Posted on March 8, 2007 by SomaliSwiss
Muqdisho (SomaliSwiss) 08, March 2007
War bixin uu kabixiyay Afhayeenka ciidamada nabad ilaainta ee Midowga oo hadda ku sugan Caasimada Soomaaliya ee Muqdishu Paddy Ankunda ayaa qiray in Ciidamada Uganda ee jooga Muqdishu uu khasaare ka soo gaaray weerar xalay fiidkii ay ku soo qaadeen Muqaawamada.
Captain Paddy Ankunda oo u waramayey Shabakada Warbaahinta Shabelle ayaa cadeeyey in laba askari oo ka tirsan Ciidamada Uganda ay ku dhaawacmeen weerar shalay gelinkii dambe ka dhacay isgoyska KM4 ka dib markii Ciidamada Muqaawamada oo aad u hubeysan ay weerareen kolanyo ay wateen Ciidamada Uganda oo maraysay wadada KM4 ee Muqdishsu.
Ankunda oo u dhashay wadanka Uganda waxa uu sheegay in xiligii weerarka uu dhacayey Ciidamada Uganda ay ku sii jeedeen hotelka Global iyadoo goobta dagaalka uu ka dhacay Xabadihii iyo Madaafiicdii ay argagaxa urideen Ciidamada Ugandha ay ku dhinteen inta la og yahay 11 qof oo rayid ah iyo dhaawaca oo lasheegay inuu gaarayo 22 qof.
 Halkaan kadhageyso Wareysiga Ankunda
SomaliSwiss  Omar
Email Riix Halkaan |
Like this:
Like Loading...
Filed under: SomaliSwiss | Comments Off on Ciidamada Uganda oo diiday iney qarsadaan Dhibta soo gaartay sida kuwa Ethiopia oo dhimasho & dhaawac aan sheegan
Posted on March 8, 2007 by SomaliSwiss
Muqdisho (SomaliSwiss) 07, March 2007
Hogaamiyaha Ciidamada Al-shabaab ee Maxkamadaha Islaamiga Soomaaliyeed Macallin Aadan Xaashi Faarax (Ceyrow) ayaa markii ugu horeysay soo duubay fariin ku socota guud ahaan Shacbiga Soomaaliyeed gaar ahaanna Mujaahidiinta iyo Bulshada ku nool Caasimada Muqdisho.Â
Cajaladan oo la soo gaarsiiyay Mid ka mid ah Idaacadaha Magaalada Muqdisho ka tirsan ayuu Macallin Aadan Ceyrow ku sheegay inuu nool yahay, isla markaana uu wali bad qabo. wuxuuna intaasi raaciyay. Â
“Anigu wan bad qabaa, waqtigii alle ii qore ayaana dhimanayaa, miyeysan Mareykanka iyo Ethiopianka ogeyn markaan ku jiray uurka hooyadeey in la qoray xilliga aan dunida ka tagayo†ayuu yiri Macalin Aadan Ceyrow.Â
 Wuxuuna ugu baaqay shacabka soomaaliyeed iney dalkooda iyo diintooda ka difaacaan cadowga ayna la dagaalamaan ciidamada Ethiopian-ka ilaa dalka ay isaga baxayaan ayuu yiri. Â
Waa markii ugu horeysay oo cajal maqal ah uu soo duubo Illaahey ha xifdiyee Sheikh Aadan Xaashi Ceyroow tan iyo intii ay talada hayeen Maxkamadaha Islaamiga iyo intii ka dambeysayba oo ay ka baxeen Magaalada Muqdisho.Â
Hadalkan uu soo hadlay Wadaadkan ayaa aad u dhiiri geliyay Ciidamada Mujaahidiinta Muqaawamada kawada Mahgaalada Muqdisho oo hadana kawada kacsoon Cusub oo ay dagaalkooda kubalaarinayaan si ay ula diriraan Cadowga Ethiopia.Â
Halkaan kadhageysta walaalayaal Codkii Macalin Aadan Ceyroow
Inshaa Allaah usoo duceeya walaalayaan Mujaahidiinta Â
SomaliSwiss  Omar Â
Email Riix Halkaan
|
Like this:
Like Loading...
Filed under: SomaliSwiss | Comments Off on Sheekh Aadan Xaashi Ceyrow oo kamid ah Mas’uuliyiinta Golaha Maxaakimta ayaa fariin u diray shacabka.
Posted on March 8, 2007 by SomaliSwiss
Muqdisho (SomaliSwiss) 08, March 2007
 Â
Max’ed Qanyare Afrax oo kamid ahaa qab qablayaashii Magaaladda Muqdisho ay hadda kahor kasaareen Muqdisho Maxkamadihii Islaamka Somalia ayaa maanta go’aan uu soo saaray waxa uu kutaageeray go’aankii ay dhawaan ku gaareen beelaha hawiye shirki ay kuyeesheen Magaaladda Muqdhisho.
Shirkii dhawaan ay yeesheen Beel weynta Hawiye ayaa waxa ay kaga hadleen arimaha uu haatan dalka kusugan yahay iyagoo ugu baaqay Ciidamadda dawladda Ethiopia inay sida ugu dhaqsiyaha badan uga baxaan Magaaladda Muqdisho iyo waliba guud ahaan Wadanka Somalia.
Shirkaasi ay yeesheen Odayaal dhaqameedyadda Beelweynta hawiye oo sida tooska ah uga horyimi dawladda somalia isla markaana lagaga soo horjeestay shirka dib uheshiisiinta qaran ee uu Madaxweyne C/laahi Yuusuf kudhawaaqay ayaa waxaa lagu eedeeyay inay kadanbeeyeen qaban qaabadiisa qab qablayaashii Magaalada Muqdisho waxaana si gaar ah loogu eedeeyay Xildhibaan Max’ed Qanyare Afrax.
Max’ed Qanyare Afrax ayaa beeniyay wararka sheegaaya inuu wax ka’ogaa qaban qaabadda shirkaas hase ahaatee Xildhibaan Max’ed Qanyare waxa uu si’aan kagabasho lahayn utaageeray go’aamadii kasoobaxay shirkaasi ay’ yeesheen beelaha hawiye.Â
SomaliSwiss  OmarÂ
Email Riix Halkaan |
Like this:
Like Loading...
Filed under: SomaliSwiss | Comments Off on Maxamed Qanyare, Waa taageersanahay Go’aankii kasoo baxay Beelweynta Hawiye
You must be logged in to post a comment.