Muqdisho (SomaliSwiss) 20, February 2007Â
In kabadan 64 Qof oo kusoo dhaawacmey qaxaryadii xalay ay ladheceen Ciidamada Cadowga ee Ethiopia qeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho ayaa la gaarsiiyey qaar kamid ah Isbitaalada waaweeyn ee Muqdisho,
64 Qof ayaa kudhaawacmay Madaafiicdii xalay ay Ciidamada Ethiopia iyo kuwa daba dhilifka ah uqeybiyeen xaafadaha Magaalada Muqdihso,
Madaafiicdan ayaa ahaa kuwii ugu badnaa ee ay si xaasid nima ah ula dhacaan Ciidamada Cadowga ee wadanka kusoo duulay,Madaafiicdaan ayaa waxaa kugeeriyooday illaa 13 Qof oo isugu jira Niman & Naago iyo Caruurba,
Wariye nooha soo waramay Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho oo Maanta ay aad u buux dhaafiyeen dad iyagu kusoo dhaawacmey qaraxyadii xalay lala dhacay Xaafadaha Magaalada Muqdisho,
Dhinaca kale Dadweynaha Magaalada Muqdisho degenaa ayaa isaga qaxay intoodii ugu badneyd maanta sidoo kale Ciidamada Maqaawamada Shacabka Mujaahidiinta ayaa kula taliyay Dadweynaha iney isga qaxaan maadaama ayaga lala beegsanayo Madaafiicda,
Muqaawamada ayaa Sheegtay in ay Weerar isdaba joog ah kuqaadi doonaan Ciidamada Cadowga ee wadanka kusoo duulay eyna uga saari doonaan xoog hadii illaah yiraahdo, Â
SomaliSwiss Omar |
Filed under: SomaliSwiss | Comments Off on Weeraradii Xalay lagu xasuuqay Shacabka Magaalada Mudisho
You must be logged in to post a comment.