Sarkaal lagu toogtay isgoyska Baar Ubax

Muqdisho (SomaliSwiss) 03, February 2007m 

Sarkaal ka tirsanaa ciidamada Booliska ayaa saakey lagu dilay isgoyska Baar Ubax ee Magaalada Muqdisho kadib markii nin hubeysan uu toogtay sarkaalkaasi xilli uu halkaasi ka raacay gaari BL ah, lama sheegi karo sababaha loo dilay sarkaalkaasi. Falalka dilalka ayaa ku soo badanayay magaalada Muqdisho tan iyo markii ciidamada Ethiopia iyo kuwa Dowlada  ay la wareegeen caasimada, ayadoo ugaarsiga culimaa’uddiinka iyo dadka qiima galka ah si weyn ay uga socoto Magaalada Muqdisho, taasoo loo aaneynayo rag gacan saar laleh ciidamada Ethiopia iyo Dowladaba Col. Maxamed Cali Khalaf oo taliye ka ahaa qeybta Booliska ee waliyow cadde ayaa ku geeriyooday cusbitalka Madiina halkaasoo dhaawiciisa loola cararay markii uu dhaawac kasoo gaaray Xabadihii uu ku furay nin aan heybtiisa lagaraneynin,

Sidoo kale Askari Boolis ah ayaa shalay lagu dilay isgoyska Maana Poliyo ee Magaalada Muqdisho kadib markii kooxo hubeysan ay toogteen qorigii uu watayna ka qaateen ayadoo kooxda falka gaysatay ay carareen oo heybtooda lagaraneyn

SomaliSwiss  Omar

SomaliSwiss@hotmail.com

 

 

 

 

%d bloggers like this: