Weerar lagu qaaday Duhurnimadan Dekada Muqdisho iyo Isbitaal Digfeer

Muqdisho (SomaliSwiss) 15, February 2007DM

Waxaa weerar loo adeegsday Madaafiic Hoobiyayaal ah lagu qaaday Dakada weyn ee Muqdisho duhurnimadii Maanta waxaa lagu riday Dekada illaa ugu yaraan Shan Madfac oo calculus kuwaasoo ay cadahay in lasoo qiyaasay meesha loogu tala galay ayagoona kudhacay Dekada gudeheeda,

Illaa iyo hada waxaa lasoo xaqiijiyay in Dhimasho iyo dhaawacba ay jiraan balse aan lagaraneyn tirada dhabta ah  ah ee ay geysteen Madaafiicdaas lagu weeraray Dekada weyn ee Muqdisho,

Wararka qaar ayaa sheegaya in halkaasi lagu arkayay Bakhtiyo Ethiopian ah oo halkaasi yaalay,

Waxaa dhinaca kale Weerar Madaafiic ah lagu qaaday Isbitaalka Digfeer iyo agagaarka Isbitaalka oo ay Degenaayeen Ciidamada Ethiopia kuwaasoo lagu soo waramay in ay kubakhtiyeen illaa iyo hada 2 Ethiopian ah ayna kudhaawacmeen illaa iyo 5 Ethiopian ah,

Waxaa iska cad in ay sii badanayaan weerarada lagula dagaalamayo Cadowga kusoo duulay Wadankeena
Somalia iyo kuwa soo hogaamiyayba,

Dhinca kale sidii caadada u aheydba waxay kusoo Jawaabeen Ciidamada Cadowga Madaafiic kuwaasoo argagax dartiis ay kurideen Shacabka Guryahooda oo iyaguna dhaawac geystay,

Dadweynaha Muqdisho ayaa iyagu naceybkooda dhinaca Ciidamada Ethiopia iyo kuwa lasocdaba ay sii badanayaan ayagoo arkay in Ciidamada
Ethiopia loo soo kireystay iney baabi’iyaan Dadka kunool Muqdisho iyo nawaaxigeeda,
 

SomaliSwiss  Omar

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: