Weerar Hoobiyayaal ah oo lagu qaaday Villa Somalia oo aan lala helin

Muqdisho (SomaliSwiss) 06, February 2007HoobiyeWeerar lagu qaaday  saakay xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya ayaa lasheegay in weerar gaadma ah lagu qaaday kaasoo lala beegsaday Hoobiyeyaal balse aan kudhicin Xarunta Villada oo  akteeda uu kudhacay sidaa darted aan lasheegin illaa iyo hada wax qasaara ah oo ay geysteen Hoobiyayaashaas,

Dhinaca kale waxaan lagaraneyn weerarkan cida dhabta ah ee kadambeeysay, weerarada kusoo badanaya Magaalada Muqdisho ayaa ayaantamba kadhacaayay wakhtiya kala duwan inkastoo uu weerarku badnaa xiliyada habeenkii ayaan labadan maalin weerarka wuxuu isku badalay Maalin cadeey,

Weerarkan manta lagu qaaday Xarunta Madaxtooyada ee Villa Somali lagu qaaday ayaa sidii caadada aheydba waxaa Xarunta Villada kasoo baxay Ciidama tira badan oo usii jeeday Meesha uu Hoobiyaha kasoo dhacayay,

Wararka qaar ayaa sheegaya dadka degan agagaarka Villada in Cadaadis weyn uu saran yahay oo mar walboo weerar lagu qaado Villada laqabsado udayaasha Meeshaas degan oona loosoo hanjabo

SomaliSwiss  Omar

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: