Jawaab kusocota Qoraagii Nuuradiin Faarax ee Xijaabka wax kasheegay

Muqdisho (SomaliSwiss) 14, February 2007

JAWAAB KU SOCOTA QORAAGA WAX KA SHEEGAY XIJAABKA
{‏فَمَنْ أَظْلَمُ مِمَّنِ افْتَرَى عَلَى اللَّهِ كَذِبًا لِيُضِلَّ النَّاسَ بِغَيْرِ عِلْمٍ إِنَّ اللَّهَ لاَ   يَهْدِي الْقَوْمَ الظَّالِمِينَ  

 Nuuradiin Faarax

Bal ufiirso Aayadaan SURATUL ANCAAM 144 sada eey kuu Quseyso,  Waxaa kaloo kuu soo Gudbinayaa Risaala ku saabsan Xijaabka aad ku xadgudubtay iyo Qiimaha uu RABI u leeyahay waxaa iska leh Risaaladan,  

AL SHEIKH CALAAMAH MAXAMED IBNU SAALAX ALCUTHEYMIIN RAXIMUHUMULAAH RAXMATAN WAASICAH. Waxaan Alle kuu weydiinayaa in Alle kugu hanuuniyo lagana yaabo in aad kanoqoto Maqaalkaagii aad Xijaabka kutilmaamtay Caada Dhaqameed Alle wuxuu kutilmaamay in Diinta Alle loogu dhowaanayo, 

Walaal halkaan kadaaloco hadii Alle Idmo waxaa kuugu sugan ku cimra qaadasho iyo in aad Alle Subxaanahu Watacaalaa aad u Towbad keento Inshaa Allaah,  

HALKAN TAABO SI AAD U AKHRISATO

Waxaan Alle Subxaanahu Watacaalaa aan weydiisaneynaa Dhamaanteen in uu Xaqqa nagu sugo,   

Waad ujeedaan Maanta  waxa socda in Dagaal lagu hayo Diinteena Islaamka ah iyadoo weliba la adeegsanayo Dad udhashay Diintaan waxaase Nasiib darro ah in Maanta lawaayo wax ukaca oo kadhiidhiya Gefefkaan loo geysanaayo Diinteena kaamilka ah,  Waxaan Halkaan ku Baraarujinayaa Dhamaan Walaalaha Muslimiinta ah Qaasatan Gabdhaha Muslimaadka ah in eey Arinkaan ku kadsoomin si eeysan Alle lakulankiisa uga Fogaanin Inshaa Allaah,  

Waxaa kaloon rabaa in aan halkaan ku Xuso waxaad ogaataan in hadalkaan Ninkaan Qoraaga ah kasoo yeeray in looga horeeyay oo hadaad Xasuusataan waxaa isla Maqaaladan oo kale laga hayaa  DR. DASUUQI hada kahor Muxaadato uu ku Daaciyay Xaaska RASUULKA CSW OO AH CAAISHA GUURKEEDA,

Ayaa waxaa uga horeysay Muxaadaro uu kuleeyahay Xijaabku waa Dhaqan Umado kale nooga yimid sida TURKIGA iyo CARABTA  hadaanan Qaldaneyn hadalku sidaas ayuu ahaa marka waad Fahmi kartaan waa isla Maqaaladii ayuu adeegsaday Ninkaan Qoraaga ah, 

 Waxaan walaalaha Muslimiinta ah aan kacodsanayaa bal ineey Akhristaan Risaaladan Sheekha Xafidahullaah ILLAAH ugu furay waxa Xijaabku yahay isagoo Daliishanaya  QAALA ALLAAHU TACAALAA IYO QAALA RASSUULULLAAH CSW IYO SAXAABADA IYO INTII QEEYRKA KU RAACDAY, Bal is bar bar dhiga Maqaalooyinka ka soo yeeray Ragaan iyo Risaalada Sheekha tee baa lagu badbaadi INSHAA ALLAAH Jawaabta Walaalaha ayaan u daayay,

BAARAKUMULAAH XAQA ALLAHA NOO FURO DHAMAANTEEN AAMIIN. 

AXMED IBNU MAXAMED  14-02-2007

SomaliSwiss  Yusufyare

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: