Weerar xalay lagu qaaday Ciidamada Ethiopianka jooga Ceel-Cirfiid

Muqdisho (Somaliswiss) 27. Janaury 2007Cadowga

 Weerar Hoobiyayaal ah ayaa xalay lala beegsadey fariisin ciidamada Itoobiyaanka ah ku leeyihiin Ceel-Cirfiid duleedka magaalada Muqdisho dhinaca wadada aada Degmada Balcad. Saldhigaan oo ay ku sugnaayeen ciidamo fara badan oo Itoobiyaan ah ayaan la ogeyn khasaraha ka soo gaarey weerarkan madaama waqtiga weerarku dhacey ay ahayd habeen mugdi ah. weerarkaasoo sida caadad u aheyd Ciidamada Mujaahidiinta ay labeegsadeen Dad ku sugnaa meel u dhow halka Qaraxa uu ka dhacey ayaa noo sheegey in ay maqlaayeen ilaa iyo Shan Qarax oo isku xigey kuwaasoo lasheegay in ay ahaayeen Hoobiyayaal. Weerarada lagu hayo fariisimaha ciidamada Itoobiyaanka ay ku leeyihiin magaalada Muqdisho iyo agagaarkeeda ayaa aad u sii kordhaya maalmihii aanu la soo dhaafey weeraradaasoona ubadan xiliyada habeenkiiSomaliswiss Omar 

Somaliswiss@hotmail.com 

%d bloggers like this: