Posted on March 7, 2007 by SomaliSwiss
Swiss-Bern (SomaliSwiss) 07, March 2007
Xiriir qarsoodi ah oo aan lasameynay Saxafiyiin Mucaarad ku ah Gumeystaha Ethiopia ee Tigreega ayaa noo soo gudbiyay Sawirkan oo cadeyn u ah sida dhabta ah ee loo shir qoolay Nabaddii Umadda Somaliyeed oo ay si weyn isugu kaashadeen Cadowga Islaamka ee Mareykanka & Dowlada Ethiopia. Â
Dowladahan ayaa waxey isku kaashadeen in ay marnaba Dowlad Islaam ah kadhalan Wadanka Muslimka ah ee Somalia ayagoo u kaashaday rag caada qaatayaal ah oo isku sheegaya Dowlad.Â
Sawirkan ayaa waxaa lasoo qaaday 17. January 2007 Â kuwaa soo noocoodu ahaa Air Force C-130 Markaasoo uu socday duqeyntii ay ku hayeen Ciidamada Mareykanka Midowgii Maxkamadaha Somaliyeed.Â
Apicture released 17 January 2007 by the US Air Force (USAF) shows Ethiopians from the nearby village of Bilate sitting near an Air Force C-130 Hercules deployed to Ethiopia. Â
Diyaaradahaasoo duqeynta ay geysteen kulaayay dad reer miyi ah oo xoola dhaqata Somaliyeed ahaa kuna xasuuqay reer miyi aad u badan & xoolohoodii. Â
Warar badan oo ay faafiyeen wargeysyada Soomaaliyeed qaar oo sheegayay Diyaaradahaas dagaal iney kasoo duulayeen Wadanka aanu deriska & walaalaha nahay ee DJipouti oo weligeedba kasoo horjeeday walaalahooda Somaliyeed & gumeysiga kusoo duulayba.Â
Ragan ah Mucaarad Dowlad kusheegga Tigreega kuheysta Muslimiin badan oo Ethiopian ah ayaa sheegay iney hayaan sir badan eyna noo soo gudbin doonaan hadii illaahey idmo Jabhadohooduna ay dagaal kula jiraan Tigreega Gumeysiga ku heysta.
Iyagoo Umadda Somaliyeedna kuna taliyay iney Cadowga kusoo duulay dib isaga Xureeyaan eyna iska daayaan dhibaatooyinka dhexdooda laga abuurayo kuwaas oo uu kusheegay in ladoonayo iney iyaga isqabqabsadaan kadibna looga faa’iideeysto.
Wexeyna intaas kudareen in ay dhowrtaan Diintooda Dalkooda & Dadkooda iyagoo kusoo gabagabeeyay hadalkooda hadii aysan sidaa sameynin Umada Somaliyeed eyna uwada istaagin dib uxureynta Wadankooda iney kor u ooyi doonaan.
Waxaa Tarjumay Yusuf Garabey
SomaliSwiss  Omar Mah.
Email Riix Halkaan |
Like this:
Like Loading...
Filed under: SomaliSwiss | Comments Off on Sir Culus oo aanu kahelnay rag ushaqeeya Saxaafada Mucaaradka Ethiopia
Posted on March 7, 2007 by SomaliSwiss
Muqdisho (SomaliSwiss) 07, March 2007 Â Â
 Magaalada Muqdisho ayaa laga dareemayaa Saxan saxo colaadeed kadib markii is afgaran waa xoogan uu kadhex dhashay madaxda Dowlad kusheegga iyo Beelweeynta Hawiye & Muqaawamada Dib uxureynta Somalia.
Maleeshiyooyin aad u fara badan oo ku hubaysan Gawaaridda Dagaalka ayaa maanta markii ugu horaysay lagu arkay qaybo ka mid ah Magaaladda Muqdisho. Maleeshiyooyinkan oo isku urursanaya Xaafadaha Muqdisho kuwaasoo u muuqda inay mar kale qorshaynayaan dagaal ay kaga hortagayaan Ciidamada Gumeystayaasha iyo kuwa lasocda ee Puntland.
Ciidamada Ethiopia iyo kuwa lasocda ayaa shalay Xaafadaha Shiirkole iyo KM4 & kuwa kale kuqaaday weerar ayagoo rabay in ay baaraan guryahaas hubna ka uruuriyaan.
Maleeshiyooyinkan oo wata gawaari dagaal oo aan muddooyinkan looga baran Muqdisho tan iyo wixii ka dambeeyay markii ay isaga bexeen Maxaakiimtii Islaamiga ahaa Magaalada Muqdisho ayaa haatan u muuqda inay la soo baxeen Awood Milatari.
Waxaana agagaarka, Shiirkole/ KM4/ Baar Ubax/ Blak sea/ Howl wadaag/ Hodan/ Yaaqshiid/ Suuqa Xoolaha & Madiina/ Buula xuubeey illaa iyo haatan ku soo qufmaya Maleeshiyooyin fara badan kuwaasoo aan la garanayn goorta ay dagaalka billaabi doonaan.
Kala Soco wixii dheeri ah SomaliSwis
SomaliSwiss  Omar
Email Riix Halkaan |
Like this:
Like Loading...
Filed under: SomaliSwiss | Comments Off on Maanta oo laga dareemayo Xaafadaha Muqdisho Dhiila Colaadeed
Posted on March 7, 2007 by SomaliSwiss
Muqdisho (SomaliSwiss) 07, March 2007
Laba askari oo ka tirsan Ciidamada Puntland ee dawladda kmg ayaa maanta lagu dilay isgoyska km4 halkaasoo shalay la soo dhigay ciidamo taabacsan dawladda si ay u xoojiyaan ammaanka waddooyinka soo gala garoonka oo ay ka soo degayeen ciidamada Uganda kaasoo shalay lagu weeraray madaafiic culculus.Â
Dilka Askartan ayaa waxa uu qeyb ka yahay ugaarsiga Ciidamada dawladda iyo kuwa Ethiopia ayadoo shalay weerar culus oo saacado socday lagu qaaday ciidamada isbiirsaday ee fariisinka ka dhigtay xaruntii hore ee wasaarada gaashaandhiga.
Sadex nin oo ku hubeysan bastoolado ayaa toogtay labadaasi ayagoo ka qaatay qoryo gacmeedyadii ay ku hubeysnaayeen.Â
Goob joogayaal meel ganacsi ku leh isgoyska km4 ayaa u sheegay saxaafada in kooxda dilka gaysatay ay si nabad gelyo ay ku baxeen kadib markii labadaasi askari ay toogteen kadibna qoryahii ka qaateen ayadoo meel halkaasi udhow ay joogeen ciidamada booliska.Â
SomaliSwiss  Omar
Email Riix Halkaan |
Like this:
Like Loading...
Filed under: SomaliSwiss | Comments Off on Laba Askari oo lagu dilay KM4 kadibna qoryahii ay siteen laga qaatay
You must be logged in to post a comment.