa urideen Ciidamada Ugandha ay ku dhinteen inta la og yahay 11 qof oo rayid ah iyo dhaawaca oo lasheegay inuu gaarayo 22 qof.

 Halkaan  kadhageyso Wareysiga Ankunda

SomaliSwiss  Omar

Email  Riix  Halkaan

%d bloggers like this: