Posted on March 1, 2007 by SomaliSwiss
Muqdisho (SomaliSwiss) 01, March 2007
Oday Ciroole oo da’a ah ayaa saakay Meydkiisa waxay dadweyne fara badan soo dhigeen Agagaarka Xaafadda Ansatooti oo kudhaw Dekedda weyn ee Magaalada Muqdisho.
Dad goobjoogayaal ayaa noo xaqiijiyay in ninkani oo ahaa nin da’a timihisana laga arki karay Cirrada ayaa lagu arkay saakay buurta dheer ee Ansalooti halkaasi oo ay Deganaayeem Ciidamada Ethiopia ee dalka kusoo duulay ilaalona ka haya halkaasi.
Ninkani ayaa buurtaasi hoosteeda laga soo qaaday isadoo xilligii lasoo qaadayay uu ahaa ninkani mid madaxiisa uu bacaadka kujiro halka intiisa kale ay banaanka yiileen, waxaana dadkii soo qaaday ay dhigeen Agagaarka xaafadda sheelare oo u dhaw dekedda weyn ee Muqdisho.
Ninkan ayaa dhabarkiisa ahaa mid kala jaban oo laga soo jabiyay, waxaana muuqata in ninkani si daran loo dilay isadoo wixii dilayna aanan la aqoonin.
Dadkii soo qaaday Meydka ninkaasi ayaa waxa ay ku eedeeyeen Ciidamada Ethiopianka ah ee dalka kusoo duulay in ay ka dambeeyeen dilkiisa isla markaana qaabka loo dilay ay wax u dilaan keliya Ciidamada Ethiopianka.
Ninkan Odayga ah ayaa sidoo kale waxaa kuyaalay Xabado kuwaasoo meela kala duwan uga yaalay iyadoona labadiisa lugoodna ay jabnaayeen.
Majirto cid ka hadashay Dilka ninkani loogu geystay goob ay ilaalo kahayeen Xabashida Dalka kusoo duushay waxaana iska muuqaneysa in Ciidamada Ethiopia ay markani u soo dhigteen Shacabka Soomaaliyeed loogana baahan yahay Shacabka in xilli waliba ay isku gurmadaan meelna uga soo wada jeestaan Cadowgooda Naftooda iyo Maalkooda u soo dhigtay.Â
SomaliSwiss  Omar
Email Riix Halkaan |
Like this:
Like Loading...
Filed under: SomaliSwiss | Comments Off on Nin Oday ah oo isagoo lasoo jir dilay Meydkiisa lasoo dhigay Xaafada Ansalooti
You must be logged in to post a comment.