Posted on February 23, 2007 by SomaliSwiss
Muqdisho (SomaliSwiss) 23, February 2007 Weerar Hoobiyaal ah ayaa caawa  lagu qaaday Fariisimo ay ku sugnayeen Ciidanka Itoobiya iyo kuwa DKG waxaana kuxigsaday is Rasaaseyn xoogan iyada oo ay ka socotay Agagaarka wasaaradi hore ee Gaashaan dhigga,
Hoobiyaasha ayaa waxaa lagu Weeraray Wasaaradii hore ee Gaashaan dhiga waxaana ay ciidamada Itoobiyaanka kusoo jawaabeen Madaafiic culculus iyada oo aan ilaa hada la garanayn Khasaaraha dhabta ah ee gaaray dadka rayidka ah,
kooxaha Weerar ku qaaday Ciidamada Itoobiya iyo kuwa DKG ayaa waxay markii hore Adeegsadeen Hoobiyaal iyaga oo markii danbe Rasaas Xoogan ku furay Ciidamada Itoobiya ee ku sugnaa wasaarada Gaashaan dhiga,
Weerarkaan ayaa lasheegayaa in uu ahaa mid abaabulan oo ay kusoo qaadeen Mujaahidiinta Muqaawamada oo iyagu kasoo horjeeda tioopiaanka wadanka kusoo duulay,
SomaliSwiss Omar
Email Riix Halkaan |
Like this:
Like Loading...
Filed under: SomaliSwiss |
You must be logged in to post a comment.