Wasiiro Xilkooda laga Xayuubiyay Maadaama lagu soo meelgaaray

Baidhabo (SomaliSwiss) 07, February 2007 DKG.

Dawladda Taagta daran ee KMG ah ayaa samaysey isku shaandheyn Golaheeda Wasiirada oo qaar badanna Xilalkooda looga qaaday Maadaama lagu soo Meelgaaray Qaarna xilal Cusub loo dhiibay Maadaama ay Gumeysiga daacad uyihiin
 

(1) Maxamed Maxamud Guuleed Gacmadheere oo ahaa wasiirkii Hawlaha Guud iyo Guriyeynta waxaa laga dhigay wasiirka Arimaha gudaha, 

(2) Xuseen Ceydiid oo ahaa (Ra’iisul wasaare kuxigeen iyo wasiirka Arimaha Gudaha) waxaa laga dhigey, Wasiirka hawlaha guud iyo guryeynta,

(3) Salim Caliyow Ibrow, waxaa laga dhigey wasiirka hidaha iyo tacliinta sare,

(4) Madoobe Nuunow Maxamed wasiirka warfaafinta,

(5)Cali Jaamac Jangali (oo hore u ahaa Wasiirka Warfaafinta) waxaa laga dhigey wasiirkaXanaanada Xoolaha dhirta iyo daaqa,

(6) Maxamed Cabdi Maareeye wasiirka dib u heshiisiinta iyo jaaliyadaha, (7) Maxamed Nuuraani Bakar wasiirka macdanta iyo biyaha,

(8) Xasan Dhinbil Warsame wasiirka cadaalada, 

(9) Qamar Aadan Cali wasiirka caafimaadka, 

(10) C/raxmaan Jaamac wasiirka dib udhiska iyo dib u dejinta,

WASIIR KU XIGEENADA LA MAGACAABAY 

(1) Xasan Cabdi Suuri wasiir ku xigeenka dib u heshiisiinta iyo jaaliyadaha,

(2) Axmed Maxamed Cabdi wasiir ku xigeenka warshadaha,

(3) Ibraahim Abiikar wasiir ku xigeenka shaqada iyo shaqaalaha,

(4) Cabdi Xaaji Yariis wasiir ku xigeenka ganacsiga,

(5) Isaaq Maxamed Maxamud wasiir ku xigeenka wasaarada awqaafta iyo arrimaha diinta,

(6) C/raxman Xaaji Ismaaciil wasiir ku xigeenka macdanta iyo biyaha,

(7) Cabdi Axmed Xaaji Faarax wasiir ku xigeenka maaliyada,

(8) Yuusuf Geelle Ugaas wasiir ku xigeenka warfaafinta,

(9) Xasan Abiikar Maxamed (Japan) wasiir ku xigeenka hidaha iyo tacliinta sare,

(10) Maxamed Cabdi Xuseen (Beekoos) wasiir ku xigeenka batroolka iyo tamarta,

(11) Isaaq Maxamed Nuur Daqarre wasiir ku xigeenka beeraha,

WASIIRU DAWLAYAASHA CUSUB EE LA MAGACAABAY

(1) Farxaan Cali Maxamud wasiiru dawlaha wasaarada arrimaha dibada iyo iskaashiga caalamiga,

(2) Cabdalla Boos Axmed wasiiru-dawlaha wasaarada hawlaha guud iyo guryeynta,

(3) Maxamed Axmed Kulan wasiiru-dawlaha wasaarada beeraha,

(4) Khaalid Cumar Cali wasiiru-dawlaha golaha wasiirada,

(5) Axmed Cumar Gaagaale wasiiru-dawlaha boostada iyo isgaarsiinta,

Warar aanu kahelnay ilo xog ogaal ah oo kudhow dhow DKG ayaa sheegaya in isku shaandheyntan uu wato Cali M, Geedi oo kaliya sababtana lasheegay in uu jiro khilaaf udhexeeya C/llaahi Yusuf iyo Cali Geedi, ayadoona ay jirto olole lafilayo in lagu soo dhiso Dowlad Cusub oo lagu ridayo DKG ah ee taagta daran,

 SomaliSwiss  Aliyow

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: