Weerar caawa fiidkii lagu qaaday Hotel Ambasadoor

Muqdisho (SomaliSwiss) 06, February 2007mujaahidiin

Weerar lagu qaaday caawa Hotelka Ambasador ee kuyaala No 4 ee Magaalada Muqdisho ayadoo lagu weeraray Madaafiic Baasuukayaal ah ayadoo kadibna Rasaas la is weydaarsaday ragii soo weeraray iyo ilaaladii  Hotelka, lama soo sheegin illaa iyo hada Qasaaraha Dhabta ah ee halkaas kadhashay Hotelkan Ambasadoor ayaa marar horana sidoo kale weeraro lala beegsaday ayadoo ay daganaayee Xubno katirsanaa Dowlada,

Ayadoo saakay subaxna Hoobiyayaal lagu weeraray Xarunta Madaxtooyada ee Villa Somalia, weerarada Muqdisho kadhaca ayaa dadka reer Muqdisho dhagahoodu barteen oo ayan waxba u arag qaraxyadan oo dadka badankooduna kusheekeeystaan xalay weerarkii dhacay halkee lala beegsaday iyo eraya lamid ah, Dowlada taagta daran ayaa illaa iyo Maalintii ay Muqdisho timid iyo illaa iyo hada aan xal uhelin nabadeynta Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho,

Dhinaca kale Dowlada ayaa Ciidamadii ay kasugeysay Midowga Afrika ayaa lasheegayaa in ay kagaabsadeen in ay Ciidamo usoo diraan Dalka Somalia ayagoo qiil uhelay oo Waraaq uu usoo diray wasiirka arimaha Dibada ee Dalka Masar isagoo ufaahfaahiyay arimaha dhabta ah ee kajira Dalka Somalia uuna usheegay Ayadoon Somalida dhexdeeda heshiin in aysan Ciidama udirin sidaa daraadeed ayaa Dowladaha Afrikana uga gaabsadeen Ciidamadii ay usoo diri lahaayeen,

Dowlada taagta daran ayaa umuuqata mid weligeedba Dusha kuheyn doonta Ciidamada Cadowga ee Ethiopia sida ay awalba heshiiska kusoo kala saxiixdeen Dowlada iyo madaxda Dalka Ethiopia

SomaliSwiss  Omar

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: