Posted on February 12, 2007 by SomaliSwiss
Muqdisho (SomaliSwiss) 12, February 2007
Waxaa caawa weerar loo adeegsday madaafiic lagu qaaday Dakada weyn ee Muqdisho waxaa lagu riday Dekada illaa ugu yaraan afar Madfac oo calculus kuwaasoo lasoo qiyaasay meesha loogu tala galay ayagoona kudhacay Dekada gudeheeda,
Illaa iyo hada lama soo sheegin qasaaraha dhabta ah ee ay geysteen Madaafiicdaas lagu weeraray Dekada weyn ee Muqdisho,
Waxaa iska cad in ay sii badanayaan weerarada lagula dagaalamayo Cadowga kusoo duulay Wadankeena Somalia iyo kuwa soo hogaamiyayba,
Dadweynaha Muqdisho ayaa iyagu naceybkooda dhinaca Ciidamada Ethiopia iyo kuwa lasocdaba ay sii badanayaan ayagoo arkay in Ciidamada Ethiopia loo soo kireystay iney baabi’iyaal Dadka kunool Muqdisho iyo nawaaxigeeda,
SomaliSwiss Omar
SomaliSwiss@hotmail.com |
Like this:
Like Loading...
Filed under: SomaliSwiss |
You must be logged in to post a comment.