Posted on February 26, 2007 by SomaliSwiss
Muqdisho (SomaliSwiss) 26, February 2007
Weerar lagu qaaday Ciidanka boliska oo joogay isgoyska siinaay kaasoo looga dhaawacay lix Askari aydoo weerarka ragga kusoo qaaday ay ahaayeen rag Baabuur watay kadibna Bam gacmeedka loo yaqaan F1 kutuuray.
Qaraxaan oo dhacay abaarihii 10:50 daqiiqo oo subaxnimo oo si weyn u gil gilay agagaarka Suuqa Siinaay.
Dad goobjooga yaal ah ayaa sheegaya in ay ahaayeen ragga soo weeraray ciidamadan joogay isgoyska siinaay in ay ahaayeen kuwa ugu soot ala galay oo kudhufoo kadhaqaaq ah.Â
Sida iska cad waxaa sii badanaya weerarada lala beegsanayo Ciidamada Ethiopia iyo kuwa Dowlada iyadoo weerarada lala beegsado ay ubadan yihiin xilliyada habeenkii.
Dhinaca kale waxaa halkaasi dhaawac uu kasoo gaaray laba qof oo ahaa rayid meesha iska marayay lama soo xaqiijin illaa iyo hada wax dhimasha ah.
SomaliSwiss  Omar
Email Riix Halkaan |
Like this:
Like Loading...
Filed under: SomaliSwiss |
You must be logged in to post a comment.