Saraakiil Bam Gacameed lagu laayay Magaalada Kismaayo

Kismaayo (SomaliSwiss) 11, February 2007M-Kismaayo

Magaalada Kismaayo ayaa maanta ka dhacey Qarax iyo israsaaseen sababbey dhimasho iyo dhaawac badan, 

kadib markii Bam gacmeed lagu tuurey dad isugu soo baxey in ay dhageystaan khudbado ay soo jeedinayeen u adeegayaal ka tirsan Dowlada Dabadhilifka oo ku sugnaa fagaaraha Beerta Xuriyada,

Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in saraakiil fara badan oo uu ku jiro abaanduulaha cusub ee ciidamada xooga dalka jenaral C/mahad C/salaan ay ku dhaawacmeen bam ay soo tuureen dad aan la garaneyn xilli ay halkaasi ka socotay munaasabad lagu soo dhaweynayay saraakiishaasi.

Saraakiisha dhaawacantay waxaa ku jira C/llaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag Col. Aadan Goojir, C/raxmaan Waldiire, sarkaal ka tirsan ciidamada Ethiopia oo la yiraahdo Col. Buslow, C/raxmaan C/llaahi Taliyaha Ciidanka Nabad sugida,

Saraakiisha ayaa dhaawacooda la dhigay cusbitalka guud ee magaalada Kismayo, si rasmi ahna looma garanayo heerka uu gaarsiisan yahay dhaawacyada ay qabaan,

SomaliSwiss  Maxamuud

SomaliSwiss@hotmail.com

Digniin ay soo saareen Ururka Dhaqdhaqaaqa Muqaawamada

Muqdisho (SomaliSwiss) 11, February 2007Muqaawamada

Urur Dhaqdhaqaaqa Iska caabinta Shacbiga Dhulka Hijrooyinka ayaa digniin
kama dambeys ah u jeediyaya Mas’uuliyiinta Shirkadaha Diyaaradaha ee ka howl gala magaalada Muqdisho, 
 

Digniin

Waxeyna qoraal ay soo saareen ugu sheegen in iyadoo laga fiirinayo qiimaha ay bulshada Caasimada ku nool u leedahay adeegsiga Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho garowsan dhibaatada la soo gudboonaaneysa muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dalka imaanaya ama ka baxaaya,

Waxey qoraalkooda ku sheegen in ilaha dhaqaalaha Soomaaliyeed sida Garoonka iyo Dekada ay gacanta ku dhigeen cadowga Umadda Soomaaliyeed ayna ku sii naaxayaan dhaqaalaha ay sida xaaraanta ah uga qaadanayaan dadka Soomaaliyeed ee Garoonkaas isticmaalaya,  

Kuwaasoo ku soo rogey muwaadiniinta lacago isbaaro ah oo ka baxsan midda safarka, mararka qaarna lagu baarto boorsooyinka musaafiriinta, noqoteyna meel lagu bahdilo sida xoolihiina loogu boobo,

Taasoo garoonka u ekeysiineysa isbaaro Tigree iyo dabadhilifyadiisa u taalla dhibna loogu geysanayo dadkeena,   Sidaas awgeed Xarakada wax iska-caabintu waxey go’aansatey iney la dagaalanto isbaarooleyda Tigreega iyo calooshood u shaqeystayaasha u taalla garoonka diyaaradaha Muqdisho,

Ayna soo ridi doonto diyaaradaha ku soo dega ama ka duula garoonkaas nooc kasta oo ay yihiin si loo cuuryaamiyo ilaha dhaqaalaha cadowgu ku sii naaxayo loona aqoonsado Diyaarad kasta oo ka soo degta Garoonkaas iney tahey mid cadowgu leeyahey ama maalgelisa,  

Hadaba muwaadiniinta qiimaha badan waxaan ku wargelineynaa ineysan naftooda Qatar gelin ayna iska ogaadaan diyaaradaha ay raacayaan meesha ay ku degeyso ama ka duuleyso, Sidoo kale shirkadaha iyo milkiilayaasha duulimaadyadaas waxaan uga digeynaa ineysan diyaaradahooda ku waayin hunguri jeceyl iyo isku biimeyn, ayna u furan tahey in ay garooo kale adeegsadaan,  

Waana iney ogaadaan in muqaawamadu bilaabeyso soo ridista diyaaradaha isticmaala garoonka Muqdisho, gacanteenana ay ku jirto dhammaan qalabkii hawlgaladaas loo adeegsan lahaa, waxaana ku wargelineynaa ineysan hantidooda iyo nafta muwaadiniinta aysan halaagin,  

Ugu danbeyntii waxaan Muwaadiniinta uga digeynaa iney ka fogaadaan agagaarka Dekada iyo Garoonka Diyaaradaha Muqdisho iyo gudihiisa, halkaasoo bartilmaameed xooggan u ah dhaqdhaqaaqa wax iska caabinta 

SomaliSwiss  Omar

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: