Weerar lagu qaaday caawa Dekada Muqdisho

Muqdisho (SomaliSwiss) 12, February 2007DM

Waxaa caawa weerar loo adeegsday madaafiic lagu qaaday Dakada weyn ee Muqdisho waxaa lagu riday Dekada illaa ugu yaraan afar Madfac oo calculus kuwaasoo lasoo qiyaasay meesha loogu tala galay ayagoona kudhacay Dekada gudeheeda,

Illaa iyo hada lama soo sheegin qasaaraha dhabta ah ee ay geysteen Madaafiicdaas lagu weeraray Dekada weyn ee Muqdisho,

Waxaa iska cad in ay sii badanayaan weerarada lagula dagaalamayo Cadowga kusoo duulay Wadankeena Somalia iyo kuwa soo hogaamiyayba,

Dadweynaha Muqdisho ayaa iyagu naceybkooda dhinaca Ciidamada Ethiopia iyo kuwa lasocdaba ay sii badanayaan ayagoo arkay in Ciidamada Ethiopia loo soo kireystay iney baabi’iyaal Dadka kunool Muqdisho iyo nawaaxigeeda,

SomaliSwiss  Omar

SomaliSwiss@hotmail.com

Ethiopian-ka oo habeen walba uqeybiya Xaafadaha Muqdisho

Muqdisho (SomaliSwiss) 12, February 2007Madfac

Dadka ku dhaqan Magaalada Muqdisho ayaa waxaa xalay wakhtiga xilligii Salaada subaxa Madaafiic waaweyn oo isugu jiray,

Hoobiye, Baasuuke iyo Hubka culculus ee loo yaqaan BM, kuwaasoo ay is dhaafsanayeen kooxo Muqaawameynayay iyo jawaabo ay ka bixinayeen Ciidamada Ethiopia ah ee ku sugan Villa Somalia, 

Is dhaafsiga Madaafiicdan ayaa waxay bilowdeen abaarihii 3:00 habeenimo  kadib markii kooxo aan la aqoon ay weerareen xarunta Villa Somalia ayna ku dhufteen labo Zaban albaabadkeeda xiga dhinaca X/weyne,  

Waxaana intaasi kadib kuxigsaday is rasaaseyn xoogan oo socneysay muddo ku dhow 30 daqiiqadood,

Iyadoo kadibna ay bilaabeen ciidamada Ethiopia Madaafiic u qeybiyaan xaafadaha ka tirsan Muqdisho iyagoo aan cidna uga aaba yeeleeynin, 

Mid ka mid ah Madaafiicdaasi ayaa waxa uu ku habsaday Guri ku yaala xaafada Ceymiska ee degmada Yaashqiid iyadoo ay halkaasina ku geeriyoodeen wiil iyo aabihiis, halka dhaawacyo kala duwana ay soo gaareen Hooyadii guriga iyo laba caruurteeda,

Waxaana xusid mudan in saddexda ruux ee dhaawacmay saaka goor dambe laga soo qaaday lana geeyey isbitalka Madiina, maadaama xalay ay dadku ka baqanayeen inay banaanka u baxaan, 

 

Dadweynaha Muqdisho ayaa aad uga cabanaya dhibaatada kaheysata Ciidamadan Cadowga ah ee ay soo Hogaamisay Dowlad kusheegta Dabadhilifyada ah oo iyago habeen walba kusoo hogaamiya Madaafiic aan loo aabayeelin 

SomaliSwiss  OmarSomaliSwiss@hotmail.com

Weerar lagu qaaday Saldhigga Booliska Wadajir ee Magaalada Muqdisho

Muqdisho (SomaliSwiss) 12, February 2007amar

Afar katirsan Ciidanka Booliska ayaa ku dhaawacmey weerar xalay lagu qaaday saldhiga Wadajir ee Magaalada Muqdisho,

Wararka aanu kahelnay dadka degan agaagaarka Saldhiga Wadajir oo xiliga weerarka lagu qaadayay daawanaayay ayaa sheegay

Inay saldhigaasi soo weerareen rag ku hubeysnaa qoryaha fudfudud iyo Baasuukayaal oo watay Baabuur yar waxayna kurideen saldhiga labo xabadood oo Baasuukaha ah  

Iyadoo Ciidamada Booliska ee xiligaasi kusugnaa saldhigana ay qaraxa kadib ay rasaas isweydaarsadeen raggii soo weerary,

Lama soo sheegin illaa iyo hada warar dheeri ah oo kusaabsan raggii xalay kudhaawacmay saldhigaas,

SomaliSwiss  Omar

SomaliSwiss@hotmail.com

Qaraxya kala duwan oo xalay gilgilay Caasimada Muqdisho

Muqdisho (SomaliSwiss) 12, February 2007 Radio Banadir

Qaraxyo kala duwan ayaa xalay marka ay sacaadu ahayd 09:00 fiidnimo laga maqlayey guud ahaan Magaalada Muqdisho qaraxayadaasoo Dadka  Magaalada Muqdisho Walwal iyo argagax xoogan ku abuuray,

Xalay ayaa dad aan heybtooda lagaraneyn ay weerar ku qaadeen xarunta Idaacada Banaadir ee ku taala degmada shibis ee Magaalada Muqdisho,

Sidoo kale waxaa weerar kaasi uu saameeyey Hotelka Banaadir oo ku dhagan Idaacada Banaadir firirkii ka soo garay xalay Xabadihii Baasuuke  oo lagu weeraray,

4 meel ayey uga dheceen Idaacada Banaadir weerar kii lagu soo qaaday halkaasi oo lagu arkayey firirkii iyo dhagaxaantii daadsanaa albaabka hore ee Idaacada Banaadir iyadoo halkaasi,

Sidoo kale ay waxyeelo kasoo gaartay Baabuur kujirtay gudaha Idaacada Banaadir oo ay muraayadaha qaar kood ka daateen,

Ciidanka ilaalada Idaacada Banaadir iyo Hotelka Banaadir ayaan illaa iyo hada lasheegin qasaaraha dhabta ah ee weerarkaasi ugeystay  

SomaliSwiss  Omar

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: