Qanyare, Dowlada waxey Maaweelo kuwadaa Shacabka oo waa Beenleey waxna maqabato

Muqdisho (SomaliSwiss) 08, February 2007

 Qanyare

Xildhibaan Maxamed Qanyare Afrax oo kamid ahaa Hoggaamiyeyaashii aasaasay Isbaheysigii horey Muqdisho ay Maxakamadahu uga adkaadeen Muqdisho ayaa Jawaab kulul ka bixiyay Maanta hadal kasoo yeeray Salaad Cali Jeelle oo ah Wasiir Kusheega Gaashandhigga ee Dowlada KMG ah,  

Kaasoo maanta sheegay in Rasaas badan iyo hub kala duwan ay qabteen Ciidamada Ethiopia iyo kuwa daba dhilifka waxa uu kusheegay Dadkii kadambeeyay qaraxyada Muqdisho kadhacayay baryahan Rasaastaasi oo laga helay Xerada Dugsi Shanaad ee degaanka Dayniile ee Magaalada Muqdisho,  

Qanyare ayaa waxa uu sheegay in ay nasiib xumo tahay in Salaad uu sheegto war ku aadan in uu qolo wax Qarxineysay oo hub ka qabsaday beentaasina uu Shacabka kumarin habaabiyo. Waxa uu sidoo kale sheegay Qanyare in hubka uu saxaafadda tusiyay uu yahay kuwa hadda kahor ay meesha uga tageen xilligii isbaheysiga ay la dagaalamayeen iyagoo goobta loo yaqaano dugsi shanaad ee uu sheegtay Jeelle ay u aheyd Maxkamadaha goob ay hoobiyeyaasha ka tuuraan,  

Wuxuuna intaasi raaciyay in Waxa uu qaatay oo idil oo hub ah eysan aheyn hub sax ah ee ay ahaayeen kuwa Dheemish ah oo dhacay isla markaana aan wax tareynin ee miyuu jiraa in madaafiicda xabadahooda meel banaan la iska soo dhigayo,

Kolleey salaad hadduu u yaqaano waxaasi hub oo aqoontiisa hubka ay halkaasi gaarsiisan tahay run ahaantii waa wax si aad ah loolayaabo  Ayuu yiri Qanyare wuxuuna sheegay in dano gaar ah laga leeyahay isla markaasna la rabo in lagu marin habaabiyo bulshada lagana weeciyo dareenkooda,   Ayadoo wax qabad la’aanta saraakiisha Dowlada ee ku aadan amaanka iyo xasilooniada caasimada, Salaad Cali Jeele ayaa maanta Dugsiga sare ee Boliiska ku soo bandhigay 30 xabbo oo rasaasta hobiyayaasha 100 xabbo oo rasaasta madaafiicda goobta iyo tiro kale oo miinooyinka lidka tangiga iyo miinooyin iyo walxo kale oo qarxa oo lagu daadiyay halkaas ayagoon laga baqayay in ay iska qarxaan  

SomaliSwiss  Omar

SomaliSwiss@hotmail.com

Film documentary: Qabqablayaashi Somalia Qaribay.

[blip.tv http://blip.tv/play/h5NogvLQIgA width=”480″ height=”340″]

%d bloggers like this: