Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta furay Shir Qaran oo loogu gorfeynayo Amniga.

Shirka Amniga.jpg6Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa wuxuu maanta si rasmi ah u furay Shirka heerka Qaran ah ee loogu gorfeynayo guud ahaan amniga dalka Soomaaliya oo lagu qabtay Hotel Jasiira ee magaalada Muqdisho kaasi oo ay soo qaban qaabisay wasaaradda amniga Qaranka Dalka.
Shir-weeyne heer qaran ah oo looga hadlayo amniga wadanka ayna ka qeyb galeen xubno ka tirsan labada gole ee dowladda, saraakiisha ciidamada qalabka sida, ergo tiradoodu gaarayso ilaa iyo 500 oo qof, kuwaas oo ka kala yimid gudaha dalka iyo dibadiisa, wuxuuna socon-doona muddo sadex cisho ah. Continue reading

About these ads

Magaalada Baydhabo ee gobolka Bay oo laba Boqol iyo konton Arday loogu soo Gaba-gabeeyay Tababbar Xirfadeed.

Arday baydhabo.jpg1Magaalada Baydhabo ee gobolka Bay ayaa waxaa tababar socday muddo hal sano ah loogu soo gabgabeeyay 250-arday oo bartay xifado kala duwan, iyadoo tababarkan ay fulisay hay’adda NRC.
Continue reading

Al-Shabaab oo shaacisay inay qorsheynayaan weerar la mid ah kii Suuqa Westgate.

dhismaha Westgate ee magaalada NairobiUrurka Xarakada Al-Shabaabay ayaa waxay dhowaantan ay soo dhigeen baraha Internetka ay adeegsadaan Ururada xagjirka ah sida Al-Qaacida lagu soo daabacay muuqaalo iyo codad lasoo duubay oo ay kasoo muuqdeen xubno sar sare oo ka tirsan kooxda oo hanjabaydo diraya.
Continue reading

Madaxweynaha oo maanta ka Guddoomay Waraaqihii Aqoonsiga Danjiraha Dowladda Boqortooyada Sucuudiga.

Madaxweyne Xasan & SacuudigaMadaxweyne, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka guddoomay waraaqihii aqoonsiga Danjiraha cusub ee boqortooyada Saudi Arabia u fardhin doona dalka Soomaaliya.

Garam Bin Said Bin Garam Almulhan oo ah Danjiraha cusub ee Sucuudi Carabiya, ayaa waraaqihiisa aqoonsiga u gudbiyay madaxweynaha Soomaaliya. Continue reading

Dowladda Imaaraadka oo Ciidamada Ammaanka Soomaaliya ugu deeqday Qalab Ciidan ee kala duwan.

ImaaraadkaDowladda Imaaraadka Carabta ayaa maanta qalab kala duwan ugu deeqday ciidamada ammaanka Soomaliya. Deeqdan oo isugu jirata, direyska ciidamada iyo gaadiid ayaa waxa danjiraha Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya uu ku wareejiyay dowladda Soomaaliya.
Continue reading

Xildhibaannada Soomaalida ee ku jira Baarlamaanka Kenya oo la kulmay Madaxweyne Uhuru Keyatta, kana hadlay dhibaateynta Soomaalida.

Xildhibaan Kenya.jpg1Xildhibaannada Soomaalida ah ee ku jira baarlamaanka Kenya ayaa la kulmay madaxweynaha Kenya, Uhuru Keyatta iyagoo kala hadlay sidii loo joojin lahaa dhibaateynta dadka Soomaaliyeed ee lagu qab-qabto howlgallada ka socda Nairobi.
Continue reading

Xaflad sagootin ah oo magaalada Kismaayo loogu sameeyay Wafdigii uu hoggaaminayey Ra’iisul Wasaare , C/weli Sheekh Axmed Maxamed.

Ra'iisal-waasaraha Kismaayo.jpg9Ra’iisul Wasaare , C/weli Sheekh Axmed Maxamed ayaa waxaa magaalada Kismaayo loogu sameeyey munaasabad si heer sare loosoo agaasimay oo ay ka qayb-galeen qaybaha kala duwan ee bulshada Kismaayo waxaana Xafladdaas lagu qabtay xaruntii hore ee caymiska, iyadoo munaasabaddan ay ahayd sagootin loo sameynayay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.
Continue reading

Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Wafdigiiuu hoggaaminayey oo Maanta dalka dib ugu soo laabtay

Wafdiga_JawaariGuddoomiyaha Baarlamaanka Somalia, Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) iyo wafdi uu hoggaaminayay oo maalmahan safar ugu maqnaa dalka Talyaaniga ayaa dib ugu soo laabtay gellinkii dambe ee maanta magaalada Muqdisho. Continue reading

Madaxweynaha Kenya oo u jawaab beesha Caalamka iyo dowladda Soomaaliya in Soomaalidu ay doonayaan inay burburiyaan Kenya

Madaxweynaha dalka Kenya,Uhuru Kenyatta ayaa si cad u sheegay in Soomaalidu ay doonayaan inay burburiyaan Kenya, isagoo sheegay inay ciidamada Kenya ka hortagaan in dalkooda ay burburiyaan.

Madaxweynaha Kenya ayaa hadalkan ka sheegay tababar loo xirirayay ciidammo booliis ah, isagoo sheegay in howlgallada ay sii socon doonaan illaa dalka Kenya nabad laga dhigayo.
Continue reading

Dhismaha cusub ee safaarada Turkiga magaalada Muqdisho.

TURKAY EMPASSY IN MOGADISHO 8Dowladda Turgiga ayaa dhisma aad u qurux badan soo bandhigtay, kaas oo ay sheegtay in uu noqon doona Safaarada cusub ee ay Turkigu ku yeelan doonaan caasimada dalka Soomaaliya ee Muqdisho. HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Continue reading

Soomaali fara badan oo laga soo tarxiilay wadanka Kenya oo laga soo dejiyay magaalada Muqdisho.

tarxiilDad kabadan 92 Qof oo Soomaali ah oo laga soo qabqatay magaalada Nairobi, iyagoo ku jooga si Sharci daro ah ayaa maanta laga soo dejiyay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho. HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Continue reading

Xaflad lagu maamusay Xiritaan Waxbarasha Aqoon kororsi ah oo ay qaadanayeen Ardey Soomaaliyeed oo lagu qabtay magaalada Zürich.

Xaflad J. Zürich.jpg8Waxaa habeen hore magaalada Zürich lagu qabtay Xaflad lagu maamusay Xiritaan Waxbarasha Aqoon kororsi ah oo ay qaadanayeen Ardey Soomaal

Warbarashada aqoon kororsiga ah ayaa socotay hal Sano iyo 7 bilood ah ayaa waxay Caruurta Soomaalida ee dhigata Dugsida Caadiga ah ee Kanton Zürich, loogu caawinay Maadooyinka ay ku liitaan. HOOS KA DAAWO SAWIRADA Continue reading

Gudoomiyaha Baarlamanka & Wafdi uu hogaaminayay oo la kulmay Jaalliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Wadanka Talyaaniga.

G. Barlamaanka Italy.jpg3Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo wafdigii uu hogaaminayey oo ayaamahanba booqasho Rasmi ah ku joogeen dalka Talyaaniga ayaa xalay magaalada Rome kula kulmeen Jaalliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Wadanka Talyaaniga. HOOS KA DAAWO SAWIRADA
Continue reading

Urur-weynaha Ardayda Somaliyed ee Dalka Malaysia oo Jamacada MultiMedia University ku soo bandhigay Barmaamij la xiriira dhaqanka Soomaalida.

Ardeyda Malesia.jpg11Barmaamij ku saabsan dhaqan soo bandhigid ama carwo dhaqamadeed ayaa ka dhacay Jamacada MultiMedia University (MMU) ee ku taal xaafadada Cyper Jaya ee Kuala Lumur ee wadanka Malaysia, waxaana si wayn u soo abuuley Ururweynaha Ardayda Somaliyed ee Malaysia ee loo soo gaabiyo SSSM ee uu horkacayay gudoomiyaha Ardayda Soomaaliyeed Malaysia Mudane Abdulahi Sultan. HOOS KA DAAWO SAWIRADA Continue reading

Guddoomiyaha Baarlamaanka oo ka hadlay Qab-qabashada iyo Tarxiilka Soomaalida ku nool magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

G. Barlamaanka JawaariGuddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) oo haatan ku sugan dalka Talyaaniga ayaa ka hadlay howlgallada ay ciidamada Kenya ku qabqabanayaan Soomaalida ku nool magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Continue reading

Wasiirka Boostada & Isgaarsiinta iyo Shirkadaha Isgaarsiinta Soomaaliya oo maanta ka wada hadlay sidii loo xakameyn lahaa adeegsiga Internet-ka.

Wasiirka boostada S.& Madaxa Isgaarsiinta Adduunka.jpg2Kulankaan uu Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta dalka uu la qaatay mas’uuliyiin ka socotay Shirkadaha Isgaarsiinta ee bixiya adeega Internet-ka ayaa looga hadlay sidii loo xakameyn lahaa adeegaasi, islamarkaana uu u noqdo mid ay bulshada ku adeegan karto, iyadoo aan loo adeegsan karin waxyaabo bulshada wax u dhimaya.
Continue reading

Ra’iisul Waasare C/weli Sheikh oo kulan guud la yeeshay Waxgaradka, Culumada, dhallinyarada iyo Haweenka Jubbooyinka.

Ra'iisal-waasaraha Kismaayo.jpg7Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maalintii saddexaad howlo shaqo u jooga magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbadda Hoose intii ay joogeen waxay kulamo kala duwan la qaateen qeybaha kala duwan ee bulshada gobolada Jubbooyinka iyo Gedo. HOOS KA DAAWO SAWIRADA
Continue reading

Ergayga Gaarka ah ee Qaramadda Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya oo dareen ka muujiyay shaqaaqadda ka dhexdhalatay Somaliland iyo Puntland.

Nicholas KayErgayga Gaarka ah ee Qaramadda Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya, Nicholas Kay ayaa dareen ka muujiyay shaqaaqadda ka dhexdhalatay ciidamo ka socda Soomaliland iyo kuwo ka socda Puntland, oo ku murunsan Gobolka Waqooyi ee Sool, gaar ahaan magaaladda Taleex.
Continue reading

British Petroleum signs exploration agreement with Somalia.

oil-rigBritish Petroleum has entered an agreement with the Somali government to resume its oil and gas exploration activities, which were abruptly stopped in 1991 after the central government was toppled. Continue reading

Wasiirka Diinta iyo Awqaafta ahna R/wasaare ku xigeen oo maanta Dalka dib ugu Soo laabtay.

Wasiirka AwqaafkaWasiirka Diinta iyo Owqaafta ahna R/wasaare ku xigeen Ridwan Xirsi Maxamed ayaa saaka dalka dib ugu soo laabtay kadib markii uu soo dhameystay booqasho uu ku tegay dalka aynu walaalaha nahay ee Djabuuti. Continue reading

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo Shalay khudbad ka jeediyey Jaamacadda Napoli.

G. Barlamaanka Napoli.jpg1Gudoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo wafdi uu hogaaminayo ay socdaal shaqo ku joogaan dalka Talyaaniga ayaa maanta booqday Jaamacadda Napoli oo ku taala magaalada Napoli halkaasi oo qeyb ka mid ah Afka Soomaaliga wax looga barto ilaa heerka ugu sareeya waxbarasho jaamacadeed. HOOS KA DAAWO SAWIRADA Continue reading

Xaflad uu xilka kula wareegayay Guddoomiyaha cusub ee degmada Xamarweyne oo lagu qabtay degmadaas.

???????????????????????????????Xaflad uu xilka kula wareegayay guddoomiyaha Degmada Xamarweyne waxaa ka qeyb galay Xildhibaanno, mas’uuliyiin ka socotay maamulka Gobolka Benaadir, guddoonka cusub ee Degmada, maamulkii hore ee degmada, ganacsato, qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan degmadaasi, saraakiisha ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya iyo marti sharaf kale, kaasi oo lagu qabtay xarunta degmada Xamarweyne.
Continue reading

Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa Boqortooyada Britain uga mahadceliyey ahmiyadda ay siinayaan xal u helidda arrimaha Soomaaliya.

MMadaxweyne Hasan & wasiir UKadaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka Afrika ee Dowladda Britain (UK) oo maanta booqasho ku yimid Muqdisho.
Continue reading

WAR LAGU FARXO : Roobab xoog leh ay ku diirsadeen Dadka iyo Duunyada oo ka da‘ay Degmooyin Ka Tirsan G/Sh/Dhexe

Roob daad biyoWar farxad leh oo la xiriira Roobab xoog leh oo ay dadka iyo duunyaduba ku diirsadeen ayaa saacadihii la soo dhaafay ka da’ay degmooyin iyo tuulooyin ka tirsan gobolka shabeelaha dhexe, iyadoo rababakaasina ay kusoo beegmeen xilli ay wasaaradda beeruhu beeraleyda gobolkaasi gacan weyn ka siisay u diyaar garowga tacbashada beerahooda.
Continue reading

Nigerian capital bomb kills 71

NigerianLAGOS – Nigerian authorities said 71 people had been confirmed killed in a Monday bomb blast in a crowded car park in capitalcapital Abuja, though medical and independent sources insisted the death toll was much higher.
Continue reading

Xarakada Al-Shabaab oo Xalay dagaal rogaal-celin ah ku soo qaaday Degmada Qoryooley ee Gobolka Sh/Hoose.

Dagaalka Qoryooleey.jpg1Waxaa lagu soo warramayaa in xalay uu ka dhacay gudaha degmada Qoryooley ee gobolka Sh/Hoose dagaal ay isaga horyimaadeen Ciidamada dowladda iyo kuwa Al-Shabaab waxaana ugu yaraan ku dhintay lab qof oo dhinacyadii dagalaamay ka mid ah, waxaana dagaalkaas ku dhaawacmey tiro shan ruux ka badan.
Continue reading

Gudoomiyaha Baarlamaannada Soomaaliya Iyo kan Talyaaniga oo Kulan Ku Yeeshay Caasimada dalka Taliyaaniga ee Roma.

G. Barlamaanka ItalyMudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo wafdi uu hogaaminayo ay booqasho rasmi ah ku joogaan dalka Talyaaniga ayaa maanta kulammo kala duwan kulla qaatay magaalada Rome mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Talyaaniga.
Continue reading

2 Kenyans ‘freed’, not ‘rescued’: Al-Shabaab

Human rights in KenyaThe Somali militant Al-Shabaab group on Saturday denied Kenyan claims about the rescue of two aid workersworkers , saying it had released the two hostages.
Continue reading

Madaxweyne Xasan Sheikh oo maanta shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyeeyay dadkii ku dhintay weerarkii Maxkamadda gobolka.

Madaxweynaha  XafladMadaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu xasuusanayay dadkii ku geeriyooday weerarkii maanta oo kale ka dhacay maxkamadda Gobolka Benaadir.
Continue reading

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Xafiiskiisa ku Qaabilay Danjiraha cusub ee dowladda Burundi u soo magacawday Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha dibadda SoomaaliyaWasiirka Arrimaha dibadda iyo Iskaashiga caalamiga mudane C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha cusub ee Dowladda Burundi ay u soo Magacawday Dalkeena Soomaaliya asaga oo sidoo kale ka guddoomay Waraaqaha Aqoonsiga Safiirnimo.
Continue reading

Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

Join 4,034 other followers

%d bloggers like this: