C/llaahi Yusuf, Caasimadda waxaan ubadaleynaa Marka ama Baydhaba

Swiss-Bern (SomaliSwiss) 05, March 2007 Ramaas

Warsaxaafadeed uu magaalada London kasoo saray afhayeenka xisbiga Ramass Political Party ee midowga Yurub Cabdi Naasir Guure Faarax (Jeer) ayaa daaha wuxuu ka qaaday sir waayn oo uu madaxweyne C/llaahi Yuusuf damacsan yahay tasoo uu uga sheekeyay marku London ku sugnaa rag ay qaraabo yihiin iyo rag ay saxiibo dhow yihiiin.

Qorshahaan raga uu ku qarsaday Madaxweynuhu oo afhayeenka lasoo gaarsiiyay, ayaa ah in madaxweyne C/llaahi Yusuf uu sheegay in uu rabo in shirka dibuheshiisiinta inuu qabto uu ku doonayo in uu sanado dheeriya ku darsado, taas oo uu sheegay marka hore barlamaanka ka dhamayn doono, in dad an barlamaanka ka mid ahayn ay wasiiro noqon karaan.

Markii tasu u hirgashana uu keensan doono laba wasiiro cusub, labada wasiir oo u aduunka u tusi doono inay Maxaakiimtii Islaamka ka tirsanaayeen oo uu awood qaybsiga wax ka siiyay, kadibna uu xukunka ku dheeraysan doono saas.

Labada wasiir ee cusub uu keensan doono ayuu kubadali doona wasiirka lagu magacaabo Dhinbil iyo wasiir ku xigeenka gashaan dhiga Salaad Cali Jeelle.

Wuxuu taas afhayeenku raaciyay, in madaxweyne Yuusuf yiri marabo in Muqdisho ay xasisho maxaa yeelay waxaan rabnaa inay marna wax nagu soo ridaan marna aan wax ku ridno marka ugu danbaysana in taan magaalada oo dhan dhulka lasino.

Markaas baan baarlamaanka intaan mooshin hor geyno baanu oran Muqdisho Caasimad uma qalantee Magaaladee Caasumad ka dhiganaa, kadibna aan ku cadaadiyo baarlaamaanka inay doortan Marka-Cadey ama Baydhabo.

Wuxuu kaloo madaxweyne Yuusuf ragaan uga cawday madaxa Puntland Cade Muuse, isagoo yiri Cade waxaan ku iri wakhtiga waan dheereeysanayaaye adna dheereeyso kama maarme balse Cade waa nin madax adagoo waa iga diiday oo wuxuu yiri marka xiligeyga lagaaro doorashaan qaban, wuxuu C/llaahi Yusuf isagoo aad uga xun arrinta Cade Muuse ka diiday yiri, “Warbal toloow ninka la hadla idinkaa isku fiicane”.

Maadaama mudane Cade ku gacan seyray codsiga C/llaahi, waxaa loo badinayaa Markabkii la afduubtay iyo Jeelkii Garoowe oo la weeraray inuu ka danbeeyay C/llaahi Yuusuf, maxaa yeelay ninka xukumay oo maxkamada Milatarri saaray raga Jeelka lagalabaxay waxaa adeer u ah madaxweyne C/llaahi,

Waxay dadku xaqiijin ninka danbiilayaasha xukumay ee C/llaahi adeer ka u yahay inaysan xukumidu daacad ka ahayn ee ayka aheyd maamulka Cade fowdo ha noqdo, iyadoo arintaan cadeynteedu tahay ninka maxkamada wax ku xukumay iyo maleeshiyada jeelka weerartay waxaay labo maalmood ka hor kuwada qayilaayeen kantaroolka Garoowe guri ku yaal.

Afhayeen Cabdi Naasir Jeer inkastoo uu san carabaabin raga madaxeynahu qorshahaan uu wato uga sheekeyay, hadana wuxuu sheegay in arimahaan kasii xaqiiq saday mar uu xiriir lasameeyay, afhayeenka Madaxeynaha Soomaaliya horana u ahaa Tifaaftiraha Idamaale.com Xuseen Maxamed Maxamuud (Xuubsireed).oo hada kusugan Muqdisho.

SomaliSwiss  Omar Mah.

Email  Riix  Halkaan

%d bloggers like this: