Sh, Shariif Sh, Ahmed oo weli aan katagin Wadanka Kenya

Bern-Swiss (SomaliSwiss) 06, February 2007Sh,Sahriif Sh, Axmed 

Warar aanu kasoo xiganay Jariirada Afka Carabiga 26Sep ee kasoo baxda Wadanka Yemen Sana’a Jariirada ayaa qortay Gudoomiyaha MMI Sh, Shariif Sh, Ahmed oo Lasugaayay in Maalinta Isniinta 05, January 2007 uu weli soo gaarin Wadanka Yaman

Uuna weli kusugan yahay Nairobi Kenya waxey sheegeen safarkiisii ku aadanaa Wadanka Yaman in uu dib udhacay sababta ayey sheegeen in Sheekhu weli uu wada hadal usocdo isaga iyo Diplomasiyiin kale iyo weliba Madax Kenyan ah,

Wasiirka arimaha dibada ee Dalka Yaman ayaa sheegay in ay sugayaanGudoomiyaha MMI Sheekh Shariif Sh, Ahmed ayna kusoo dhaweynayaan Gacma Furan markii uu doono inuu soo gaaro Wadanka Yaman,

Dhinaca kale wadahalada Gudoomiyaha MMI uga socda wadanka Kenya ayaa lasheegay in uu wada tashiyo laleeyahay Diplomasiyiin kasocota Yurub iyo Mareykan iyagoo kawada hadlaya dib uheshisiin iyo xal uhelida Wadanka Somalia maadaama Sh, Shariif uu yahay qofka ugu macquulsan ee kataliya nabada iyo danta Umadda Somaliyeed una muuqdo Shirka Dib uheshiisiinta laqaban Doono in loo doorto Madaxweynaha Mustaqbalka Somalia

Afcarabi halkan ka akhriso

تأجيل وصول رئيس المحاكم الاسلامية الصومالية إلى صنعاء

SomaliSwiss  Yusufyare  

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: