Sheikh Shariif iyo Madaxweynaha Yaman oo kulan yeeshay

Muqdisho (SomaliSwiss) 10, February 2007 Shariif & Ali Salax

Madaxweynaha Dalka Yemen Cali Cabdalla Saalax ayaa Xarunta Madaxtooyada Dalka Yemen ee Magaalada Sanca ku qaabilay Guddoomiyaha Guddiga fulinta Golaha Midowga Maxkamadaha Islaamiga Soomaaliyeed Sheikh Shariif Sheikh Axmed,

Kullanka Sheekh Shariif iyo Madaxweyne Cali Cabdalla Saalax oo aan laga soo saarin waxa ay kuwada hadleen ayaa warbaahinta Dalka Yemen waxa ay sheegayaan in looga hadlay sidii Gudoomiyaha Gudiga Fulinta Golaha Maxkamadaha Islaamiga Soomaaliyeed uu uga qeyb gali lahaa Hanaanka siyaasadda ee Dalka Somalia iyo Shirweynaha laqaban doono,  

Madaxweynaha Dalka Yaman Cali Cabdalla Saalax ayaa u sheegay Sheikh Shariif inuu yahay hogaamiye kaalin muuqata ka cayaari kara dib u heshiisiinta iyo Mustaqbalka Somalia waxaa uu intaa kudaray in Sheikh Shariif uu yahay Nin Wadani dalkiisa Diintiisa iyo Dadkiis daacad u ah

SomaliSwiss  Omar

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: