Sir Culus oo aanu kahelnay rag ushaqeeya Saxaafada Mucaaradka Ethiopia

Swiss-Bern (SomaliSwiss) 07, March 2007 Diyaaradaha Dagaalka USA oo Ethiopia kasoo duulay

Xiriir qarsoodi ah oo aan lasameynay Saxafiyiin Mucaarad ku ah Gumeystaha Ethiopia ee Tigreega ayaa noo soo gudbiyay Sawirkan oo cadeyn u ah sida dhabta ah ee loo shir qoolay Nabaddii Umadda Somaliyeed oo ay si weyn isugu kaashadeen Cadowga Islaamka ee Mareykanka & Dowlada Ethiopia.  

Dowladahan ayaa waxey isku kaashadeen in ay marnaba Dowlad Islaam ah kadhalan Wadanka Muslimka ah ee Somalia ayagoo u kaashaday rag caada qaatayaal ah oo isku sheegaya Dowlad. 

Sawirkan ayaa waxaa lasoo qaaday 17. January 2007  kuwaa soo noocoodu ahaa Air Force C-130 Markaasoo uu socday duqeyntii ay ku hayeen Ciidamada Mareykanka Midowgii Maxkamadaha Somaliyeed. 

Apicture released 17 January 2007 by the US Air Force (USAF) shows Ethiopians from the nearby village of Bilate sitting near an Air Force C-130 Hercules deployed to Ethiopia.  

Diyaaradahaasoo duqeynta ay geysteen kulaayay dad reer miyi ah oo xoola dhaqata Somaliyeed ahaa kuna xasuuqay reer miyi aad u badan & xoolohoodii.  

Warar badan oo ay faafiyeen wargeysyada Soomaaliyeed qaar oo sheegayay Diyaaradahaas dagaal iney kasoo duulayeen Wadanka aanu deriska & walaalaha nahay ee DJipouti oo weligeedba kasoo horjeeday walaalahooda Somaliyeed & gumeysiga kusoo duulayba. 

Ragan ah Mucaarad Dowlad kusheegga Tigreega kuheysta Muslimiin badan oo Ethiopian ah ayaa sheegay iney hayaan sir badan eyna noo soo gudbin doonaan hadii illaahey idmo Jabhadohooduna ay dagaal kula jiraan Tigreega Gumeysiga ku heysta.

Iyagoo Umadda Somaliyeedna kuna taliyay iney Cadowga kusoo duulay dib isaga Xureeyaan eyna iska daayaan dhibaatooyinka dhexdooda laga abuurayo kuwaas oo uu kusheegay in ladoonayo iney iyaga isqabqabsadaan kadibna looga faa’iideeysto.

Wexeyna intaas kudareen in ay dhowrtaan Diintooda Dalkooda & Dadkooda iyagoo kusoo gabagabeeyay hadalkooda hadii aysan sidaa sameynin Umada Somaliyeed eyna uwada istaagin dib uxureynta Wadankooda iney kor u ooyi doonaan.

Waxaa Tarjumay Yusuf Garabey

SomaliSwiss  Omar Mah.

Email  Riix  Halkaan

%d bloggers like this: