Ciidamada Ethiopian-ka oo madaafiic kugaraacay Shacabka Muqdisho

Muqdisho (SomaliSwiss) 10, February 2007Guri1

Weerarada ka dhacey magaallada Muqdisho kuwaas oo lagu qaaday Ciidamada
Ethiopia ayaa ayaguna kusoo jawaabay Madaafiic ay kusoo rideen dad rayid ah waxaa ku geeriyoodey illaa iyo 8 qoafood kuwaasoo ku kala habsadey hoobiyayaal ay soo rideen Ciidamada Ethiopianka,

kuwaasoo ku dhacey meelo ka mid ah Magaalada Muqdisho.Kulliyadii hore ee Jaalle Siyaad ayaa waxaa ku dhacey illaa 2 madfac oo la sheegey inuu ka yimid dhinaca Asluubta oo keentey geerida illaa iyo labo qofood dadkaasoo ay ahaayeen dad rayid ah oo gabar ka mid ah ay qoorta ka go’dey,

Waxaa sidoo kale Madfac habow ah ku geeriyoodey Dayniile canug yar iyo Naag, dhinaca kale agagaarka Hotelka Ramadan ayaa waxaa lagu diley nin rayid ah oo la garaneyn sababaha loo dilley,

Isbitaalka Madiina ayaa waxaa la sheegey in uu ku geeriyoodey illaa iyo hadda mid ka mid ah dadkii dhawaac ahaan loo geeyey qasaarahan ayaa waxaa ay umuuqanayaan kuwo inta badi qasaaraka ka soo gaartey dadka  rayidka ah,

Ciidamada Ethiopia ayaa looga sheekeeyay hadii lasoo weeraro in ay Madaafiic ugu jawaabaan dadka rayidka ah ee ugu sukeeya waxaana loo sheegay in ay yihiin waxa soo weerara Dadka Muqdisho dagan oo ay isku mid yihiin kuwa soo weerara iyo kuwa ayidka ah,

Guri2Guri3 Guri4

SomaliSwiss  Omar

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: