Xiriiriyaha Hay’adaha Dowladaha Switzerland iyo Soomaaliya oo Kormeer shaqo ku tagay Gobolka Sh/Hoose.

8Wafdi uu Hogaaminayey Xiriiriyaha Hay’adaha Dowladaha Switzerland iyo Soomaaliya Mustaf Bashiir Xaaji Goob-Doon ayaa Kormeer iyo howlo shaqo ku tagay Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Sh/hoose si ay u soo qiimeeyaan Xaaladda Nololeed ee dadka Gobolka Sh/hoose iyo qaabka ay u howlgalaan Hay’adaha Swiss-ka ee ka shaqeeya Magaalada Marka oo howlo Banni’aadannimo u haya dadka Degmadaasi. HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Wareysi kooban oo uu siiyey Saxaafadda Mustaf Bashiir Xaaji Goob-doon ayaa waxaa uu uga warbixiyey waxyaabihii uu ku soo arkay Gobolka Sh/Hoose, gaar ahaan Magaalada Marka, wuxuuna sheegay in nolol ifafaalo ka muuqata laga dareemayo Magaalada Marka, wuxuuna intaasi ku daray in hay’adahooda ay muddo dhowr iyo Toban Sano ah ka wadaan Magaalada Marka aAeegyo isugu jira Caafimaad, Waxbarasho, Nadaafadda Magaalada iyo Taakuleynta dadka Beeraleyda ah ee ku nool Gobolka Sh/Hoose.

“Hay’adaha Switzerland waa kuwa keliya ee ka shaqeynayey Gobolka Sh/Hoose tan iyo wixii ka dambeeyay Buburkii Dowladdii Dhexe ee Soomaaliya, Al-Shabaab oo Muddo Sanooyin ah Xukumayey Magaalada Marka iyo deegaano kale oo ka tirsan Gobolka wax saameyn ah howsheena kuma yeelan oo si joogto ah ayaan dadka u taakuleyn jirnay, Sh/Hoose oo keliya ma aha meelaha aan ka howlgalno Magaalada Muqdisho iyana haatan ayaan waxaan ka wadnaa Adeegyo aan ugu talo galnay in dadka lagu Baro Farsamada Gacanta, waxaana xiriiro la sameynay oo aan Dhiiragelinaynaa Hay’adaha iyo Goobaha hadda ku howlan arrinkaasi” ayuu yiri xiriiriyaha Hay’adaha Dowladaha Switzerland iyo Soomaaliya Mustaf Bashiir Xaaji Goob-doon.

Ugu dambeyntii Bashiir waxaa uu sheegay in Magaalada Muqdisho ay dhawaan kusoo gabagabeeyeen siminaar ama Work Shop looga hadlayey arrimaha Federaalka, kaas oo uu sheegay inay ka faa’ideysteen dadweynihii ka qeyb galay, wuxuuna intaasi ku daray in howlaha ay dadka Soomaaliyeed u hayaan aysan hakin-doonin.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

SomaliSwiss@hotmail.com

About these ads
Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

Join 4,707 other followers

%d bloggers like this: