Dagaalo Kasocda Deegaano katirsan Hiiraan iyo Galguduud

Baladweyne (SomaliSwiss) 25, January 2007

Dagaala aad ucul culus ayaa kasoconaya Deegaanno

katirsan Hiiraan iyo Galguduud Kadib Markii ay

Ciidamadii Ethiopianka ahaa kabexeen halkaas

Dagaalo u dhaxeeya labo maleeshiyo Beeleed ayaa

mar kale Dib uga Qarxay Deegaano ka kala tirsan

Gobolada Hiiraan iyo Galgaduud. Dagaalkaan oo Dib

usoo Cusboonaaday ayaa bilowday, ka dib markii

Ciidamadii Ethiopia ay isaga baxeen Halkaasi Habeen

hore. Xooga Dagaalkaan oo Shalay Galinkii Dambe ka

Qarxay Deegaanka Goobo oo u dhaxeeya Maxaas iyo

Ceelbuur ayaan wali la ogeyn Qasaaraha dhabta ah ee

Dagaalkaasi uu geystay inkastoo wararka qaar ay

sheegayaan in dhimasho iyo dhaawac badan uu jiro

waxaana larumeysan yahay ugu yaraan 60 ruux iyo

kabadan iney kudhinteen halkaasi 

SomaliSwiss  Maxamed yariisoow

SomaliSwiss@hotmail.com

Kismaayo Weerar lagu dilay Ciidama Ethiopian ah

et

Kismayo (Somaliswiss) 25,January 2007 

Bartamaha magaalada Kismaayo ayaa maanta lagu dilay Nin Ethiopian ah mid kalena lagu dhaawacay, kadib markii Mujaahidiin hubeysan ay weerar ku soo qaadeen halkaasi.Dilkaan oo ka dhacay Suuqyaraha Magaalada Kismaayo ayaan wali la ogeyn inta dhabta ah dhimashada iyo dhaawaca  inkastoo wararka qaar ay sheegayaan in dhimashada iyo dhaawacaba intaa kabadan yahay, waxaa wararku sheegayaan weerarkaa kadib in dad rayid ahaa ay qafaasheen Ciidamada Ethiopianka iyo kuwa Dowlada oo wada socday ayagoo Suuqa iyo meelaha Ganacsigoo dhanna Albaabada ulaabay

SomaliSwiss  Omar

SomaliSwiss@hotmail.com  

%d bloggers like this: