Aqoonyahannada Culimaa’udiinka & waxgaradka oo Muqdisha isaga baxayya

Muqdisho (SomaliSwiss) 28, February 2007Qaxid

Caasimadda dalka Soomaaliya ee Muqdisho ayaa waxaa ka isaga baxaaya waxgaradka ee is dhihi karo tiir ayay u noqon kartaan dhismaha iyo jiritaanka dalka, kuwaas oo ay ugaarsanayaan Ciidamada Ethiopia ee Qabsaday  Muqdisho.

Dilalka kala duwan ee la is dhaafsanaya Ciidamada Ethiopianka iyo kuwa Dowlada & kuwa kasoo horjeeda ee Dadagaalamaya Gumeysiga iyo kuwa lasocda.

Ciidamada Ethiopia iyo kuwa lasocda ayaa wakhtiyada habeenkii Weeraro kala duwan lagu qaadaa iyagoo isla markaana madaafiic aan loo meel dayin kuwaasoo ay ku le’daan Dad shacab u badan.

Dhinaca kale Ciidamada Ethiopia iyo kuwa lasocda ayaa iyagu ugaarsi weyn ku haya dadka Aqoonyahannada iyo Culimada iyagoo habeen iyo maalin labaxa Culamaa’udiin iyo aqoon yahanno.

Waxaa lagu soo waramayaa in ay Xabsiyada Ethiopia iyo kuwa Dowlada daba dhilifkaba ay kabuuxaan Aqoon yahanno iyo Culimaa’udiin iyo wax garadba.

Kuwaasoo lagu qafaashay waxey ahaayeen Argagixiso iyo waxey kamid ahaayeen Maxaakiimtii Islaamiga.

Qaar ka mid ah Aqoonyahanada degan Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa lug aga baxay iyadoo qaar kalena qorsheynayaan in ay u dhoofan Dibadda.

Sidoo kale Saraakiisha Ciidamada kala duwan Soomaaliya kuwa aan ushaqeynin Dowladda ayaa iyagana waxay ka fikirayaan inay isaga tagaan Caasimadda Soomaaliya. 

SomaliSwiss  Omar

Email  Riix  Halkaan

Dilalkii Kadhacay Maanta Mag, Muqdisho oo uu kujiray Geedi Seedigiis

Muqdisho (SomaliSwiss) 27, February 2007Geedi

Iyadoo Magaalaada Muqdisho ay gashay xaalad aad halis u ah isla markaana ka bilowday Magaalada Dhac, Kufsi, boob, dil iyo wixii lamid ah tan iyo Markii Golaha Maxaakimta ay isaga tageen iyagoo shacabkooda u turaya ayaa waxay musiibadaasi Maanta u gashay Guriga dadkii ka dambeeyay sababna u ahaa Musiibadaasi.

Nin Ganacsade Miskiin ah oo lagu magacaabo Yuusuf Maxamed Dhicisow (Darbuuxshe) oo qabay sida la xaqiijiyay Gabar la dhalatay Fitno wadaha ugu weyn ee Soomaaliya Cali Maxamed geeddi ayaa maanta lagu tooktay Laamiga labaad ee Suuqa Bakaaraha.

Ninkani ayaa waxa uu sitay xilligii la tooganayay Gaari Ronet ah sida ay inoo xaqiijiyeen wariyeyaal kusugan Magaalada Muqdisho oo goobta booqday Meydkana isha soo saaray.

Ragga dilay ayaa hawshaasi kadib waxa ay u kala yaaceen Gudaha Magaalada inkastoo ay xusid mudan tahay in aysan jirin wax ay ka qaateen Ninkaasi.

Hadaba waxaa muuqata in Ammaan xumida Magaalada Muqdisho kajirta iyo hadalka geeddi ee ku aadan in Muqdisho ay nabad tahay shaqaalaha Tikreeguna ay soo degayaan ayaa ah maanta mid keentay in Hoyga Cali Maxamed Geeddi laga baroorto.

Baroorashada Maanta kasocoto Hoyga Cali Maxamed Geeddi ayaa ah mid aanan horey looga arag hayeeshee marka laga barooranayay guryaha kale ee dadka maatida ah ayaa waxaa caado u aheyd in ay yiraahdaan WAAN IS DIFAACEYNAA taasi oo u muuqatay in aanu ku waxyeeloobin weli eheladooda.

Dhinaca kale Gudaha Magaalada Muqdisho ayaa 12-kii saac ee laga soo gudbay waxaa lagu dilay dad fara badan, waxaana dadkaasi labo kamid ah lagu dilay Gudaha Suuqa weyn ee bakaaraha gaar ahaan Suuqa daawada iyo Boosteejada laga raaco gaadiidka aada Gobolka Hiiraan.

Nin kale ayaa isna xalay lagu dilay Xaafadda Xamar jadiid, iyadoo KM4-na lagu dilay nin kale, waxaana dhammaan qeyb ay ka yihiin fawdada kataagan magaalada Muqdisho, waxaana xilliyadani oo kale ay shacabku si aad ah u soo xusuustaan hadiyadii ilaah uu u soo dhiibay oo aheyd Maxkamadaha Islaamiga iyo hawlihii wanaagsanaa ee Magaalada ay ka qabteen, hayeeshee waxaa xusuusin mudan erey kamid ah gabay uu tiriyay Abwaan Abshir Bacaadle oo ah CIRIBTAANSE LEENAHAY. 

SomaliSwiss  Omar

Email  Riix  Halkaan

Kahari Weysaye waa kuheysataa

Muqdisho (SomaliSwiss) 27, February 2007Cadowga 

 halkan ka dhagayso gabay ku saabsan gumaysiga

Ciidamada Dalka Ethoipia oo Wadanka kusoo duulay ayaa horey bulshada Soomaliyeed lagu marin habaabiyay oo lagu khalday loogana dhaadhiciyey in ay xasilooni ku soo calin doonaan Soomaaliya oo ayna taageerayaan Dowlada Fadhiidka ah  ayaa haatan gaashaankooda la soo baxay.

Waxaana ay Calankooda surteen Goobo farabadan oo ku yaala Magaalada Muqdisho.

Taas oo kuu cadaynaysa in ay dalka la wareegeen Ciidamada Dalka Ethoipia islamarkaana DFKM ah ay ka baxday meesha.

  Gumeysi

SomaliSwiss  Omar

Email  Riix  Halkaan

Xuseen Ceydiid oo ku hanjabay in uu sir soo bandhigi doono

Muqdisho (SomaliSwiss) 27, February 2007Husein Aidid

Xuseen Ceydiid ayaa ku hanjabay kadib markii Wareysi uu Cabdullahi Yusuf  siiyey BBC waaxda Afrika (Focus o­n Africa) ee ku baxda luqada Ingiriiska ayuu ku tilmaamey in Xussen Caydiid in uu yahay “nin waalan” markii uu yiri Soomaaliya iyo Itoobiya waxay yeelan doonaan hal bassaboor iyo in aysan jiri doonin xuduud kala qaybisa labada Dal.

Wariyaha (Focus o­n Africa) ayaa dhowr goor ku celceliyay  sow dowladaada kama tirsana wasiirka aad waalida ku sheegaysid  Wuxuna Madaxweynuhu ku adkaystay in wasiirkiisu uu yahay nin aan fiyoobayn.

Hadaba sida isasoo tareysa waxaa khilaaf weyn soo kala dhex galay Xuseen Ceydiid iyo C/llaahi Yusuf oo ay u muuqato in lagu soo meel gaaray kadib markii laga wareejiyay VILLA SOMALI Xilkiisii wasiirnimana laga xayuubiyay.

Waxaa isa soo taraya daneysiga wax magaratada Dowlada Ethiopia ay ku adeegato ayadoo u eegeeysa mid walboo ah madax Soomaaliyeed in uu leeyahay danahiisa gaarka ah ee uusan daacad ka aheyn Qaranimada iyo Dadka & Dalka Somaliyeed.

Dowlada Ethiopia ayaa dareentay in aysan jirin cid dan kaleh wadankan Somaliyeed ee 16 sano dhibaatada kusoo jiray ayna u aragtay Madax kusheega yaasha Somaliyeed ineey yihiin kuwa caada qaata yaal ah oo mid walbaaba kann kale uusan wax u ogoleyn.

Hadaba Xuseen Ceydiid ayaa Wada Maja xaabin uu rabo in uu kusameeyo maadaama isaga sumcadiisii dhulka lageliyay kadibna aduunka loogu faafiyay inuu yahay nin waalan.

Intaa kadib Xuseen Ceydiid ayaa wada qorshe uu ku kashifayo ama kusoo bandhigayo sirta Dowlada Qaranimada iyo Somalinimada iibsatay.

Wuxuuna ku hanjabay in Somalida oo dhan ay fahmi doonto Xaqiiqda laduug duugayo ee larabo in lagu xasuuqo Shacabka kudhaqan Magaalada Muqdisho iyo agagaarihiisa. 

Riix Halkaan Wareysi Kaloo Xiisa leh Xusein Caydid

SomaliSwiss  Omar

Email  Riix  Halkaan

Suuqa Cirtoogte oo uu Kasoconayo dhaqdhaqaaq Hub gadasha ah

Muqdisho (SomaliSwiss) 26, February 2007Cirtoogte

Dhadhaqaaq xoogan oo lagu kala iibsanayo hubka ayaa kasoconaya suuqa hubka ee cirtoogte ee Magaalada Muqdisho xili dadka Muqdisho ay ka cabsi qabaan falalka Amaan daro ee ka jira Gudaha Magaalada Muqdisho.

Suuqa cirtoogte oo isagu ah bar ay si weyn dadka reer Muqdisho hubka uga iibsadaan ayaa isagu haatan waxa uu yahay mid ay si aad ah ugu soo badanayaan dadka iibsanaya hubka nuucyadiisa kale duwan iyadoo dadka reer Muqdisho ay cabsi xoogan ka qabaan dhibaatooyinka la xariira qaraxayda iyo rasaasta la isku waydaarsanayo Gudaha Magaalada Muqdisho.

Waxaana dadka ka ganacsatada ah ee iibiya hubka ay arrintaani ku sheegeen inay jiraan dad doonaya inay ku ilaa shadaan hantidooda iyo guryahooda iyo waliba kuwa kale oo aan la garanayn Macnaha ay u iibsanayaan hubka oo ay haatan si aad uga iibsanayaan suuqa Cirtoogte iyadoo taana inta badan laxariirinayo Ammaan darida Baahsan ee kajirta gudaha Magaalada Muqdisho.

Dadka qaar ayaa ka codsanaya in dowlada fadaraalka KMG ah ee Soomaaliya ay la timaado siyaasad lagu nabadeyn karo Magaalada Muqdisho iyadoo dad aad u fara badan ay ka qaxayaan Magaalada Muqdisho xiligaan Maadaama ay Magaalada Muqdisho haatan isku bedeshay goob ay ka dhacaan falalka qaraxa xiliyada Habeenimadii ah.  

SomaliSwiss  Omar

Email  Riix  Halkaan

Abwaan Abshir Bacadle, Hameenki hoobiyaan hufaa, waxaad ka hesho waa hubsaa

Muqdisho (SomaliSwiss) 26, February 2007Bacadle 

 

 

 

 Kalkaan Kadhageyso Abwaan Abshir Bacadle

 

  Afar walxaatoo H ku taal waxaa ka hesho waa hubsaa

                   

                       Waxaa ka hesho waa hubsaa

                            

 

   

                                

 

 

 

 

 

SomaliSwiss  Omar

Email  Riix  Halkaan

 

Lix bolis ah oo lagu dhaawacmay isgoyska siinaay

Muqdisho (SomaliSwiss) 26, February 2007Bolis

Weerar lagu qaaday Ciidanka boliska oo joogay isgoyska siinaay kaasoo looga dhaawacay lix Askari aydoo weerarka ragga kusoo qaaday ay ahaayeen rag Baabuur watay kadibna Bam gacmeedka loo yaqaan F1 kutuuray.

Qaraxaan oo dhacay abaarihii 10:50 daqiiqo oo subaxnimo oo si weyn u gil gilay agagaarka Suuqa Siinaay.

Dad goobjooga yaal ah ayaa sheegaya in ay ahaayeen ragga soo weeraray ciidamadan joogay isgoyska siinaay in ay ahaayeen kuwa ugu soot ala galay oo kudhufoo kadhaqaaq ah. 

Sida iska cad waxaa sii badanaya weerarada lala beegsanayo Ciidamada Ethiopia iyo kuwa Dowlada iyadoo weerarada lala beegsado ay ubadan yihiin xilliyada habeenkii.

Dhinaca kale waxaa halkaasi dhaawac uu kasoo gaaray laba qof oo ahaa rayid meesha iska marayay lama soo xaqiijin illaa iyo hada wax dhimasha ah.

SomaliSwiss  Omar

Email  Riix  Halkaan

Baaq iyo Baraarujin kusocda Shacabka iyo Muqaawamada

Muqdisho (SomaliSwiss) 26, February 2007Midowga MMI

Golaha Maxaakimta Islaamiga Soomaaliyeed ayaa soo saaray Bayaan ay Shacabka Soomaaliyeed u jeedinayaan  bayaankaasi oo kala ah go’aamo iyo dardaaran.

Bayaankooda ayaa waxa ay kusheegeen Golaha Maxaakimta in ay aaminsan yihiin iyagu in soo ifbixidda Maxkamadaha Islaamiga ay aheyd hadiyad Allaah uu ugu talagalay Shacabka Soomaaliyeed taasi oo soo muujisay rajada shacabka oo aheyd in la iska iloobo dagaaladii dhex maray walaalahada Soomaaliyeed iyo sidoo kale in laga gudbo wax waliba Soomaali oo idilna ay ku qanacdo in ay wax dhisato.

Kadib arrimahaasi oo dhami waxaa kasoo ifbaxay Soomaaliya in la iska iloobay wax waliba sida dhicii, dilkii, dagaaladii iyo wax waliba oo horey u aafeeyay Shacabka Soomaaliyeed illaa ay gaartay in Kallimadda Alle ka noqoto Soomaaliya mid sareysa taasi oo cadowga ku beertay in ay weerar kusoo qaadaan.

Waxayna ku tilmaameen Arrintaasi Golaha Maxaakimta in uu sii dhiiragelinayo maahee in aysan marnaba ka hari doonin hawlaha ay Islaamka u hayeen Golaha Maxaakimta, waxayna ammaan u soo jeediyeen dhacdooyinka dalka kasocda oo ay kudhaqaaqayaan Shacabka Soomaaliyeed ee sharafta leh.

gWaxay Golaha Maxaakimta Bayaankoodii ay ku sheegeen in ay la qeybsanayaan Shacabka Dhibaatada cadowga uu kuhayo, sidoo kale waxa ay tacsi u direen Guud ahaan Qoysaskii ay kasoo tageen Shuhadadii Soomaaliyeed, waxayna si aad ah uga mahadceliyeen Beelaha kala duwan ee Soomaaliyeed ee ka qeyb qaatay guushii ay ka gaareen Golaha Maxaakimta Arrimaha Soomaaliya.

Sidoo kale Bayaankii ay soo saareen ayaa waxa ay ugu baaqeen shacabkii marka hore gacanta ka geystay fulinta Hawlaha Golaha Maxaakimta in aysan ka caajisin oo ay horey u sii wadaan inta dalka looga xureynatano kuwa kusoo duulay.

Waxay ka digeen dagaal dambe oo beeleed in uu dib uga qarxo Soomaaliya iyaga oo ka faa’ideysanaya intii ay Golaha Maxaakimta Shaqeynayeen sidii la isku kaashaday laguna iloobay waxyaabahaasi oo qibraddaasi ay iminkana sii isticmaalaan si aanu dagaal qabiil dambe dalka uga dhicin.

Bayaanka ayaa sidoo kale waxa ay uga digeen Shacabka in ay mar waliba ku baraarugsanaadaan Shirqoolada lala damacsan yahay uguna baaqay in mar walibana ay ishooda furnaato oo ay feejignaan dheeri ah muujiyaan.

Waxaan si cad shaaca uga qaadeynaa bay ku yiraahdeen bayaankooda in aan diyaar u nahay wada hadal waliba oo Soomaaliya u keenaya in Mugdiga uu galay uu kaga boxo.

Waxayna sidoo kale ku baraarujiyeen in Xukuumadda ay ugu baaqayaan in tawbadda ay furan tahay waqti waliba inta Saacadda qiyaamaha laga gaarayo.

Waxay sidoo kale ugu sii baaqeen in ay eegaan xurnimada ay dadkooda u baahan yihiin iyo midnimada iyo hoggaan dhab ah hana ogaato baa lagu yiri xukuumadda in sharafta maamulka uu kujiro sharafta muwaadinka iyo in kusii fadhinta kursiga uu yahay ammaano oo laga soo bixi karo ilaahay raalli ahaanshiyadiisa kadib in ay kaaga raalli noqdaan Muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Ugu dambeyntii Bayaanka Golaha Maxaakimta oo aad u dheeraa ayaa waxa ay ammaan ugu soo jeediyeen Mujaahidiinta ka muqaawameyneysa Dalka Soomaaliya iyaga oo ku booriyay in ay ka ahaato daacadda Allaah taasi oo sharaf u ah Islaamka iyo Soomaalida, waxayna ka digeen in la shaqeynta Gumeysiga uu yahay halis taasina ay uga haboon tahay la shaqeynta Muqaawamada.

Waxay kusoo gabagabeeyeen Hadalkooda in dhiigga Muslimka ah la siiyo xurmadiisa isla markaana aanan lagu xadgudbin sharaftiisa iyo sidoo kale in la iska ilaaliyo in uu dhoco dagaal sokooye.

GOLAHA MAXAAKIMTA ISLAAMIGA SOOMAALIYEED.
25/02/2007

SomaliSwiss  Omar

Email  Riix  Halkaan

Ciidammada Ethiopiyaanka oo saakay calankooda kataagay meela kamid ah Muqdisho

Muqdisho (SomaliSwiss) 26, February 2007Calan

Xiisad ayaa ka taagan xaafada Shiirkole ee degmada Hodan halkaasoo lagu soo warramayo in ciidamada Ethiopia ay ka taageen calanka dalkooda taasoo ka careysiisay dadka ku dhaqan xaafadaasi oo saaka ku soo baraarugay calanka Ethiopia oo ka dul babanaya xaafadooda.

Ciidamadan Ethiopia ayaa dhawaantan fariisin ka sameysteen wasaaradii hore ee Gaashaandhiga  iyo Ispitaalka Digfeer ee Magaalada Muqdisho ayagoona isbaarooyin dhigtay Tarabuunka. 

Dadweynaha deegaanka Shiirkole ayaa sheegay in Ciidamada Itoobiyaanka calamadooda kataageen meela badan oo ay isbaaro utiilay.

Sidaas darteed dadweynaha Xaafaddaas deggan iyo kuwa marayey waddadaas ayaa si xun uga carooday calamada Ethiopiaan ah ay halkaas  ka taagtay waxaana lagu soo waramay in ay dadweynihii meeshaas isugu soo baxay ay rabshado kalahortageen.  

Wararka qaar ayaa sheegaya in ay calamadaas ay ku qornaayee af somali oo ahaa KILINKA LIXAAD uuna wax yar kaduwanaa calankooda. 

SomaliSwiss  Omar

Email  Riix  Halkaan

Maxamed Dheere, majiro wax maamul ah oo badalay maamulkeygii Gobolka Sh/dhexe weli anigaa kataliya

Muqdisho (SomaliSwiss) 26, February 2007Maxamed dheere

 Halkaan Kadhageyso Wareysigii M/dheere

Gudoomiyihii hore ee Gobolka Sh/dhexe Maxamed Dheere ayaa shaaca ka qaaday in uu maamulkiisu wali ka shaqaynayo Gobolka sh/dhexe.

Islamarkaana ay gacan ku dhigi doonaan cidii gaysata falalka amaan xumo ee dhawaanahaan ku soo batay, waxaana uu sheegay in aysan jirin maamul cusub oo gobolka ka shaqeeya.  

M/dheere oo ka mid ahaa hogaamiye kooxeedyadii ka jiray k/somaliya, islamarkaana ka talin jiray Gobolka sh/dhexe ayaa isagu ka mid ahaa ragii ku wareejiyey Ciidamada Ethiopia hubkiisii.

M. dheer oo waraysi siiya idacadda hornafrika ayaa sheegay in uu jiro mamulkiisii hore.    

Maxamed Dheere oo ka hadlaya Maamulka Cusub ee Reysul Wasare Geedi uu horey ugu Magacaabey G/sh/dhexe isagoo ka hadlaya waxaaa uu yiri ” . 

Ma jiro wax maamul ah oo badalay Maamulkaygii  aniga ayaa ka taliya G/sh.dhexe, maamulka cusub oo la sheegayo ha la yimaadaan aqoonsi rasmi ah oo Madaxweynuhu ku saxiixanyahay.  

Dalku waxaa uu ku jiraa Xaalad Degdeg ah cida waxna badali karta  waxna magacaabi karta waa Madaxweynaha oo qura” Ayuu yiri Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed dheere).

Waxaa maalinba maalinta ka danbeysa sii xoogaysanaya khilaafka ka taagan maamulka G/sh.dhexe.

Iyadoo Maxamed Dheere oo ahaa Gudoomiyihiin Hore ee Gobolka Sh/dhexe uu si wayn uga soo horjeedo in uu xilka wareejiyo, waxaana horey maamul uu soo magacaabay Prof. Geedi laga cayrshay Magaalada jowhar.

Si kastaba ha ahaatee DFKM ah ayaa iyadu Gobollada dalka u samaysay maamulo aan dadka ku dhaqan gobolladaasi aysan taageero u ahayn, waxaana dowladu ay ku guul daraysay in ay Maamulo bulshadu dooratay ay hirgaliso

SomaliSwiss  Omar

Email  Riix  Halkaan

C/llaahi Yusuf, Xuseen Ceydiid waxaan u arkaa nin waalan oo aan fayoobeeyn

Swiss-Bern (SomaliSwiss) 25, February 2007C/llaahi Y.

Madaxweyanaha Dawladda KMG Soomaaliya Cabdulaahi Yusuf Axmed ayaa ka sheegay BBC Focus on Africa mar su’aal la weydiiyay sida uu u arko hadalkii Xuseen Caydiid ee ahaa in Soomaaliya iyo Ethiopia la isku dari doono ayaa waxaa uu ku jawaabay Cabdulaahi Yusuf” Anigu nin fayow uma arko Xuseen Caydiid” waxaa Wariyuhu uu ku celiyay sideed xubin ka tirsan Dawladda ugu sheegaysaa qof aan caadi ahayn ama waalan waxaa uu ku celiyay” hadii Xuseen uu yiri hadalkaas in Ethiopia iyo Soomaaliya la isku darayo waxaan u arkaa nin waalan”

Codkaasi waxaad ka dhagaysan kartaa halkan asagoo Af English ah 

Halkaan Kadhageyso Wareysiga C/llaahi Yusuf

Dhanka kalana Xuseen Caydiid ayaa Khadka Taleefanka ugu waramayay Onkod News isagoo ku sugan meel aan soomaaliya ahayn isla markaana codsaday in aan meesha uu joogo la sheegin ayaa sheegay in ” hadalka cabdulaahi Yusuf uu yahay mid ka tarjumaya aqoontiisa Siyaasadeed isla markaana uu Odaygu laftiisu yahay qof aan Caadi ahayn hadii uu aniga igu tilmaamay nin waalan ayuu Xuseen u sheegay Onkod News.

Caydiid waxaa uu intaasi ku daray in aanu isagu rabin in Soomaaliya lagu daro
Ethiopia hase yeeshee uu ula jeeday xiriir dhexmara labada dal oo daris ah 

Sourse: Onkod News

SomaliSwiss Yusufyare

Email  Riix  Halkaan

C/llaahi Yusuf, Shacabka Jooga Yurub ee taageera Maxaakiimta Haloosheego Askarta waa argagixisee

Muqdisho (SomaliSwiss) 24, February 2007

Halkan Kadhageyso Khudbadiisii

mm2


Madaxweynaha Dawladda KMG ah C/llaahi Yusuf ayaa yiri Shacabka Dibadaha jooga gaar ahaan Yurub iyo Ameerika ee Taageera Midowgii Maxaakiimta haloo sheego Wadamada ay kunool yihiin ee yurub & Ameerika waayo ayaguna waa argagixiso.

Madaxweyne C/llaahi Yusuf ayaa la shiray Jaaliyada UK wuxuuna sheegay in ay daba joogaan dadkii dilay gabadhii Ingiriska sidoo kale wuxuu si bareer ah u Weearay Diinta Islamka. Wuxuuna kabilaabay gabadhii iska xiran mara iska yar Maxakimtii wey iska Garbaashayeen.

Kulankan waxaa goobjoog ka ahaa Taliyaha ciidanka Nabadsugidda Qaranka Jen. Darwiish, Wasiirka wasaaradda Qorsheynta Qaranka Xussein Ceelaabe Faahiye, iyo xubno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo ay ka mid ahaayeen Prof.

C/risaaq Cusmaan Juriile, Maxamed Cali Bilaal iyo xubno kale oo dhammaantood halkaasi hadallo halkaas ka jeediyeen.

Madexweynuhu ayaa lagu soo dhaweeyay micrafonka isla markii wuxuu bilabay inuu weeraro diinta Islaamka sidoo kale wuxuu dhaleecen u soo jeediyay Maxakiimtii Islaamka.

SomaliSwiss  Omar

Email  Halkaan  Riix

Anaka Reer Banaadir hadaan heshiin leheen waxaan madhici leheen

Muqdisho (SomaliSwiss) 24, February 2007 

Dhageyso Wareysiga

Xamar yaan laga Qixin hadii laga Qoxo dad kalaa soo dagaayo waxaan waxa loo ridaayo waxaa larabaa in dadka ay qaxaan kadibna dad kale oo cusub soo dago marka dadka muqdisho waxaan leeyahay yaan laqixin hala adkeysto waxaan wey dhamaanaayaan.

SomaliSwiss  Omar

Email  Riix  Halkaan

Kulan uu ka qayb galay Sheikh Shariif Sheikh Axmed

Swiss-Zurich (SomaliSwiss) 24, February 2007  SOMALISWISS

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Magaaladda Zürich ee dalka Switzerland ayaa waxay Caawa oo Sabti ah isugu yimaadeen Kulan looga hadlayey marxaladda adag ee dalka iyo dadka Soomaaliyeed uu ku sugan yahay iyo sidii loogu hortagi lahaa.  

Weerarka lagu hayo shacabka iyo joogitaanka Ciidammada Xabashada ay joogaan dhulka Soomaaliya iyo kuwa dabadhilifka ah ee dalka ku soo hoggamiyey cadowga.

Kulankan ayaa waxaa khadka Taleefonka si toos ah uga soo qayb galay Amiirka Muslamiinta Soomaaliyeed Sheikh Shariif Sheikh Axmed oo kulankaas ka soo jeediyey warbixin ku saabsan Xaaladda Muqaawamada ka socoto dalka iyo sida loogu baahan yahay in qofkasta oo waddani Soomaali ah oo muslim ah.

Waa inuu kaalin wax-ku-ool ah ka qaato difaaca Diinta iyo Dalka wuxuuna ugu qayb qaadan karaa af iyo addin. Maal, Muruq iyo Niyadba. Inkastoo aan halkan lagu soo koobi karin Khudbadii iyo hadaladii guubaabada ahaa ee Sheekhu sheegay ayaa hadana.

Sheikh Shariif wuxuu Sheegay in maanta Soomaalida gudaha iyo dibedda joogtaa boqolkiiba 70% ay fahmeen in xalka kaliya oo lagu nabadeyn kara Soomaaliya uu yahay in labada gacan lagu qaado KITAABKA QUR’AANKA, lagana dhigto dastuurka lagu dhaqayo dadka iyo dalka.

Haddii sidaas la yeeli waayo way adag tahay sidii lagu walaloobi lahaa loona heli lahaa nabad waarta.

Sheikhu wuxuu guud ahaan Jaaliyadda Swissku kula dardaarmay inay cudaddooda mideeyaan naftooda iyo maalkooduna u huraan halganka loogu jiro sidii looga saari lahaa Tigreega ku soo duullay dalkeenna Hooyo.

Waxaa kaloo kulankaas ka hadlay hormuudka Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Gobolka Zürich Sheikh Xassan Naaji wuxuu Jaaliyadda ku guubaabiyey in qofkasta uu xil iska saaro sidii uu u gudan lahaa waajibaad muqaddaska ah ee Diffaaca Diinta iyo dalka.

Wuxuuna intaasi ku daray in haddii la isku duuban yahay wax weyn la qaban karo waayo far kaliya Fool ma dhaqdo sidaas ayuuna hadalkiisa ku soo gabagabeeyey.

Jaaliyadda Somalyeed ee wadankan Swisska gaar ahaan Zuich ayaa waxay ku ballameen in Jimco kasta ay kulmaan waxna uqabtaan taageerida ay u hayaan dadka ladagaalamaya cadowga wadanka kusoo duulay ee Tigreega.

Sidaasoo kale waxaa dhowaan kulan sidaas oo kala ah uu kadhici doonaa Magaalada Caasimada ah ee Berna ee wadankan Swisska.

Dadweynaha sharafta leh ee xaqqa jecel iyo inta taageerta Maxaakiimtana waxaan kacodsaneynaa in ay nala soo xiriiraan si aan hiil iyo hooba ula garab taagnaanno Walaalaha Somalia kudhibaateysan ee xaq udirirka ah.

SomaliSwiss Dhicisow

Zürich-Switzerland

Email  Riix  Halkaan

Dagaal xoogan oo si fool kafool ah oo ay isaga hor imaadeen Mujaahidiinta Muqaawamada iyo kuwa Ethiopia

Muqdisho (SomaliSwiss) 23, February 2007  ShuhadaDagaal fool kafool ah oo caawa  lala galay Ciidamadii Ethiopia & loogana dilay illaa 8 Askari qaar badanna looga dhaawacay,

Dagaalkaasi oo ku bilowday hoobiyeyaal kadibna rasaas xoogan leysla dhex galay,  

Dhinaca kale Ciidamada Ethipia oo ka argagaxay dagaalka l  agu soo qaaday ayaa sidii caadada u aheydba madaafiic kuriday Xaafadaha Muqdisho,

Ugu yaraan 7 Qof oo Sadex caruur ay yihiin ayaa ku geeriyooday inta la ogyahay tiro ka badan 10 kalena dhaawac ayaa ka soo gaaray,

Kadib markii madaafiic la isku weydaarsaday qeybo ka mid ah Caasimadda Somalia maqribnimadii caawa,

Iyadoo sidoo kale Mujaahidiinta Muqaawamada ay weerar gaadmo ah ku qaaday fariisinka ciidamada Ethiopia iyo kuwa Dowlada ay ku leeyihiin wasaaradii hore ee Gaashaandhigga,

Halkaasi oo ay ka dhacday israasaaseyn xoogan oo fool kafool ah oo la isku habeensaday,

ayadoo wararka qaar ay sheegayaan in Ciidamada Mujaahidiinta Muqaawamada ay gudaha u galeen Wasaardii hore ee gaashaandhigga,

SomaliSwiss  Omar

Email  Riix  Halkaan

Weerar lagu qaaday Ciidamada Ethiopia oo deganaa Wasaarada Gaashaan dhiga

Muqdisho (SomaliSwiss) 23, February 2007  wWeerar Hoobiyaal ah ayaa caawa  lagu qaaday Fariisimo ay ku sugnayeen Ciidanka Itoobiya iyo kuwa DKG waxaana kuxigsaday is Rasaaseyn xoogan iyada oo ay ka socotay Agagaarka wasaaradi hore ee Gaashaan dhigga,

Hoobiyaasha ayaa waxaa lagu Weeraray Wasaaradii hore ee Gaashaan dhiga waxaana ay ciidamada Itoobiyaanka kusoo jawaabeen Madaafiic culculus iyada oo aan ilaa hada la garanayn Khasaaraha dhabta ah ee gaaray dadka rayidka ah,

kooxaha Weerar ku qaaday Ciidamada Itoobiya iyo kuwa DKG ayaa waxay markii hore Adeegsadeen Hoobiyaal iyaga oo markii danbe Rasaas Xoogan ku furay Ciidamada Itoobiya ee ku sugnaa wasaarada Gaashaan dhiga,

Weerarkaan ayaa lasheegayaa in uu ahaa mid abaabulan oo ay kusoo qaadeen Mujaahidiinta Muqaawamada oo iyagu kasoo horjeeda tioopiaanka wadanka kusoo duulay,

SomaliSwiss  Omar

Email  Riix  Halkaan

Fatwa uu Sheikh Shariif Cabdinuur uu usoo diray Shacabka iyo Mujaahidiinta Maqaawamada

Muqdisho (SomaliSwiss) 23, February 2007

 Caalimka Cilmiga Diinta ee Ummadda Soomaaliyeed Al-Waalid Sheekh Shariif Cabdinuur Shariif Xassan ayaa markii ugu horeysay kala hadlay Qalabka Warbaahinta Islaamka Umadda Soomaaliyeed meel waliba oo ay dunida kajoogaan.

 

Sheekh Shariif Cabdinuur oo fatwadiisa soo gudbinteeda ay sahashay Shabakadda Islaamiga ah ee Addacwah qolka ay Paltalk ku leeyihiin ee ISLAMIC DACWAH CENTER ayaa waxa uu ku fatwooday Shariif Cabdinuur in lala dagaalamo ciidamada cadowga Itoobiya ee qabsaday Ummadda Soomaaliyeed iyo maleeshiyooyinka kaalmeynaya cadowga intaba.

Halkan Kdhageyso Fatwada Shariif Cabdinuur

Shariif Cabdinuur ayaa ugu baaqay Ummadda Soomaaliyeed in ay la dagaalamaan oo aaney u kala harin dagaalka lagula jiro ciidamada cadowga Itoobiya ee qabsaday dalka iyo dadka Soomaaliyeed, isla mar ahaantaasna aan laga daalin dagaalkaas illaa laga xoreynayo dalka.

Sheekha ayaa guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in la taageero dagaalka xaq u dirirka ah ee lagula jiro cadowga qabsaday dalka iyo diinta.

SomaliSwiss  Omar

Email  Riix  Halkaan

Airporka Muqdisho oo hoobiye yaal lagu weeraray

Muqdisho (SomaliSwiss) 22, February 2007Airport

Waxaa lagu weeraray Hoobiyaal Airaporka Muqdisho iyo qeybo kale oo ka tirsan caasimadda oo fariisimo u ah Ciidamada Itoobiyaanka iyo kuwa dowlada federaalka,

Sida ay dad goobjoogayaal ah ay noo Xaqiijiyeen ayaa sheegay  in Qasaaro soo gaartay Ciidamada ku sugan Airaporka waxaana la xiray gabi ahaan wadooyinka soo gala Airaporka,

Hoobiyaasha ayaa waxaa kaloo ay ku dheceen guryaha ka soo horjeeda Garoonka iyo Xaafada Afasiyooni lama oga ilaa hada khasaaraha dhabta ah ee ay geysteen,

SomaliSwiss  Omar

Email  Riix  Halkaan

Abshir Bacadle, Gabay kusocda Shacabka

Muqdisho (SomaliSwiss) 22, February 2007Bacadle

MARKII CADOWGI LOO JABAY, CULIMADIINA YAACEEN NABADI WAA CAKIRAN TAHAY, NIN IYO CUDUDI MOOYEE CADLI IYO GARSOOR MALEH CISI IYO SHARAF MALEH ..HALKAAN KA DHEGAYSO GABAYADA ABWAAN ABSHIR BACADLE Allaha u anxariistee

SomaliSwiss  Mohamed Saadaq

Email  Riix  Halkaan

 

Gudoomiyaha Deg, Yaaqshiid iyo Gudoomiye kuxigeenka Deg. Madiina oo caawa isku mar ladilay

Muqdisho (SomaliSwiss) 21, February 2007w

War goordhow naga soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa ku soo waramaya in caawa ay Niman hubeysan oo aan lagaraneynin toogasho kudileen Gudoomiyiha degmada Yaaqshiid Muxudiin Xasan Xaaji.

Dilkan ayaa ah kii u horeeyey ee loo geysto Mas’uul ka tirsan dowlada Dabadhilifka waxaana ilaa iyo hada la garanayn cida falkaan ka dambeeysay.

Madaxda Dowlad kusheegga ayaa ayaantanba la ugaarsanayay ayadoo dhowr marna lagu weeraray Hoteelada ay deganaan jireen, Waxaa aad ugu soo kordhay Magaalada Muqdisho dilalka aan xadka lahayn iyada oo habeen walba lagu dilo Muqdisho dad rayid ah,

War nasoo gaaray goordhow ayaa sheegaya Dilka Gudoomiyaha Degmada Yaaqshiid Muxudiin Xasan Xaaj,

Sidoo kale waxaa isla Caawa ladilay Gudoomiye kuxigeenka Degmada Madiina Gudoomiyahaas oo asna ay dileen kooxo aan heybtooda lagaraneynin,

warka ayaa wuxuu intaasi kudarayaa Dilka Godoomiyaha Degmada Yaaqshiid & Gudoomiye kuxigeenka Degmada Madiina uu ahaa mid Siyaasadeen oo ay kadambeeyeen Ciidama ushaqeeya Dowlada daba dhilifka iyo Tigreega,

dilakan ay u geysteen labadaan nin ayaa lasheegay in ay kasoo horjeedeen maadaama ay abaabulayeen in ay nabadeeyaan Xaafadahooda aygoon ubaahan Ciidan Daba dhilif iyo kuwa Gumeystahaba diidayna in Madfac lagu soo hogaamiyo shacabka Mardambe,

SomaliSwiss  Omar

Email  Riix  Halkaan

Protected: Digniintii ugu dambeysay ee loo soo jeediyo Ciidamada Uganda & kuwa Afrika ee usoo socda Somalia

This content is password protected. To view it please enter your password below:

Kacdoonka shacabka oo maanta si aad ah looga dareemayo Caasimada Muqdisho

Muqdisho (SomaliSwiss) 21, February 2007QaxiddhaawacQax1Dhaawac

Qaxa dadweynaha Magaalada Muqdisho oo aad usii kordhaya ayagoo kaqaxaya dhibaatada aan loo meeldayin ee uu Gumeystaha ugeysanayo Umada Somaliyeed isagoo habeen walba ubar tilmaameed sanayo Shacabka Madaafiic culculusna kuhogaaminaya, 

Dadweynihii ugu tirade badnaa ayaa isaga baxay Caasimada Magaalada Muqdisho ayagoo uqaxay Magaalooyinka udhow dhow caasimada Muqdisho sida Lafoole Afgooye Balcad iyo meela kale, 

Waxaa magaalada Muqdisho kasoconaya Kacdoonka Umadda kaasoo si caraleh loogu qaaday Ciidamada Cadowga Dalka kusoo duulay ee
Ethiopia iyo kuwa daba dhilifkaba,
 

Kacdoonkan ayaa si aad ah looga dareemayaa Magaalada Muqdisho ayadoo dadku wada dareemay in loo leynayo si cadow tinima ah oo aan loo aaba yeeleynin qofna uuna kasiman yahay Dadka Somaliyeed ee degan Magaalada Muqdisho, 

SomaliSwiss  Omar

Email  Riix  Halkaan

Weeraradii Xalay lagu xasuuqay Shacabka Magaalada Mudisho

Muqdisho (SomaliSwiss) 20, February 2007 

In kabadan 64 Qof oo kusoo dhaawacmey qaxaryadii xalay ay ladheceen Ciidamada Cadowga ee Ethiopia qeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho ayaa la gaarsiiyey qaar kamid ah Isbitaalada waaweeyn ee Muqdisho,

64 Qof ayaa kudhaawacmay Madaafiicdii xalay ay Ciidamada Ethiopia iyo kuwa daba dhilifka ah uqeybiyeen xaafadaha Magaalada Muqdihso,

Madaafiicdan ayaa ahaa kuwii ugu badnaa ee ay si xaasid nima ah ula dhacaan Ciidamada Cadowga ee wadanka kusoo duulay,Madaafiicdaan ayaa waxaa kugeeriyooday illaa 13 Qof  oo isugu jira Niman & Naago iyo Caruurba,

Wariye nooha soo waramay Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho oo Maanta ay aad u buux dhaafiyeen dad iyagu kusoo dhaawacmey qaraxyadii xalay lala dhacay Xaafadaha Magaalada Muqdisho,

Dhinaca kale Dadweynaha Magaalada Muqdisho degenaa ayaa isaga qaxay intoodii ugu badneyd maanta sidoo kale Ciidamada Maqaawamada Shacabka Mujaahidiinta ayaa kula taliyay Dadweynaha iney isga qaxaan maadaama ayaga lala beegsanayo Madaafiicda,

Muqaawamada ayaa Sheegtay in ay Weerar isdaba joog ah kuqaadi doonaan Ciidamada Cadowga ee wadanka kusoo duulay eyna uga saari doonaan xoog hadii illaah yiraahdo,  

SomaliSwiss  Omar

Email  Riix  Halkaan

Weerar caawa lagu qaaday laba xarun oo ay degenaayeen ciidamada Ethiopia iyo kuwa daba Dowlada

Muqdisho (SomaliSwiss) 19, February 2007Muq

Weerar caawa lagu qaaday laba meel oo ay Ciidamada Ethiopianka iyo kuwa Dowlada Daba dhilifak ah ay dhowaan soo dageen goobahaasi oo kala ah Xaruntii hore ee Wasaaraddii Gaanshaandhigga iyo Isbitalka weyn Digfeer ee Magaalada Muqdisho,

Weerarada lala beegsaday Xarumahaasi ayaa lasheegay in ay gaarayeen gantaalada lagu riday illaa iyo shan gantaal oo iyagu gudaha uga dhacay iyadoo aanu lasoo sheegin weli khasaaraha Ciidamada
Ethiopia iyo kuwa daba dhilifka ah kasoo gaaray hoobiyeyaashaasi lagu tuuray,

Weerarkaasi kadib ayaa Ciidamada Ethiopia ee Dalka kusoo duushay waxa ay si is daba joog ah u soo tuureen Madaafiic kuwaasi oo ku kala dhacay Xaafadda Albaraka iyo Xaafadda Kaasa babalaare ee Magaalada Muqdisho,

Gantaalihii kudhacay Xaafadda Albaraka ayaa waxa uu ku dhacay qeyb kamid ah Suuqa Caanaha iyo Khudaarta ee Bakaaraha iyadoo halkaasi ay kudhaawacmen illaa 6-Qof inta hada lasoo sheegay,

Gantaalihii kale oo asagane kudhacay Xaafadda Kaasa babalaare ayaa waxa uu kudhacay meel kudhaw Masjidka Sheekh Cali Suufi Gaar ahaan Albaabka hore ee Dugsiga sare ee Imamu Shaafici,

Waxaana halkaasi ku geeriyooday illaa 2-qof oo ahaa dad hoyanayay iyadoo dad kor u dhaafaya 9-qof ay ku dhaawacmeen,

Meydka labadaasi qof ayaa la dhigay Gudaha Masjidka Sheikh Cali Suufi iyadoo iminka ay habeen tahay ayaanan weli la awoodin in la aaso waxaase dadka xaafadaasi ay ku dadaalen oo ay xoogga saareen in ay dhaawacyadii u qaadaan Isbitaalada Magaalada Muqdisho.

Si kastaba ha ahaatee Shacabka rayidka ah ayaa mar waliba iska muuqaneysa in la bartilmaameedsanayo gantaalaha iyadoo shaqaalaha Ethiopiaka ay ku sheegaan mar waliba inay saxsan yihiin Ethiopianka in lala dhoco shacabka gantaalada taasi oo ugu dambeyn la arki doona cid waliba oo sidaasi afkeeda ku tiri halka ay ku dambeyneyso 

SomaliSwiss  Omar

Email  Riix  Halkaan

Askar Qoryahooda kacararay kadib markii Baasuuke lagu riday Midna Bakhtigiisa meesha yaalay

Muqdisho (SomaliSwiss) 19, February 2007

Duhurnidadii  maanta ayaa Baabuur Cabdi bile ah oo ay saarnaayeen Ciidamo ka tirsan Ethiopia iyo kuwa Dowlada ee daba dhilifka ah oo  maraayay Wadada Warshada Caanaha  ayaa lala beegsaday qori Baasuuke ah,

Wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in baasuukaha lala gafay Baabuurkii cabdi bilaha ahaay,

Waxaana markii lala gafay uu kudhacay goob kale iyadoo halkaasi uu kudhaawacmay keliya hal qof oo rayid ah,

Intaa kadib ayaa rasaas ooda looga qaaday ayagoo dhimasho iyo dhaawac xun uu kasoo gaaray weerarkaasi,

Sidoo kale Warar gadaal naga soo gaaray ayaa waxa ay sheegayaan in 4-askari oo katirsan Ciidamada Ethiopia ay iyaguna halkaasi ku dhaawacmeen iyadoo Mid kamid ahna Bakhtigiisa lagu arkayay meesha,

Halkii kuwii saarrnaa cabdi bilahaasi ay kacaraneen qorigii dhashiikaha ee gaariga ugu xirnaa iyo qoryihii kale ee ay siteen si aanan loo meel dayin cabsi gashay awgeed,

Qoryahaasoo lasheegay in ay qaateen dhalin yaro aan heybtooda lagaraneynin oo iyagu qoryahaas banaan cidla ah kahelay,

SomaliSwiss  Omar

Email  Riix  Halkan

Weeraradii kala duwanaa ee maanta Muqdisho kadhacay oo faahfaahsan

Muqdisho (SomaliSwiss) 18, February 2007Mogadisho

Waxaa maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho dhowr shil oo uu ugu horeeyay gaari noociisu yahay Toyoto Corolla oo maraayey waddada Jen. Daa’uud gaar ahaan meel u dhow xarunta Caafimaadka Dr. Dufle ayaa halkaas ku qarxay iyadoo warar iskhilaafsan ay ka soo baxayaan sababaha keenay qaraxaasi,  

Warar ayaa sheegayan in kooxo hubeysan ay si afsaar ah Baasuuke ugu dhalaaliyeen gaariga oo ka dibna ay ku baxsadeen gaari kale oo ay wateen, welina ma jiraan warar xaqiiqada ku saleysan oo ku saabsan sababta keentay qaraxaasi,  

Waxeyna wararku sheegayaan in gaarigaasi uu ka soo baxay Dekada Weyn ee Muqdisho ayna saarnayeen maleeshiyo Puntland ka soo jeeda halkaasina laga soo raacay inkastoo aan xaqiiqda la heynin,

Sidoo kale waddada Warshadaha ee magaalada Muqdisho gaar ahaan agagaarka Ceymiska waxaa kooxo hubeysan oo watay gaari 4-Runner ah ay rasaas ooda kaga qaadeen gaari kale oo TAXI ah oo sida la sheegay ay saarnaayeen Sadex Askari oo ka tirsan Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo Darawaalkii watay taksigaasi,  

Waxaana weerarkaasi ku dhintay laba ka mid ah Sadexdaasi Askari oo iyagoo ku lebisan dareyskii ciidamada,  

Waxana la soo sheegayaa in meydkoodu yiilay bartamaha wadada. Dhanka kale,  

Sidoo kale galabta kooxo aan la garanayn ayaa waxay dagaal kaddis ah ku qaadeen qaar ka tirsan ciidammada Booliiska oo in yar ka hor la dhigay isgoyska Black Sea ee Magaalada Muqdisho, 

Dagaalkaas ayaa sababay ugu yaraan geerida 8-Qof halka ay ku dhaawacmeen in ku dhowaad 12-Qof oo kale,  

Wararka ayaa waxay sheegayaan in kooxaha dagaalkaan geystay ay ahaayeen kuwo watay gaari Caasi ah isla markaana waxay dagaalka ku qaadeen Ciidammada Dowladda iyo kuwo Ethiopia oo ku sugnaa xilligaas isgoyska bartankiisa,  

Waxaana dagaalkaas oo aan muddo badan socon uu saameyn ku yeeshay ganacsiga qaadka ee Isgoyska Black Sea,  

Ciidamada Booliiska iyo kuwa
Ethiopia oo tiro ahaan lagu sheegay markii weerarka lagu qaaday ku dhawaad 12-askari sida ay xaqiijiyeen goobjoogayaal xilliga dagaalku dhacayay ku sugnaa isgoyska ayaa waxa ka dhaawacmay tiro lagu qiyaasay 7-ruux oo mid iyaga kamid ahaa,
 

Waxaana la sheegay iney isaga carareen ciidamadii halkaasi la geeyay sababtuna ay aheyn ayagoo dhimasho xoogan iyo dhaawacba loo geystay, 

Waxaa Maanta laga dareemayay Magaalada Muqdishoo dhan Colaad taasoo kaliftay Dadweynaha xitaa in ay naceeyb uqaadeen Ciidamada wadanka kusoo duulay iyo kuwa lasocdaba, 

SomaliSwiss  Omar

Email  Riix  Halkan 

Weerar lagu dilay 2 askari oo kadhacay Ceymiska Magaalada Muqdisho

Muqdisho (SomaliSwiss) 18, February 2007CiidamoXasuuq

Baabuur ay wateen Ciidamada Ethiopia iyo kuwa Dowlada oo lagu weeraray wadada Ceymiska halkaasoo looga dilay 2 nin 2 kalana looga dhaawacay Ciidamadii Ethiopia iyo kuwii Dowlada,

Wararku waxey sheegayaan in weerarkan lala beegsaday Ciidamada Ethiopia iyo kuwa Dowlada ay ahaayeen Nimanka weeraray niman Hubeysnaa oo watay Baabuur yar oo ah kuwa raaxada kadibna Rasaas xoogan kuriday kadibna isaga tagay,  

Wararka qaar ayaa sheegayaya weerarka lagu dilay askartay ay ahaayeen rag wax badan soo daba socday isla markaana u ilaashanayay meel Muhim ah,

Wararka qaar ayaa sheegaya nimanka soo weeraray in ay ahaayeen 4 nin oo watay Baabuur nooca lagu raaxeeysto ama loo yaqaan Baabuurta yar yar, 

Sido kale waxaa halkaas kudhaawacmay nin shacab ah oo wadadaas marayay oo lasheegay in ay dhaawaceen weeraradaas xabadihii leysku adeegsaday  

SomaliSwiss  Omar

Email  Riix  Halkan

Baabuur daqiiqada yar kahor kuqarxay wadada Jen, Daa’uud

Muqdisho (SomaliSwiss) 18, February 2007 Baabuur Holcaya

Baabuur maraaray wadada Jen, Daa’uud ee Degmada Yaaqshiid gaar ahaan Ispitalka DR. Dufle agtiisa ayaa ku qarxay iyadoo aan lagaraneyn cida qarxisay iyo sababta uu u qarxay ayadoo halkaasi aan lagu arag wax soo weeraray,

Baabuurkaasoo weliba ay dad saarnaayeen waxaana lasii arkayay isagoo sii holcaya dadka qaarna waxey sheegayeen in gaariga holcayay dhexdiisa ay dad ku jireen,

 Halkaasoo la sheegey in ay ku dhinteen dadkii la socdey Baabuurkaas qaar ka mid ah Baabuurkan oo la tilmaamey inuu ahaa gaari Mark2 ah ayaa waxaan la kala ogeyn illaa iyo hadda in wax yaabaha qarxey ay ayaga wateen iyo in uu yahay wax ku soo dhacey,     

Waxaa nasoo gaaray illaa iyo hadda dhimashada 4 qof oo Baabuurkaas saarneyd dadka qaar ayaa si weyn uga naxay oo yiri hadii ay waxaan yihiin wax lagu qarxiyay waa musiiba cusub oo shacabka kusoo korortay 

SomaliSwiss  Omar

Email  Riix  Halkan

Protected: Ninkii Dhoof kuyimid bey Geeridu dhibeysaa wakhtigii dhamaayoo wuu dhaqaaqi doonaa

This content is password protected. To view it please enter your password below:

Weerar lala beegsaday Ciidamada Ethiopia ee soo degay Ispitalka Digfeer

Muqdisho (SomaliSwiss) 16, February 2007w

Waxaa weerar loo adeegsday madaafiic Hoobiyayaal iyo Sabano ah lagu qaaday Ispitalka Digfeer ee Magaalada Muqdisho halkaasoo ay dhowaan soo degeen Ciidamada Ethiopia,

Illaa iyo hada waxaa lasoo xaqiijiyay in Dhimasho iyo dhaawacba ay jiraan balse aan lagaraneyn tirada dhabta ah  ah ee ay geysteen Madaafiicdaas lagu weeraray Ispitalka Digfeer ee Magaalad  Muqdisho,  

Waxaa iska cad in ay sii badanayaan weerarada lagula dagaalamayo Cadowga kusoo duulay Wadankeena
Somalia iyo kuwa soo hogaamiyayba,

Dhinca kale sidii caadada u aheydba waxay kusoo Jawaabeen Ciidamada Cadowga Madaafiic kuwaasoo argagax dartiis ay kurideen Shacabka Guryahooda oo iyaguna dhaawac geystay,

Dadweynaha Muqdisho ayaa iyagu naceybkooda dhinaca Ciidamada Ethiopia iyo kuwa lasocdaba ay sii badanayaan ayagoo arkay in Ciidamada
Ethiopia loo soo kireystay iney baabi’iyaal Dadka kunool Muqdisho iyo nawaaxigeeda,
 

SomaliSwiss  Omar

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: