C/llaahi Sheikh, Dekadda iyo Garoonka Muqdishona waxaa loo magacaabay nin Reer Puntland ah

Muqdisho (SomaliSwiss) 04, March 2007 C/llaahi Sh. Xasan

Siyaasiyga C/llaahi Sheekh Ismaaciil ayaa ka hadlay arrimaha la xiriira dib u heshiisiinta uu faafiyay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf isagoo sheegay in aysan macquul aheyn in la yiraahdo odayaal dhaqameed ku kala sugan Sh/hoose iyo Nugaal ayaa la heshiisiinayaa taasoo uu sheegay in laga yaabo in aysan lahjad ahaan is fahmeyn Odayaal kakala yimid Baidoa iyo Bosaso.

Sidoo kale C/llaahi Sheekh Xasan waxa uu sheegay in qaabkii awood qeybsiga ku saleysnaa ee lagu soo dhisay dowladda federaalka uu ka talaabsaday madaxweyne C/llaahi Yuusuf sida uu hadalka u dhigay isagoo tusaale u soo qaatay taliyeyaasha ciidamada Booliska nabad sugida Milateriga iyo qeybaha kale oo uu madaxweynuhu magacaabay isla markaana ka soo wada jeeda hal beel oo ah (Daarood).

Wuxuuna dhinaca kale xusay in nin reer Muqdisho ah oo xil ka haya gobolada Puntland uusan jirin balse Dekadda iyo Garoonka Muqdisho uu gacanta ku hayo haatan nin ka soo jeeda gobolada Puntland.Dhinaca kale C/llaahi Sheekh Xasan ayaa xusay in beeshiisa Abgaal jufooyin ka mid ah ay  wadahadalo u soconayaan kuwaasoo uu sheegay inay kaga arrinsanayaan sidii ay fikir mideysan uga soo saari lahaayeen aragtidooda ku aadan oo ay ku taageeri doonaan ama ay ku qaadici doonaan shirka dib u heshiisiinta Qaran ee dowladdu ku baaqday. 

SomaliSwiss  Omar

Email  Riix  Halkaan

%d bloggers like this: