Posted on March 4, 2007 by SomaliSwiss
Like this:
Like Loading...
Filed under: SomaliSwiss, Taariikhda, Wadaniyada, Wararka | Comments Off on Sh. Fu’aad Maxamed Khalaf, Go’aankeena waxa waaye in cadowga lala dagaalamo oo wadanka laga saaro
Posted on March 4, 2007 by SomaliSwiss
Muqdisho (SomaliSwiss) 04, March 2007
Siyaasiyga C/llaahi Sheekh Ismaaciil ayaa ka hadlay arrimaha la xiriira dib u heshiisiinta uu faafiyay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf isagoo sheegay in aysan macquul aheyn in la yiraahdo odayaal dhaqameed ku kala sugan Sh/hoose iyo Nugaal ayaa la heshiisiinayaa taasoo uu sheegay in laga yaabo in aysan lahjad ahaan is fahmeyn Odayaal kakala yimid Baidoa iyo Bosaso.
Sidoo kale C/llaahi Sheekh Xasan waxa uu sheegay in qaabkii awood qeybsiga ku saleysnaa ee lagu soo dhisay dowladda federaalka uu ka talaabsaday madaxweyne C/llaahi Yuusuf sida uu hadalka u dhigay isagoo tusaale u soo qaatay taliyeyaasha ciidamada Booliska nabad sugida Milateriga iyo qeybaha kale oo uu madaxweynuhu magacaabay isla markaana ka soo wada jeeda hal beel oo ah (Daarood).
Wuxuuna dhinaca kale xusay in nin reer Muqdisho ah oo xil ka haya gobolada Puntland uusan jirin balse Dekadda iyo Garoonka Muqdisho uu gacanta ku hayo haatan nin ka soo jeeda gobolada Puntland.Dhinaca kale C/llaahi Sheekh Xasan ayaa xusay in beeshiisa Abgaal jufooyin ka mid ah ay wadahadalo u soconayaan kuwaasoo uu sheegay inay kaga arrinsanayaan sidii ay fikir mideysan uga soo saari lahaayeen aragtidooda ku aadan oo ay ku taageeri doonaan ama ay ku qaadici doonaan shirka dib u heshiisiinta Qaran ee dowladdu ku baaqday.Â
SomaliSwiss  Omar
Email Riix Halkaan |
Like this:
Like Loading...
Filed under: SomaliSwiss, Taariikhda, Wadaniyada, Wararka | Comments Off on C/llaahi Sheikh, Dekadda iyo Garoonka Muqdishona waxaa loo magacaabay nin Reer Puntland ah
Posted on March 4, 2007 by SomaliSwiss
Muqdisho (SomaliSwiss) 04, March 2007
Golaha guurtida Hawiye ayaa u soo jeediyay Dowlada KMG in shirka dib heshiisiinta qaran ee uu iclaamiyay madaxweyne Yuusuf in lagu xaliyo dagaalka siyaasadeed ee ka taagan dalka ayagoo gaashaanka u daruuray in dagaal uu udhaxeeyo qabaa’ilka Soomaaliyeed kaasoo u baahan in xal laga gaaro.
Tan iyo markii la iclaamiyay shirka dib u heshiisiinta jawaabo kala duwan ayaa ka soo baxayay qeybaha kala duwan ee bulshada ayadoo inta badan aqoon yahanada iyo waxgaradka Soomaaliyeed ay dhaliileen sababaha dawladda ay uga meer meereyso in wadahadal toos ah ay la gasho maamulkii MMI.
Afhayeenka golaha guurtida Hawiye C/llaahi Cabdulle Wehliye ayaa u sheegay saxaafada in aanu jirin wax dagaal ah oo haatan u dhaxeeya qabaa’ilka Soomaaliyeed, isagoo caddeeyay in dagaalka haatan ka jira dalka uu yahay mid siyaasadeed oo ay isku hayaan dawladda kmg iyo Midowga Maxkamadaha Islaamiga.
Shirka dib u heshiisiinta qaran waa in uu noqdaa mid lagu soo afjarayo dagaalka siyaasadeed ee u dhaxeeyo dhinacyada isku haya talada dalka sida Midowga Maxkamadaha Islaamka iyo xubnaha dib jooga ah ee ka tirsan dawladda kmg” ayuu yiri afhayeenka oo beeniyay in dagaal uu u dhaxeeyo qabaa’ilka isagoo taasi qiil uga dhigay in ruuxa Soomaaliga ah uu tagi karo gobolka uu rabo ayadoo aaney jirin cid qabiil dartiis ku waxyeeleyneysa.
Xubno ka tirsan ururada bulshada rayidka oo shalay kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa sidoo kale ugu baaqay dawladda kmg in shirka dib u heshiisiinta qaran laga qeyb geliyo dhamaan dhinacyada isku haya siyaasada dalka si xal waara looga gaaro mushkilada ka aloosan dalka.Â
SomaliSwiss  Omar
Email Riix Halkaan |
Like this:
Like Loading...
Filed under: SomaliSwiss, Wararka | Comments Off on Waxgaradka Hawiye oo soo jeediyay in shirka dib u heshiisiinta laga qayb galiyo Maxkamadaha
You must be logged in to post a comment.