Posted on February 21, 2007 by SomaliSwiss
Muqdisho (SomaliSwiss) 21, February 2007
War goordhow naga soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa ku soo waramaya in caawa ay Niman hubeysan oo aan lagaraneynin toogasho kudileen Gudoomiyiha degmada Yaaqshiid Muxudiin Xasan Xaaji.
Dilkan ayaa ah kii u horeeyey ee loo geysto Mas’uul ka tirsan dowlada Dabadhilifka waxaana ilaa iyo hada la garanayn cida falkaan ka dambeeysay.
Madaxda Dowlad kusheegga ayaa ayaantanba la ugaarsanayay ayadoo dhowr marna lagu weeraray Hoteelada ay deganaan jireen, Waxaa aad ugu soo kordhay Magaalada Muqdisho dilalka aan xadka lahayn iyada oo habeen walba lagu dilo Muqdisho dad rayid ah,
War nasoo gaaray goordhow ayaa sheegaya Dilka Gudoomiyaha Degmada Yaaqshiid Muxudiin Xasan Xaaj,
Sidoo kale waxaa isla Caawa ladilay Gudoomiye kuxigeenka Degmada Madiina Gudoomiyahaas oo asna ay dileen kooxo aan heybtooda lagaraneynin,
warka ayaa wuxuu intaasi kudarayaa Dilka Godoomiyaha Degmada Yaaqshiid & Gudoomiye kuxigeenka Degmada Madiina uu ahaa mid Siyaasadeen oo ay kadambeeyeen Ciidama ushaqeeya Dowlada daba dhilifka iyo Tigreega,
dilakan ay u geysteen labadaan nin ayaa lasheegay in ay kasoo horjeedeen maadaama ay abaabulayeen in ay nabadeeyaan Xaafadahooda aygoon ubaahan Ciidan Daba dhilif iyo kuwa Gumeystahaba diidayna in Madfac lagu soo hogaamiyo shacabka Mardambe,
SomaliSwiss Omar
Email Riix Halkaan |
Like this:
Like Loading...
Filed under: SomaliSwiss | Comments Off on Gudoomiyaha Deg, Yaaqshiid iyo Gudoomiye kuxigeenka Deg. Madiina oo caawa isku mar ladilay
Posted on February 21, 2007 by SomaliSwiss
Filed under: SomaliSwiss | Comments Off on Protected: Digniintii ugu dambeysay ee loo soo jeediyo Ciidamada Uganda & kuwa Afrika ee usoo socda Somalia
Posted on February 21, 2007 by SomaliSwiss
Muqdisho (SomaliSwiss) 21, February 2007  
Qaxa dadweynaha Magaalada Muqdisho oo aad usii kordhaya ayagoo kaqaxaya dhibaatada aan loo meeldayin ee uu Gumeystaha ugeysanayo Umada Somaliyeed isagoo habeen walba ubar tilmaameed sanayo Shacabka Madaafiic culculusna kuhogaaminaya,Â
Dadweynihii ugu tirade badnaa ayaa isaga baxay Caasimada Magaalada Muqdisho ayagoo uqaxay Magaalooyinka udhow dhow caasimada Muqdisho sida Lafoole Afgooye Balcad iyo meela kale,Â
Waxaa magaalada Muqdisho kasoconaya Kacdoonka Umadda kaasoo si caraleh loogu qaaday Ciidamada Cadowga Dalka kusoo duulay ee
Ethiopia iyo kuwa daba dhilifkaba,Â
Kacdoonkan ayaa si aad ah looga dareemayaa Magaalada Muqdisho ayadoo dadku wada dareemay in loo leynayo si cadow tinima ah oo aan loo aaba yeeleynin qofna uuna kasiman yahay Dadka Somaliyeed ee degan Magaalada Muqdisho,Â
SomaliSwiss Omar
Email Riix Halkaan |
Like this:
Like Loading...
Filed under: SomaliSwiss | Comments Off on Kacdoonka shacabka oo maanta si aad ah looga dareemayo Caasimada Muqdisho
You must be logged in to post a comment.