Maxamed Qanyare, Waa taageersanahay Go’aankii kasoo baxay Beelweynta Hawiye

Muqdisho (SomaliSwiss) 08, March 2007

Beel weynta hawiyeQanyare 

Max’ed Qanyare Afrax oo kamid ahaa qab qablayaashii Magaaladda Muqdisho ay hadda kahor kasaareen Muqdisho Maxkamadihii Islaamka Somalia ayaa maanta go’aan uu soo saaray waxa uu kutaageeray go’aankii ay dhawaan ku gaareen beelaha hawiye shirki ay kuyeesheen Magaaladda Muqdhisho.

Shirkii dhawaan ay yeesheen Beel weynta Hawiye ayaa waxa ay kaga hadleen arimaha uu haatan dalka kusugan yahay iyagoo ugu baaqay Ciidamadda dawladda Ethiopia inay sida ugu dhaqsiyaha badan uga baxaan Magaaladda Muqdisho iyo waliba guud ahaan Wadanka Somalia.

Shirkaasi ay yeesheen Odayaal dhaqameedyadda Beelweynta hawiye oo sida tooska ah uga horyimi dawladda somalia isla markaana lagaga soo horjeestay shirka dib uheshiisiinta qaran ee uu Madaxweyne C/laahi Yuusuf kudhawaaqay ayaa waxaa lagu eedeeyay inay kadanbeeyeen qaban qaabadiisa qab qablayaashii Magaalada Muqdisho waxaana si gaar ah loogu eedeeyay Xildhibaan Max’ed Qanyare Afrax.

Max’ed Qanyare Afrax ayaa beeniyay wararka sheegaaya inuu wax ka’ogaa qaban qaabadda shirkaas hase ahaatee Xildhibaan Max’ed Qanyare waxa uu si’aan kagabasho lahayn utaageeray go’aamadii kasoobaxay shirkaasi ay’ yeesheen beelaha hawiye. 

SomaliSwiss  Omar 

Email  Riix  Halkaan

%d bloggers like this: