Ethiopian-ka oo habeen walba uqeybiya Xaafadaha Muqdisho

Muqdisho (SomaliSwiss) 12, February 2007Madfac

Dadka ku dhaqan Magaalada Muqdisho ayaa waxaa xalay wakhtiga xilligii Salaada subaxa Madaafiic waaweyn oo isugu jiray,

Hoobiye, Baasuuke iyo Hubka culculus ee loo yaqaan BM, kuwaasoo ay is dhaafsanayeen kooxo Muqaawameynayay iyo jawaabo ay ka bixinayeen Ciidamada Ethiopia ah ee ku sugan Villa Somalia, 

Is dhaafsiga Madaafiicdan ayaa waxay bilowdeen abaarihii 3:00 habeenimo  kadib markii kooxo aan la aqoon ay weerareen xarunta Villa Somalia ayna ku dhufteen labo Zaban albaabadkeeda xiga dhinaca X/weyne,  

Waxaana intaasi kadib kuxigsaday is rasaaseyn xoogan oo socneysay muddo ku dhow 30 daqiiqadood,

Iyadoo kadibna ay bilaabeen ciidamada Ethiopia Madaafiic u qeybiyaan xaafadaha ka tirsan Muqdisho iyagoo aan cidna uga aaba yeeleeynin, 

Mid ka mid ah Madaafiicdaasi ayaa waxa uu ku habsaday Guri ku yaala xaafada Ceymiska ee degmada Yaashqiid iyadoo ay halkaasina ku geeriyoodeen wiil iyo aabihiis, halka dhaawacyo kala duwana ay soo gaareen Hooyadii guriga iyo laba caruurteeda,

Waxaana xusid mudan in saddexda ruux ee dhaawacmay saaka goor dambe laga soo qaaday lana geeyey isbitalka Madiina, maadaama xalay ay dadku ka baqanayeen inay banaanka u baxaan, 

 

Dadweynaha Muqdisho ayaa aad uga cabanaya dhibaatada kaheysata Ciidamadan Cadowga ah ee ay soo Hogaamisay Dowlad kusheegta Dabadhilifyada ah oo iyago habeen walba kusoo hogaamiya Madaafiic aan loo aabayeelin 

SomaliSwiss  OmarSomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: