Hotel Kaah oo ayadoo shir kasocda laweeraray

Muqdisho (SomaliSwiss) 10, February 2007amar

Weerar Hoobiyayaal ah oo lagu qaaday Hoteelka Kaah ee Magaalada Muqdisho ayadoo markaas ay ku sugnaayeen madax katirsan Dowlada KMG ah ee u adeegta Dowlada
Ethiopia,

Weerarkan ayaa lasheegay in uu geystay dhimasho iyo dhaawacba ayadoo aan la ogeyn inta dhabta ah ee uu gaarayo dhimashada iyo dhaawacaba waayo isla markaaba waxaa meesha soo buuxdhaafiyay Ciidama Ethiopian ah,  

 Weerarkaan lagu qaaday Hotelka ayaan ilaa hadda la ogeyn Qasaaraha ka dhashay, waxaana goobtaasi ka socday shir ay soo qabanqaabiyeen  gudiga dib u Heshiisiinta ee Dowlada KMG ah,  

Iyadoo Ergo kor u dhaafeysa ilaa 200 oo laga soo kala xulay degaanada maamul goboleedka Majeertenya ee Puntland iyo Waqooyiga magaalada Muqdisho ay halkaas ku sugnaayeen markii la weeraray ayadoo sida lasheegayo in uu hordhac u yahay shirka dib u heshiisiinta ah ee beesha caalamku ku dhawaaqday,  

Shirkan ayaa lasheegay in ay soo dhoodhoobtay Dowlad kusheega oo ay dooneyso in ay aduunyada indhaha kaxirto balse aduunku uu sheegay in aysan aqoonsaneeyn wax walboo ay sameeyaan amaba shir walboo ay qabtaan 

SomaliSwiss  Omar

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: