Posted on March 7, 2007 by SomaliSwiss
Muqdisho (SomaliSwiss) 07, March 2007
Laba askari oo ka tirsan Ciidamada Puntland ee dawladda kmg ayaa maanta lagu dilay isgoyska km4 halkaasoo shalay la soo dhigay ciidamo taabacsan dawladda si ay u xoojiyaan ammaanka waddooyinka soo gala garoonka oo ay ka soo degayeen ciidamada Uganda kaasoo shalay lagu weeraray madaafiic culculus.Â
Dilka Askartan ayaa waxa uu qeyb ka yahay ugaarsiga Ciidamada dawladda iyo kuwa Ethiopia ayadoo shalay weerar culus oo saacado socday lagu qaaday ciidamada isbiirsaday ee fariisinka ka dhigtay xaruntii hore ee wasaarada gaashaandhiga.
Sadex nin oo ku hubeysan bastoolado ayaa toogtay labadaasi ayagoo ka qaatay qoryo gacmeedyadii ay ku hubeysnaayeen.Â
Goob joogayaal meel ganacsi ku leh isgoyska km4 ayaa u sheegay saxaafada in kooxda dilka gaysatay ay si nabad gelyo ay ku baxeen kadib markii labadaasi askari ay toogteen kadibna qoryahii ka qaateen ayadoo meel halkaasi udhow ay joogeen ciidamada booliska.Â
SomaliSwiss  Omar
Email Riix Halkaan |
Like this:
Like Loading...
Filed under: SomaliSwiss |
You must be logged in to post a comment.