Muqdisho (SomaliSwiss) 06, March 2007
- Â Â Â Â Â Â Â Â Â Â Â Â Â Â Â Â Â Â Â Â Â SHIRWEYNAHA BEELAHA HAWIYE
- Ku: Dhammaan beelaha Somaaliyeed.
Â
- Ku: Dowladda Federaalka
Â
- Ujeeddo: Baaq furan1. Hordhac
Ka dib 16-sano oo dowlad la’aan iyo fowdo baahday dalku ku jiray, marka laga reebo 6-bilood oo ay Golihii Maxaakiimta Islaamiga Soomaaliyeed (GMIS) ku soo celiyeen kala-dambeyn iyo amni dalka intiisa badan, ayaa dalka hadda waxaa ka jira colaado ay sababeen dib-u-heshiisiin la’aan iyo joogitaanka ciidada Ethiopia ee aan ku imaan rabitaanka shacabka Soomaaliyeed. Waxaa intaasi dheer in Somalia weli lagu sii hagayo waddo aanay ka soo baxeyn maslaxadda Ummada Soomaaliyeed.Hadaba si looga gudbo caqabadahaasi taagan waxaa kulan ballaaran oo ay ka soo qeyb galeen Duubabka, Odayaasha dhaqanka, Culumaa-u-diinka, Aqoonyahanka iyo Waxgaradka Beelaha Hawiye isugu yeeray Golaha dhaqanka ee beelaha Hawiye oo wadatashi dheer ka dib soo saaray warmurtiyeedka soo socda:
-
2. Xadgudubyada dowladda FKMG:
- · Keenista dalka ciidamo Itoobiyaan ahoo aan ogolaansho looga heysan Barlamaanka Soomaaliyeed, xabgudubna ku ah go’aankii Golaha ammaanka 1725 ee qeexayey in cidamada shisheeye ee dalka imaanaya aysan manaba ka mid noqon ciidamada dalalka safka hore.
- · Soo rogista sharciyo xaalad deg-deg ah oo aan u adeegeneyenin degenaanshaha iyo xasiloonida dalka, halisna ku ah xoriyadda muwaadiniinta iyo hantidooda.
- · Ku xadgudubka qaawan ee mabda’a awood-qeybsiga 4.5 ee ay dowladdu ku dhisan tahay..
- · Magacaabista maamullada goobollada iyo degmooyinka taas oo si cad u jebineysa axdi-qarameedka.
- · U aqoonsiga maleeshiyo-beeleed gaar ah ciidan qaran taasoo dhaawaceysa is-aaminkii bulshada xilligan xasaasiga ah.
- · Ku garaaciska dadka rayidka ah madaafiic iyo hoowiyeyaal aan loo aaba yeelin geystayna dhimasho, dhaawac iyo barakac hor leh oo fara badan.
- · Ku dhawaaqista shir dib u heshiisineed oo aan marnaba daaweyneynin is-maandhaafka siyaasadeed ee hadda jira isla markaana lagu marin habaabinayo beesha caalamka, soomaalida iyo tubta toosan ee loo mari lahaa dib u heshiisiinta.
- · Dhaca hantida dadka danyarta ah.
- · Boobkahantida guud iyo baneysashada midda sida gaarka ah loo leeyahay.
- BAAQ
 Haddaba ayada oo laga duulayo arrimahaas kor ku xusan ayey Duubabka, Odayaasha dhaqanka, Culumaa-u-diinka, Aqoonyahanka iyo Waxgaradka Beelaha Hawiye waxa ay soo saareen soona jeedinayaan baaqa soo socda:
Â
- Bulsho Weynta Soomaaliyeed
1. In bulshada Soomaaliyeed meel kasta oo ay jogtaba gacmaha is qabsato meelna uga soo wada jeesatoilaalinta midnimadeeda iyo qaranimadeeda.
2. In laga fogaado wax kasta oo horseedi kara dib u soo laabashada dagaalladii sokeeye ee sagaashameeyadii dhex maray beelaha soomaliyeed.
Â
1. In laga joojiyo shacabka iyo maatida madaafiicda lagu garaacayo.
2. In la joojiyo lagana noqdo xukunka iyo shuruucda amniga ee deg-degga ah, kuwaas o ka soo horjeeda dastuurkakhatarna ku ah xoriyadda, sharafta, nafta iyo hantida muwaadiniinta.
3. In dowlad aan dhexdeeda heshiis ka aheyn, dadkeedana heshiis la aheyn qaban Karin shirweyne dib u heshiisineed.
4. In beesha hawiye ay halkaan ku cadeyneyso in aysan jirin wax dagaal ah oo ay kula jirto beelo kale oo soomaaliyeed, isla markaana loo baahan yahay in dolwdda FKMG dib u heshiisiin siyaasadeed la furto guud ahaan xoogagga siyaasadda ee ka soo horjeeda gaar ahaana dowladda dhexdeeda iyo maxkamadaha Islaamiga
5. In qaabka xulashada ciidamada qaranka iyo magacaabista talisyadooda kala duwan uu noqdo mid isku dheeli tiran beel ahaan, muujinayaa ciidan qaran, isla markaaana dib loogu celiyo Puntland maleeshiyaadkii laga soo daabulay maadaama ay dowladdu tahay federal.
6. Ka hor inta aan la bilaabin barnaamijka hub ka dhigista waxaa lagama maarmaan ah in la helo qorshe iyo siyaasad cad oo la isla ogol yahay oo hubka looga dhigayo dalka oo dhan si siman, mana ogolin in beel khaas ah loo adeegsado hub ka dhigista beelaha kale ama hubkoodaba gacanta loogu geliyo.
7. In dowladda FKMG ka laabato magacaabidda maamullada gobollada. Ka hor inta aan maamul lo loo dhisin ogbollada iyo degmooyinka dalka waa in la is ogolaado qaabka loo dhisayo iyo wadiiqada loo marayo, si looga fogaado is maandhaaf siyaasadeed oo horseedi kara colaad hor leh.
Â
1. In xoogga la saaro sidii looga saari lahaa ciidamada Itoobiyaanka ah ee dalka sharci-daradda ku qabsatay, kuwaas oo la hubo in joogitaankoodu uusan marna u adeegeynin xasiloonida gobolka.
2. Inay u howlgasho sidii ay uga dhici laheyd dalka soomaaliya dib u heshiisiin siyaasedeed oo dhab ah taa soo dhex marta dhinacyada siyaasadda isaga soo horjeeda laguna qabto meel dhex dhexaad ah.
3. In beesha caalamku ka fiirsatotaageeridda dhaqaalle iyo tan siyaasadeed ee maamul keligii talis ah, iyada oo la ogsoon yahay dhibaatooyin maamullada noocaas oo kale ah caalamkana ay ka sii suulaayaan.
4. In shacabka soomaliyeed ee dhibaatooyinka isdaba joogga ah la tabaaleysan lala soo gaarol kaalmo baniaada’nimo o waxtar leh
Waxaana xubnihii kulankaasi ka hadlay ka mid ahaa Nabadoon Axmed Diiriye, Xaaji Iimaan Cumar iyo Ugaas Cabdi Daahir.Â
SomaliSwiss  Omar
Email Riix Halkaan |
You must be logged in to post a comment.