Dowladda Holland oo maanta bilaabeysa in ay dalkeeda ka tarxiisho Soomaali fara badan oo wadankaasi ku noolaa.

somalie HollandDowladda Holland ayaa maanta bilaabeysa in ay u tarxiilaan dufcaddii ugu horeysay qaxooti Soomaaliyeed oo loo musaafurinayo dalkoodii Hooyo, kuwaas oo Netherland  hore u weydiistay megengelyo, hase yeeshee laga diiday codsiyadoodii.

Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee dalkaasi ku dhaqan iyo ururo xuquuqda aadanaha u dooda ayaa sheegay in maanta oo arbaco ah ay dowladda Holland bilaabeyso dib u celinta qeybtii ugu horeysay qaxootigaas oo lagu daad gureynayo Soomaaliya, iyadoo sida laqorsheynayo qeybta tarxiilka labaadna lagu wado in Soomaaliya lagu celiyo maalmaha soo socda.

Qoraal lagu soo daabacay bogga Hay’adda Vluchtelingen Werk ee caawisa dadka qaxootiga ayaa lagu sheegay in arrintan dib u celinta ah ay tahay mas’uuliyad darro, waxayna hay’addu walaac ka muujisay xaalada dadkaasi Soomaaliyeed ee lagu celinayo dalkoodii oo aysan weli ka jirin nabad gelyo hagaagsan.

Heyadan waxay sheegtay in Xaalada amaanka ee wadanka Somalia ay weli xun tahay, isla markaana aysan jirin damaanad qaad dadkaasi amaankooda lagu xaqiijin karo waxayna hayaddu sheegtay in arrintani ay u muuqato mid bilow u ah sidii kooxo cusub loogu celin lahaa Somalia.

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga ayaa u sheegtay Holland inaysan celin qaxootiga Soomaaliyeed hase ahaatee waxaa la sheegay inay Holland taasi ku gacan seyrtay ayna goosatay inay dadkaasi soomaalida ah ka masaafuriso dalkeeda.

SomaliSwiss Holland

SomaliSwiss@hotmail.com

About these ads
Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

Join 4,817 other followers

%d bloggers like this: