Muqdisho (SomaliSwiss) 23, February 2007
 Caalimka Cilmiga Diinta ee Ummadda Soomaaliyeed Al-Waalid Sheekh Shariif Cabdinuur Shariif Xassan ayaa markii ugu horeysay kala hadlay Qalabka Warbaahinta Islaamka Umadda Soomaaliyeed meel waliba oo ay dunida kajoogaan.
Sheekh Shariif Cabdinuur oo fatwadiisa soo gudbinteeda ay sahashay Shabakadda Islaamiga ah ee Addacwah qolka ay Paltalk ku leeyihiin ee ISLAMIC DACWAH CENTER ayaa waxa uu ku fatwooday Shariif Cabdinuur in lala dagaalamo ciidamada cadowga Itoobiya ee qabsaday Ummadda Soomaaliyeed iyo maleeshiyooyinka kaalmeynaya cadowga intaba.
Halkan Kdhageyso Fatwada Shariif Cabdinuur
Shariif Cabdinuur ayaa ugu baaqay Ummadda Soomaaliyeed in ay la dagaalamaan oo aaney u kala harin dagaalka lagula jiro ciidamada cadowga Itoobiya ee qabsaday dalka iyo dadka Soomaaliyeed, isla mar ahaantaasna aan laga daalin dagaalkaas illaa laga xoreynayo dalka.
Sheekha ayaa guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in la taageero dagaalka xaq u dirirka ah ee lagula jiro cadowga qabsaday dalka iyo diinta.
SomaliSwiss Omar
Muqdisho (SomaliSwiss) 23, February 2007 | |
![]() Â Caalimka Cilmiga Diinta ee Ummadda Soomaaliyeed Al-Waalid Sheekh Shariif Cabdinuur Shariif Xassan ayaa markii ugu horeysay kala hadlay Qalabka Warbaahinta Islaamka Umadda Soomaaliyeed meel waliba oo ay dunida kajoogaan.
Sheekh Shariif Cabdinuur oo fatwadiisa soo gudbinteeda ay sahashay Shabakadda Islaamiga ah ee Addacwah qolka ay Paltalk ku leeyihiin ee ISLAMIC DACWAH CENTER ayaa waxa uu ku fatwooday Shariif Cabdinuur in lala dagaalamo ciidamada cadowga Itoobiya ee qabsaday Ummadda Soomaaliyeed iyo maleeshiyooyinka kaalmeynaya cadowga intaba.
Shariif Cabdinuur ayaa ugu baaqay Ummadda Soomaaliyeed in ay la dagaalamaan oo aaney u kala harin dagaalka lagula jiro ciidamada cadowga Itoobiya ee qabsaday dalka iyo dadka Soomaaliyeed, isla mar ahaantaasna aan laga daalin dagaalkaas illaa laga xoreynayo dalka. Sheekha ayaa guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in la taageero dagaalka xaq u dirirka ah ee lagula jiro cadowga qabsaday dalka iyo diinta. |
SomaliSwiss Omar
Filed under: SomaliSwiss |
You must be logged in to post a comment.