Qaraxya kala duwan ayaa caawa gilgilay Caasimada Muqdisho

Muqdisho (SomaliSwiss) 01, February 2007wm

Qaraxyo kala duwan ayaa caawa Gilgiley Magaalada Muqdisho qaybo badan oo kamid ah. abaarihii 2 saac caawa ayaa Baasuuke lagu weerarey agagaarka lambar afar gaar ahaan Warshadii Hargaha iyo Saamaha halkasoo ay ku sugnaayeen ciidamada Ethiopia & kwa Dowlada kumeel gaarka, waxaa sidoo kale Weerar Baasuuke ah lagu qaadey Hotel Lafweyn inkastoo madfacii mid kamid ah lala waayey Hotelka kuna dhacey xaafad Hotelka u dhow. Hotel Lafweyne ayaa waxaa ku sugnaa madax ka tirsan Dowlada fedhiidka ah.  Weearkii ugu cuslaa ayaa caawa waxaa lagu qaadey Dekadda weyn ee Muqdisho halkasoo lagu tuurey ilaa iyo 9 hoobiye oo qaar ka mid ah madaafiicdaasina waxay ku dhaceen gudaha dekadda kasoo sababey dab weyn, dabka ayaa sidda la sheegey ka dhashey keyd shidaal oo halkaa yaaley. Wararka ayaa sidoo kale sheegaya Maraakiibtii Dekeda ku xirneed laba ka mid ah in dhaawac gaarey islamarkaana u dhaqaaqeen dhinaca Badweynta. Dekadda Muqdisho ayaa waxaa jooga Ciidama Ethiopian ah iyo kuwa Dowlada, wixii faahfaahin intaa dheer beri ayaad naga maqli doontaan

SomaliSwiss  Omar

SomaliSwiss@hotmail.com

Mareykanka oo Sh, Shariif Kacodsaday 11 Askari Mareykan ah loo soo daayo

Nairobi (SomaliSwiss) 01, February 2007 Sh,Sahriif Sh, Axmed

Gudoomiyaha MMI oo shuruudo adag ku xiray siideeynta Ciidama Mareykan ah oo ay heystaan Ciidamada Mujaahidiinta Maxaakiimta Somaliyeed iyagoo kuwa kalana horay uga laayay ayaa kulan lala qaatay GMMI waxaa looga dalbaday in lasoo sii daayo Ciidamadaas Mareykanka ah ee gacanta Maxaakiimta kujira kuwaasoo lagu qabsaday weerar dhulka ah oo ay lagaleey Ciidamada Mujaahidiinta Midowga Maxaakiimta Somaliyeed sidaa daraadeed Sh, Shariif Sh, Axmed ayaa kuxiray Shuruudo si loo soo daayo ciidamadaas

Ø          1) Ciidamada Ethiopianka in ay Wadanka
Somalia kabaxaan

Ø          2) Weerarka xaq darada ah ee Cirka iyo dhulkaba lagu haayo      Mujaahidiinta kujira Howdka in lajoojiyo

Ø          3) In uu qirto in laga heysto Ciidama isugu jira Raanjaris iyo kuwa Diplomaasiyiin loogana qabsaday Dagaal

Ø          4) In isaga laf ahaantiisa lafasaxo uuna aado Wadanka Yaman waayo ayuu yiri wadanka Keyna ayuu sheegay in aan leysku aamini karin sidaa daraadeed loogu fasaxo inuu uguuro Wadanka Yaman wadahadal dheer kadib ayaa lasheegay in Sh, Shariif uu gaari doono Maalmaha soo Socda Wadanka Yaman

SomaliSwiss  Mohammed

SomaliSwiss@hotmail.com

us1

usUS

Ciidamada Ethiopia oo xalay lagu weeraray Xerada Asluubta

Muqdisho (SomaliSwiss) 01, February 2007 Cadowga

Waxaa xalay Madaafiic lagu garaacay Ciidamada Ethiopia iyo kuwa Dowlada oo degenaa Xerada Ciidanka Asluubta Somaliyeed una dhaw Ex kontrolka baabuurtu umarto Afgooye waxaa lasheegay in ugu yaraan 7 madfac lala beegsaday lakin inta badneyd ay meel banaan ah kudhacday oo lala heli waayay xeradaas ay daganaayeen Ciidamada Ethiopia iyo kuwa Dowladaba ma aha markii ugu horeysay oo Ciidamadan weerar lala beegsado xerooyinka ay kujiraan illaa iyo hadana dad xog ogaal ah waxey sheegayaan saakay in xeradaas laga soo daldalaayay illaa 4 meydka Ciidamada Ethiopia ah

SomaliSwiss  Omar

SomaliSwiss@hotmail.com

 

 

 

 

%d bloggers like this: