Advertisements

Wiil uu C/llaahi Yusuf adeer uyahay oo Aflagaada ugeystay Diinta Islaama & Midowgii Maxaakiimta Islaamiga ahaa

Swiss-Bern (SomaliSwiss) 05, March 2007Koshin

                               

                       

                                 Hoos kadaawo Video ga 

Nin magaciisa la yiraahdo Koshin Mohamed oo ah sida uu sheegay Ambassator dowlada KMG ah u fadhiya dalka maraykanka ahna wiil uu adeer uyahay C/llaahi Yusuf ayaa  dad xun oo aan aduunka waxba ka hayn ku tilmaamay  muslimiinta aduunka gaar ahaan somalida oo uu markaasi barnaamijkiisu ku saabsanaay.

Wuxuu soo bandhigay muuqaalo uu gaalada ku tusayay taariikhda tixanaha  ah ee Somalia ay soo martay xiligii gumaysiga asaga oo  ku amaanay gaalada dhagaysanaysay si ay ula dagaalamayaan muslimiinta aduunka iyo waliba mida Somalia .

Ninkan oo ah wiil uu C/llaahi Yusuf Adeer uyahay ayaa waxa uu si xun u caayay Madaxdii Maxkamadaha si gaar ahna u tilmaayay.

1 Sheikh Xasan Daahir Aweys

2 Sheikh Shariif Sheikh Axmed

& Madaxdii katirsaneyd Maxkamadaha oo dhan isagoona kutilmaayay in ay ahaayeen Argagixisada Aduunka kuna takri faleen Diinta Islaamka Umadda Somaliyeedna uga dhaadhiciyeen si qaldan ayuu yiri wiilka adeerka uyahay C/llaahi Yusuf.

Sidoo kale wuxuu si aad ah ugu gafay Hablaha Somaliyeed ee asturan kuna tilmaamay Jalbaabka wax ay caada iyo dhaqan uleeyhiin Carabta iyo afghanistaanka oo uu kasoo fasirtay Qoraagii Nuuradiin Faarax .

Ninkan ayaa isagoo iska gadaya Gaalada Mareykanka wuxuu kutilmaayay Dadka degan Muqdisho iyo agagaarkeeda iney yihiin dad jaahiliin ah oo uu tilmaamay Puntland iyo
Somaliland in ay ahaayeen 1992 illaa iyo hada dhul ay doolad kajirtay ee ayna dagan yihiin dad aqoonleh.

Halka Muqdisho iyo agagaarkeeda uu kutilmaamay meel ay kuhoydaan Muslimiinta Mintidka ah uuana weliba ufasiray Calanka Islaamka ee ay kuqoran tahay

 Islam Jihad

“ LAA ILAAHA  ILLAA ALLAAH MUXAMADAN RASUULULLAAH “ kuna tilmaamay calankaas Islaamka wax xun ee umadda lagu marin habaabiyo ayna tahay wax lagu qoslo waa siduu hadalkiisa udhigaye.

Ninkan ayaa sidoo kale uxayeesiiyay Adeerkiis waa C/llaahi Yuusufe kusheegay in uu yahay nin ay soo dooratay Umadda Somaliyeed ahna nin aqoon leh uuna yahay ninka kaliya ee yaqaana Islaamiyiinta weliba “ AL ITIXAAD “ ayuu yiri nabadna ukeena kara Umadda Somaliyeed .

Ninkan ayaa soo bandhigay Sawiro badan ee uu Internetka kasoo aruuriyay oo ahaa sawiradii Madaxdii Maxaakiimta & Askartii Mujaahidiinta Midoga Maxaakiimta Somaliyeed.

Kuna tilmaamay Askartii Maxkamadaha kuwa Tababar kasoo qaatay AlQa’ida sheegayna iney ahaayeen dad badankood katagay Yurub iyo Mareykan iyo Wadamada Carabta ayuu yiri.

Yaanan Hadalka idinku Badinee ila daawada Video fiidiyoowgaan   Riix Halkaan Daawo Video Klick Hier

SomaliSwiss  Omar Mahamud

Email  Riix  Halkaan

Advertisements
%d bloggers like this: