MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO LONDON KA DEGAY.

madaxweyne xasan londonMadaxweynaha Soomaaliya  Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi  uu hoggaaminayo ayaa maanta soo gaaray caasimadda dalka Ingiriiska ee London iyadoo ay garoonka diyaaradaha ka soo galbiyeen madax ka socotay xafiiska R/wasaaraha UK, David Cameron. HOOS KA DAAWO VIDEO-GA

 Waxaa safarkan Madaxweynaha ku wehliya R/Wasaare Ku Xigeenka, ahna Wasiirka arimaha dibadda iyo iskaashiga Caalimiga Marwo Fawziyo Yusuf Adan,Wasiiru-dowlaha madaxtooyadda Faarax Shiikh Cabdulqaadir, la-taliyayaasha Madaxweynaha, iyo saraakiil ka howlgash xafiiska  Madaxweyaha Soomaaliya.

 Booqashada Madaxweynaha ayaa waxay jawaab u tahay martiqaad uu madaxweynaha ka helay dowladda Ingiriiska. Inta uu London ku sugan yahay madaxweyaha waxaa uu la kulmi doonaa Ra’iisal Wasaaraha Britain Mr. David Cameron iyo madax kale oo dowladda ka tirsan, kuwaasi oo ay isla soo qaadi doonaan xiriirka labada dal iyo wada shaqeyn iyo iskaashi dhexmara labada dhinac. Sidoo kalena wuxuu la hadli doonaa Soomaalida ku nool UK.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa wuxuu maalmihii tegay ku sugan Magaalada Brussels ee dalka Belgium, halkaasi oo uu kulamo kula lahaa madaxda sare ee Midowga Yurub oo madaxweynaha casuumaad u fidiyay, kuwaasi oo ay ka wada hadleen bogga cusub ee Soomaaliya u furmay iyo xiriirka labada dhinac iyo sida Midowga Yurub uu u taageeri karo Soomaaliya.

Casuumadda uu Midowga Yurub u fidiyay Madaxweynaha  Soomaaliya ayaa waxaa ka horreysay casuumaad ay dowladda mareykanka u fidisay madaxweynaha Soomaaliya, waxaana aqalka cad ee mareykanka ku kulmay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud iyo Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama. Kulanka labada madaxweyne kaddibna dowladda mareykanka waxay ku dhawaaqday in ay aqoonsi buuxa siineyso Dowladda Soomaaliya.

About these ads
Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

Join 4,012 other followers

%d bloggers like this: