Waxgaradka Hawiye oo soo jeediyay in shirka dib u heshiisiinta laga qayb galiyo Maxkamadaha

Muqdisho (SomaliSwiss) 04, March 2007Shuhadaa

Golaha guurtida Hawiye ayaa u soo jeediyay Dowlada KMG in shirka dib heshiisiinta qaran ee uu iclaamiyay madaxweyne Yuusuf in lagu xaliyo dagaalka siyaasadeed ee ka taagan dalka ayagoo gaashaanka u daruuray in dagaal uu udhaxeeyo qabaa’ilka Soomaaliyeed kaasoo u baahan in xal laga gaaro.

Tan iyo markii la iclaamiyay shirka dib u heshiisiinta jawaabo kala duwan ayaa ka soo baxayay qeybaha kala duwan ee bulshada ayadoo inta badan aqoon yahanada iyo waxgaradka Soomaaliyeed ay dhaliileen sababaha dawladda ay uga meer meereyso in wadahadal toos ah ay la gasho maamulkii MMI.

Afhayeenka golaha guurtida Hawiye C/llaahi Cabdulle Wehliye ayaa u sheegay saxaafada in aanu jirin wax dagaal ah oo haatan u dhaxeeya qabaa’ilka Soomaaliyeed, isagoo caddeeyay in dagaalka haatan ka jira dalka uu yahay mid siyaasadeed oo ay isku hayaan dawladda kmg iyo Midowga Maxkamadaha Islaamiga.

Shirka dib u heshiisiinta qaran waa in uu noqdaa mid lagu soo afjarayo dagaalka siyaasadeed ee u dhaxeeyo dhinacyada isku haya talada dalka sida Midowga Maxkamadaha Islaamka iyo xubnaha dib jooga ah ee ka tirsan dawladda kmg” ayuu yiri afhayeenka oo beeniyay in dagaal uu u dhaxeeyo qabaa’ilka isagoo taasi qiil uga dhigay in ruuxa Soomaaliga ah uu tagi karo gobolka uu rabo ayadoo aaney jirin cid qabiil dartiis ku waxyeeleyneysa.

Xubno ka tirsan ururada bulshada rayidka oo shalay kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa sidoo kale ugu baaqay dawladda kmg in shirka dib u heshiisiinta qaran laga qeyb geliyo dhamaan dhinacyada isku haya siyaasada dalka si xal waara looga gaaro mushkilada ka aloosan dalka. 

SomaliSwiss  Omar

Email  Riix  Halkaan

%d bloggers like this: