Mu´adinka Masjidka Xareed oo ay toogteen Ciidamada Dowlada

Muqdisho (SomaliSwiss) 05, March 2007  Masjidka Xareed

Mu’adinkii Masjidka Xareed ayaa galabta Ciidamada Dowlad kusheega waxa ay ku dileen guri ku dhagan Masjidka Xareed, iyadoo dhacdadaasina Afar qof oo kale ay ku dhaawacmeen halkaasi.

Waxaa socda Olole lagu dabar goynayo Dadkii horey uga tirsanaan jiray Ciidamadii Dowlladii Maxamed Siyaad Barre Allaha u naxariistee iyo Culimaa´udiinka Somaliyeed ee la isleeyahay waxbey fahmayaan.

Sidoo kale isla maanta ayeey aheyd Ciidamada Ethiopia iyo kuwa Dowlada oo meela kala duduwan dil uga geystay Xaafadaha Magaalada Muqdisho.

Iyadoo Saxaafadaha qaarna afka loo qabtay oo eysan kahadli karin xaqiiqda jirta ee dhabta ah amaba xasuuqa lagu hayo Umadd weynta kudhaqan Magaalada Muqdisho.

SomaliSwiss  Omar

Email  Riix  Halkaan

%d bloggers like this: