Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Addis oo farxad iyo sacab ku soo dhaweeyey gudoomiye Jawaari.

???????????????????????????????Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Cismaan Jawaari oo wafdi uu hogaaminayo ay ku sugnaayeen maalmahan dalka Ethiopia ayaa xalay kulan kula qaatay magaalada Addis Ababa Jaalliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Addis. HOOS KA DAAWO SAWIRADA.

Kulanka oo ahaa mid aad u ballaaran waxaa soo qaban qaabiyey hogaanka Jaalliyadda Soomaaliyeed ee Addis Ababa iyo Safaaradda Soomaaliya ee dalka Ethiopia waxaana uu ka dhacay hool weyn oo ku yaala xaafadda ay Soomaalidu aad ugu badantahay oo layiraa Booli.

Markii Wafdiga Gudoomiyaha Baarlamaanka uu hogaaminayey uu soo gaaray hoolka ay Soomaalidu kulanka kusoo qaban qaabiyeen waxaa banaanka hore kusoo dhaweeyey intabadan xubnaha Jaalliyadda ee kulanka kasoo qeybgalay ayadoo intabadan Jaalliyadana ay Calanka quruxda badan ee Soomaaliya ay lulayeen.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cismaan Jawaari oo kulankaasi khudbad ka jeediyey ayaa faah faahin ka siiyey Jaalliyadda sida ay xiligan u socdaan isbedellada ka jira dalka iyo hormarrada laga gaaray dhinacyada Ammaanka iyo Siyaasadda waxaana uu Gudoomiyuhu kula dardaarmay Jaalliyadda iney sida loosoo dhaweeyey u nabad geliyaan shacabka iyo dowladda ay martida u yihiin ee Ethiopia.

Gudoomiyaha hortiis ayey qaar ka mid ah xubnaha Jaalliyadda Soomaalida ah ee ku nool magaalada Addis Ababa khudbaddo ka jeediyeen, iyagoo gudoomiyaha uga mahad celiyey kulanka ay Jaalliyadda ka ogolaadeen iney la qaataan waxaana ay dhammaanba xubnihii u hadlay Jaalliyadda ay si guud ugu mahad celiyeen Dowladda iyo shacabka Ethiopia oo ay tilmaameen iney si wanaagsan u soo dhaweeyeen markii ay dalka kasoo qaxeen.

Sidoo kale qaar ka mid ah Ardayda wax ka barata Jaamacadaha ku yaala magaalada Addis Ababa oo iyaguna ka hadlay kulanka ayaa uga mahad celiyey Gudoomiyaha Baarlamaanka fursadda uu siiyey dhalinyarada wax ku baratay gudaha dalka ee ka qalin jebiyey Jaamacadaha dalka ku yaala gaar ahaanna dhalinyaradii dhowaan imtixaanaadka u gashay fursadihii shaqo ee ka banaanaa xafiisyada Baarlamaanka waxaana ay dhalinyaradu ku tilmaameen talaabadaasi mid qeyb ka ah in dhalinta wax baratay ay helaan xaqooda.

Hooyooyinka Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Addis Ababa oo iyaguna ka hadlay kulanka ayaa waxey dhammaantood dareenkooda ku cabireen tix suugaaneedyo ay ku muujinayaan sida ay ugu qanacsanyihiin waxa ka socda dalka ee Isbedellada hormarineed ee ka jira waxaana ay hooyooyinku ku guubaabiyeen

SomaliSwiss Addis

SomaliSwiss@hotmail.com

 

About these ads
Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

Join 4,744 other followers

%d bloggers like this: