Warkii khamiista Idaacada SomaliSwiss

Swiss-Bern (SomaliSwiss) 02, March 2007 Dhicisow

Halkaan kadhageyso Warkii Khamiista

khamiis 01, March 2007

SomaliSwiss  Yusufyare

Email  Riix  Halkaan

Fatwa cusub Sheikh Shariif Cabdinuur

Muqdisho (SomaliSwiss) 02, March 2007 Halkan ka dhageyso fatwadii Sh. Shariif Cabdunuur oo fasiix ah

Qalbiga Bani’aadamka

Waa Fatwa cusub oo uu soo jeediyey Muftiga Soomaaliyeed Fadhiilatu SH. Shariif Cabdinuur, in kastoo fatwada uu sheekhu horey u siiyey shabakada islaamiga ee  Addacwah ,  haddana codkiisa fasiix ma ahayn.  Sheekhu waxa uu si fiican ugu falan qaynayaa xaalada maanta ka dhex taagan Itoobiyaanka gaalada iyo taageerayaashooda ee ay ka midka yihiin dawlada ku sheega iyo dadka taageersan oo meel ka soo wada jeeda iyo Muslimiinta Soomaaliyeed oo iyana meel ka soo jeeda.  

Dagaalkan ayaa dad badan waxa ay u arkaan mid diini ah sidaas darteed xaq ah in jihaad lala galo gaalada iyo gala raacyada, maadaama ay ku soo duuleen dhulka Soomaaliyeed ee Muslimiinta ah. Qaarkalena waxay ku doodayaan in gaalada Itoobiya ay yihiin walaaleheen sidaaas darteedna garabtaagan yihiin.  

Sheekha meelaha  uu guud ahaan waxay ku tacaluqaan 

Muhimada uu Jihaadku leeyahay maanta oo cadowgii diineed si gardaro ah ugu soo duuley Soomaaliya 

·           Xaqnimada Jihaadka lala galayo gaalada dalka ku soo duushey iyo daba dhilifyadooda horboodaya?

 ·           Muxuu yahay xaalka dadka taageersan gaalada, kana garab dagaalamaya?  

·           Waa maxay xaalka dadka ku dooda in dagaalka uu fitno yahay? 

·           Argagixiso ma la oran karaa Mujaahidiinta Soomaaliyeed ee difaaca diinta iyo dalka isu taagey? 

·           Isbiimaynta ama  camaliyaadka Istish-haadka oo cadowga loo isticmaalo 

·           Xaalka qofka u jaasuusa gaalada muxuu yahay  

·           Madaxweyni ama Sayid ma la oran karaa madaxweynaha dowlad daba dhilif u ah gaalo? 

Waxaa uu kaloo Sheekhu kaga hadli doonaa arimo kale oo faro badan 

Fataawahan waxa uu dad badan ka shaki bixin doonaa arimo badan ii si qalad ah loo fahmey amaba saxaafadu ay ku marin habaabisey Muslimiin badan oo Soomaali ah. Sidaa darteed, walaalayaal yaanan la moogaanin Insha Allah    

SomaliSwiss  Omar

Email  Riix  Halkaan

%d bloggers like this: